Wednesday, July 2, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha Golaha ICAO oo sheegay in Soomaaliya ay tusaale u tahay horumarinta Duulista Rayidka

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
August 21, 2023
in Wararka
0
Madaxweynaha Golaha ICAO oo sheegay in Soomaaliya ay tusaale u tahay horumarinta Duulista Rayidka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Fardowsa Cismaan Cigaal oo uu weheliyay Maareeyaha Guud ee Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed, Mudane Axmed Macallin Xasan ayaa kulan heerkiisu sarreeyay magaalada Nairobi kula qaatay Madaxweynaha Golaha Hay’adda Duulista Rayidka Adduunka (ICAO), Mudane Salvatore Sciacchitano, Xoghayaha Guud ee ICAO,Juan Carlos Salaza iyo Agaasimaha Xafiiska Horumarinta iyo Hirgelinta ICAO, Jorge Vargas.

Wada-hadalka labo geesoodka ah ayaa diirradda lagu saaray mashaariicda horumarinta ee hannaanka Duulista Rayidka Soomaaliyeed, guulaha laga gaaray farsamada iyo iskaashiga guud.

Related posts

Wasiirka Maaliyadda XFS oo kulan la qaatay Xoghaya Guddiga Dhaqaalaha QM ee u qaabilsan Afrika

Wasiirka Maaliyadda XFS oo kulan la qaatay Xoghaya Guddiga Dhaqaalaha QM ee u qaabilsan Afrika

July 2, 2025
Maareeyaha Hay’adda Duulista Rayidka oo ka warbixiyay diyaarad kusoo dhacday Garoonka Aadan Cadde

Maareeyaha Hay’adda Duulista Rayidka oo ka warbixiyay diyaarad kusoo dhacday Garoonka Aadan Cadde

July 2, 2025

Maareeyaha Guud ee Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed , Mudane Axmed Macallin Xasan ayaa kulanka ku soo bandhigay warbixin guud oo la xiriirta guulaha la gaaray oo ay ku caddahay sida ay Soomaaliyeed waqti kooban ku gaartay heerka u sarreeya ee maamulka iyo la socodka hawada iyo sida ay uga go’antahay in la xoojiyo dadaallada horumarinta leh. Waxaa kalo uu soo qaaday inay guul weyn u tahay Soomaaliya muddada yar Hay’adda Duulista Rayidka ku gaartay heerka u sarreeya ee dhinacyada qalabka, farsamada iyo shaqaalaha.

Madaxweynaha Golaha Hay’adda Duulista Rayidka Adduunka (ICAO), Mudane Salvatore Sciacchitano ayaa dhankiisa boggaadiyay guulaha la gaaray , wuxuu si cad u sheegay inay Soomaaliya u arkaan tusaalaha horumar degdeg leh ee laga gaaro hannaanka Duulista Rayidka, wuxuu ku dhaaraday xiriirka dheer ee uu la leeyahay Soomaaliya oo ka soo billaabanaya xilliga gumeysta ah, isagoo caddeeyay inay ICAO labo-laabayso taageerrada iyo iskaashiga Soomaaliya.

“Soomaaliya waxay noogu diiwaangashantahay inay tusaale adduunka ugu tahay horumar si dhaqso leh looga gaaro nidaamka Duulista Rayidka.” ayuu yiri Madaxweynaha Golaha ICAO oo intaa ku daray “ Waxaan dooneyna doorashada Golaha ICAO ee dhacaysa 2025 inay Soomaaliya soo xaadirto si halkaa dunidda aan ugu soo bandhigno iyadoo ka soo gudubtay hubinta (Audit).”

Gabagabadii, Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Fardowsa Cismaan Cigaal ayaa uga mahadcelisay hoggaanka sare ee ICAO , dadaalladii iyo taageerradii ay siiyeen Soomaaliya ee lagu gaaray isbeddelka horumarka leh, iyadoo xaqiijisay inay dadaal ku bixin doonaan dhammeystirka hubin (Audit), sida ay Soomaaliya ugu gudbi lahayd iyo horumarinta dhinacyada mudnaanta leh.


Previous Post

Ciidanka Xoogga Dalka oo khawaarijta kala wareegay deegaanno ka tirsan Gobalka Galgaduud

Next Post

Guddoomiye Abshirow oo siminaar u furay Haweenka ku jira Labada Gole ee BJFS “SAWIRRO”

Next Post
Guddoomiye Abshirow oo siminaar u furay Haweenka ku jira Labada Gole ee BJFS “SAWIRRO”

Guddoomiye Abshirow oo siminaar u furay Haweenka ku jira Labada Gole ee BJFS "SAWIRRO"

Wasiirka Maaliyadda XFS oo kulan la qaatay Xoghaya Guddiga Dhaqaalaha QM ee u qaabilsan Afrika

Wasiirka Maaliyadda XFS oo kulan la qaatay Xoghaya Guddiga Dhaqaalaha QM ee u qaabilsan Afrika

July 2, 2025
0

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige oo ka qeyb galaya Shirweynaha 4-aad ee Horumarinta Maalgashiga Qaramada Midoobay...

Maareeyaha Hay’adda Duulista Rayidka oo ka warbixiyay diyaarad kusoo dhacday Garoonka Aadan Cadde

Maareeyaha Hay’adda Duulista Rayidka oo ka warbixiyay diyaarad kusoo dhacday Garoonka Aadan Cadde

July 2, 2025
0

Maareeyaha Guud ee Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed, Mudane Axmed Macallin Xasan ayaa warbaahinta Qaranka u sheegay in diyaarad nooca Helicopter...

Madaxweynaha JFS oo ka qeybgalay xuska maalinta xoriyadda iyo midnimada dalka

Madaxweynaha JFS oo ka qeybgalay xuska maalinta xoriyadda iyo midnimada dalka

July 1, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeybgalay munaasabadda xuska sannad guurada 65-aad ee xornimada iyo Midnimada...

Madaxweynaha JFS oo dhagax-dhigay taallada daljika dahsoon

Madaxweynaha JFS oo dhagax-dhigay taallada daljika dahsoon

July 1, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeybgalaya xuska Munaasabadda 1-da Luulyo oo ku astaysan 65-...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In