Sunday, September 27, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha Galmudug oo xarigga ka jaray xarunta 4-aad ee Hay’adda Socdaalka “SAWIRRO

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
3 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha Galmudug oo xarigga ka jaray xarunta 4-aad ee Hay’adda Socdaalka “SAWIRRO
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Md.ne Axmed Cabdi Kaariye iyo Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliyeed Mudane Cabdulqaadir Cilmi Cali (Cabdul) ayaa maanta si wadajir ah xariga uga jaray dhismaha Xarunta Laanta 4-aad ee Hay’adda oo laga hirgeliyay Caasimadda Galmudug ee Dhuusamareeb.

Dhismaha Xarunta Laant 4-aad ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ayaa muhiimad gaar ah u leh adeegyada ay Hay’addu ka bixiso Magaalada Dhuusamareeb iyo guud ahaan deegaannada Galmudug. Dhismaha Xarunta ayaa ka jawaabi doonto baahiya adeeg ee bulshada reer Galmudug.

Related posts

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐡𝐞𝐲’𝐚𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐚𝐦𝐧𝐢𝐠𝐚 𝐤𝐮 𝐛𝐨𝐠𝐚𝐚𝐝𝐢𝐲𝐞𝐲 𝐧𝐚𝐛𝐚𝐝𝐠𝐚𝐥𝐲𝐚𝐝𝐚 𝐜𝐚𝐚𝐬𝐢𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐡𝐞𝐲’𝐚𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐚𝐦𝐧𝐢𝐠𝐚 𝐤𝐮 𝐛𝐨𝐠𝐚𝐚𝐝𝐢𝐲𝐞𝐲 𝐧𝐚𝐛𝐚𝐝𝐠𝐚𝐥𝐲𝐚𝐝𝐚 𝐜𝐚𝐚𝐬𝐢𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚

September 26, 2026
Ururka JSP oo  olole cod-raadis ah ka sameeyay deegaanka Xaarxaar

Ururka JSP oo olole cod-raadis ah ka sameeyay deegaanka Xaarxaar

September 26, 2026

Agaasiamaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda oo furitaanka xarunta Laanta 4-aad ka hadlay ayaa sheegay in dhismaha xarunta ay qeyb katahay dadaalada ay Hay’addu ku horumarineyso xarumaheeda Gobolada iyo daadajinta adeegyada ay Hay’adda Socdaalka iyo Jisniayddu ka qabato guud ahaan dalka.

Agaasiamaha Guud ee Hay’adda Mudane Cabdulqaadir Cilmi Cali (Cabdul) ayaa sheegay in mashruuca lagu dhisay xarunta Laanta 4-aad uu  kamid yahay mashaariicda ay Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyaddu ku dhiseyso xarumaha Laamaha Hay’adda ay ku leedahay Dowlad goboleedyada. Agaasime Cabdul ayaa sidoo kale sheegay in dhawaan la dhagax dhigi doonaa bar-xuduudeedka Balambal ee Gobolka Galguduud, taas oo laga dhisi doono dhisme loogu adeego dadka iyo badeecadaha isaga gudba xuduudda bar-xuduudeedka Balambal.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-qoor) ayaa uga mahadceliyay Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda dhismaha ay ka dhistay Caasimadda Galmudug, isagoo sidoo kale sheegay in Madaxda Hay’adda ay ka dhabeysay balan qaadkii aan ku dhagaxdhignay.

“Waxay faraxad inoo ah maanta inaan halkaan ku xarig jarnay Xarunta Laanta 4-aad ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda, waxaan halkaan uga mahadcelinayaa si weyn Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda iyo Agaasimaha Guud ee Hay’adda sida sharafta badan ee uu uga soo jawaabay codsigii iyo dalabki aan u gudbinay waliba sida dhaqsiyaha badan loo hirgeliyay”. Ayuu yiri Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor.

Ugu dambeyn, Munaasabadda ayaa waxaa goobjoog ahaa xubna katirsan Xildhibaannada Golaha Shacabka, Wasiirada dowlad Goboleedka Galmudug, Xildhibaannada Galmudug, Maamulka Gobolka Galguduud iyo Duqa Caasimadda Galmudug ee Dhuusamareeb.

W/Q: Liibaan Lugcad

 

















Previous Post

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ka qeybgalaya shir Madaxeedka IGAD oo gaaray Jabuuti

Next Post

Shirka madaxeedka IGAD oo maanta ka furmaya Jabuuti.

Next Post
Shirka madaxeedka IGAD oo maanta ka furmaya Jabuuti.

Shirka madaxeedka IGAD oo maanta ka furmaya Jabuuti.

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐡𝐞𝐲’𝐚𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐚𝐦𝐧𝐢𝐠𝐚 𝐤𝐮 𝐛𝐨𝐠𝐚𝐚𝐝𝐢𝐲𝐞𝐲 𝐧𝐚𝐛𝐚𝐝𝐠𝐚𝐥𝐲𝐚𝐝𝐚 𝐜𝐚𝐚𝐬𝐢𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐡𝐞𝐲’𝐚𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐚𝐦𝐧𝐢𝐠𝐚 𝐤𝐮 𝐛𝐨𝐠𝐚𝐚𝐝𝐢𝐲𝐞𝐲 𝐧𝐚𝐛𝐚𝐝𝐠𝐚𝐥𝐲𝐚𝐝𝐚 𝐜𝐚𝐚𝐬𝐢𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚

September 26, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa ka qeybgalay munaasabad loogu mahadcelinayay ciidanka Qaranka sidii ay u...

Ururka JSP oo  olole cod-raadis ah ka sameeyay deegaanka Xaarxaar

Ururka JSP oo olole cod-raadis ah ka sameeyay deegaanka Xaarxaar

September 26, 2026
0

Xubno sare oo ka tirsan Ururka Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP) oo ay Hogaaninneeysay Senator Duniyo Maxamed Cali ayaa olole doorasho...

Safaaradda Soomaaliya oo qaabishay Madaxa Barnaamijyada UN-Habitat Ee Soomaaliya

Safaaradda Soomaaliya oo qaabishay Madaxa Barnaamijyada UN-Habitat Ee Soomaaliya

September 26, 2026
0

Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu soo dhaweeyay Sophos Sophianos, Madaxa Barnaamijyada ee Hay’adda UN-Habitat Somalia, oo booqasho shaqo ku...

Guddoomiyaha SoDMA oo soo xiray kulan wadatashi ah oo looga hadlay xaaladda waddada isku xirta Muqdisho iyo Baydhabo

Guddoomiyaha SoDMA oo soo xiray kulan wadatashi ah oo looga hadlay xaaladda waddada isku xirta Muqdisho iyo Baydhabo

September 26, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa soo xiray kulan wadatashi ah oo looga hadlay xaaladda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In