Sunday, October 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha: “Heshiiska Kismaayo waxaa uu muujinaya baahida loo qabo in la ballaariyo lana dhiirigeliyo hawlaha dib u heshiisiinta’’

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha: “Heshiiska Kismaayo waxaa uu muujinaya baahida loo qabo in la ballaariyo lana dhiirigeliyo hawlaha dib u heshiisiinta’’
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo dhoweeyay heshiiskii dhowaan magaalada Kismaayo ay ku kala saxiixdeen Dowlad Goboleedka Jubbaland iyo mid ka mid ah beelaha dega gobolladaasi.

Madaxweynaha ayaa sheegay in heshiiskaasi uu ka tarjumayo biseylka shacabka ee fahamka dib u heshiisiinta iyo dib u soo kabashada Soomaaliya.

Related posts

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026

“Anigoo ku hadlaya magaca Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxaan u hambalyeynayaa maamulka Jubbaland iyo beelaha degaankaasi, tallaabadan horumarka leh ee ay sameeyeen. Heshiiska Kismaayo waxaa uu muujinaya baahida loo qabo in la ballaariyo lana dhiirigeliyo hawlaha dib u heshiisiinta. Waxaan Jubbaland iyo beelaha ku dhaqan ku dhiirigelinayaa inay sii wadaan hawshan quruxda badan oo aasaas u ah dhismaha Soomaaliyada cusub ee aan doonayno inay ku saleysnaato wada noolaansho, nabad , is-aqbalid iyo in horumarka laga wada shaqeeyo’’, ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa intaa ku darey in Jubbaland ay tusaale fiican u noqotay Soomaaliya inteeda kale, isagoo ugu baaqey maamullada iyo degaannada kala duwan ee dalka inay iyaguna qaadaan dhabbada hirgelinta iyo ballaarinta hawlaha dib u heshiisiinta.

Waxaa uu Madaxweynuhu xusuusiyay shacabka in dib u soo celinta kalsoonida is-aaminaadda dhexdooda ay ku imaan karto inay is cafiyaan, kana wada shaqeeyaan dib u heshiisiinta.

Previous Post

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdigiisa oo soo gabo gabeeyay socdaalkii Beledweyne

Next Post

Madaxweynaha oo soo dhoweeyay go’aanka hoggaamiyeyaasha dhaqanka ee gobolka Hiiraan ay dib ugu noqonayaan shirka magaalada Jowhar

Next Post
Madaxweynaha oo soo dhoweeyay go’aanka hoggaamiyeyaasha dhaqanka ee gobolka Hiiraan ay dib ugu noqonayaan shirka magaalada Jowhar

Madaxweynaha oo soo dhoweeyay go’aanka hoggaamiyeyaasha dhaqanka ee gobolka Hiiraan ay dib ugu noqonayaan shirka magaalada Jowhar

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, kaddib markii uu helay 79 cod. Sidoo...

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In