Sunday, October 11, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha Golaha ICAO oo sheegay in Soomaaliya ay tusaale u tahay horumarinta Duulista Rayidka

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
3 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha Golaha ICAO oo sheegay in Soomaaliya ay tusaale u tahay horumarinta Duulista Rayidka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Fardowsa Cismaan Cigaal oo uu weheliyay Maareeyaha Guud ee Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed, Mudane Axmed Macallin Xasan ayaa kulan heerkiisu sarreeyay magaalada Nairobi kula qaatay Madaxweynaha Golaha Hay’adda Duulista Rayidka Adduunka (ICAO), Mudane Salvatore Sciacchitano, Xoghayaha Guud ee ICAO,Juan Carlos Salaza iyo Agaasimaha Xafiiska Horumarinta iyo Hirgelinta ICAO, Jorge Vargas.

Wada-hadalka labo geesoodka ah ayaa diirradda lagu saaray mashaariicda horumarinta ee hannaanka Duulista Rayidka Soomaaliyeed, guulaha laga gaaray farsamada iyo iskaashiga guud.

Related posts

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

October 11, 2026
Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

October 11, 2026

Maareeyaha Guud ee Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed , Mudane Axmed Macallin Xasan ayaa kulanka ku soo bandhigay warbixin guud oo la xiriirta guulaha la gaaray oo ay ku caddahay sida ay Soomaaliyeed waqti kooban ku gaartay heerka u sarreeya ee maamulka iyo la socodka hawada iyo sida ay uga go’antahay in la xoojiyo dadaallada horumarinta leh. Waxaa kalo uu soo qaaday inay guul weyn u tahay Soomaaliya muddada yar Hay’adda Duulista Rayidka ku gaartay heerka u sarreeya ee dhinacyada qalabka, farsamada iyo shaqaalaha.

Madaxweynaha Golaha Hay’adda Duulista Rayidka Adduunka (ICAO), Mudane Salvatore Sciacchitano ayaa dhankiisa boggaadiyay guulaha la gaaray , wuxuu si cad u sheegay inay Soomaaliya u arkaan tusaalaha horumar degdeg leh ee laga gaaro hannaanka Duulista Rayidka, wuxuu ku dhaaraday xiriirka dheer ee uu la leeyahay Soomaaliya oo ka soo billaabanaya xilliga gumeysta ah, isagoo caddeeyay inay ICAO labo-laabayso taageerrada iyo iskaashiga Soomaaliya.

“Soomaaliya waxay noogu diiwaangashantahay inay tusaale adduunka ugu tahay horumar si dhaqso leh looga gaaro nidaamka Duulista Rayidka.” ayuu yiri Madaxweynaha Golaha ICAO oo intaa ku daray “ Waxaan dooneyna doorashada Golaha ICAO ee dhacaysa 2025 inay Soomaaliya soo xaadirto si halkaa dunidda aan ugu soo bandhigno iyadoo ka soo gudubtay hubinta (Audit).”

Gabagabadii, Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Fardowsa Cismaan Cigaal ayaa uga mahadcelisay hoggaanka sare ee ICAO , dadaalladii iyo taageerradii ay siiyeen Soomaaliya ee lagu gaaray isbeddelka horumarka leh, iyadoo xaqiijisay inay dadaal ku bixin doonaan dhammeystirka hubin (Audit), sida ay Soomaaliya ugu gudbi lahayd iyo horumarinta dhinacyada mudnaanta leh.


Previous Post

Ciidanka Xoogga Dalka oo khawaarijta kala wareegay deegaanno ka tirsan Gobalka Galgaduud

Next Post

Guddoomiye Abshirow oo siminaar u furay Haweenka ku jira Labada Gole ee BJFS “SAWIRRO”

Next Post
Guddoomiye Abshirow oo siminaar u furay Haweenka ku jira Labada Gole ee BJFS “SAWIRRO”

Guddoomiye Abshirow oo siminaar u furay Haweenka ku jira Labada Gole ee BJFS "SAWIRRO"

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

October 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgallo ballaaran oo ka dhan ahKhawaarijta,ka wada deegaano hoostaga degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan....

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

October 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Mr. Robert...

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda JFS Mudane Xasan Macallin Maxamuud oo Magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga u...

Dowladda Soomaaliya oo cambaaraysay weerarka lagu qaaday xarunta korontada ee Masjidka Nabiga (NNKH) ee Magaalada Madiina

DFS oo cambaaraysay weerar lagu qaaday garoomo ku yaalla dalka Sacuudiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si xooggan u cambaareyneysaa weerarrada ay kooxda Xuutiyiintu ku qaadeen Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In