Tuesday, October 6, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha Hirshabeelle Oo Baaq U Diray Beela  Ku Dagaalamay Deegaanno Hoosyimaada Cadale

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
10 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha Hirshabeelle Oo Baaq U Diray Beela  Ku Dagaalamay Deegaanno Hoosyimaada Cadale
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

 

Madaxweynaha  Dowlad goboleedka Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Cosoble oo Warbaahinta kula hadlayay magaalada Muqdisho ee uu howlo shaqo u joogo ayaa ka hadlay arrimo ay ka mid yihiin Dagaal beeleedka ka dhacay deegaanno hoosyimaada degmada Cadale ee gobolka Shabeelaha Dhexe, Abaaraha ka jira deegaannada Hirshabeelle iyo Golaha Wasiirada Hirshabeelle ee uu dhowaan Madaxweynuhu Magacaabay.

Related posts

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐪𝐞𝐲𝐛𝐠𝐚𝐥𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐃𝐡𝐚𝐦m𝐞𝐲𝐬𝐭𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐨 𝐞𝐞 𝐝𝐞𝐠𝐦𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧𝐤𝐚 𝐁𝐚𝐥𝐚𝐧𝐛𝐚𝐥𝐥𝐞 𝐢𝐲𝐨 𝐆𝐮𝐫𝐢𝐜𝐞𝐞𝐥

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐪𝐞𝐲𝐛𝐠𝐚𝐥𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐃𝐡𝐚𝐦m𝐞𝐲𝐬𝐭𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐨 𝐞𝐞 𝐝𝐞𝐠𝐦𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧𝐤𝐚 𝐁𝐚𝐥𝐚𝐧𝐛𝐚𝐥𝐥𝐞 𝐢𝐲𝐨 𝐆𝐮𝐫𝐢𝐜𝐞𝐞𝐥

October 5, 2026
Wasiiru-dowlaha  Arrimaha Dibadda iyo Safiirka Qatar oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Safiirka Qatar oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal

October 4, 2026

Ugu horeyn Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle ayaa muujiyay sida uu uga xunyahay dagaal beeleedyo ka dhaca Guud ahaa dalka, isagoo wax lagu xumaado ku tilmaamay colaadda deegaanno hoosyimaada degmada Cadale ka soo cusboonaatay, taasi oo u dhexeysa beela walaalaha ah oo halkaasi wada daga, waxaana uu ka tacsiyeeyay dadkii ku dhintay dagaaladaasi. isagoo Eebbe uga baryay in Janatul fardowsa uu ka waraabiyo intii dhaawacantayna waxa uu u rajeeyay in caafimaad deg deg ah uu Alle siiyo, waxaana sidoo kale uu ugu baaqay dadkaasi in si shuruud la’aan ah ay u joojiyaan dagaalada.

“Si deg deg haloo joojiyo colaadaasi, waxaana odayaasha, Culima’udiinka iyo qeybaha kale duwan ee beelahaasi walaalaha ugu baaqayaa in nabadda ay qaataan oo ay ka hortagaan in mar kale dhiig u ku daato halkaasi, marna ogolaan meyno colaadaha noocaan oo kale ah in ay soo noq noqdaan qorshe ayaana nooga degan sidii looga hortagi lahaa colaadaha noocaan oo kale ah” Ayuu yiri Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Cosoble.

Mudane Cali Cabdullaahi Cosoble ayaa ka hadlay golaha wasiirada Dowlad goboleedka Hirshabeelle ee uu dhowaan magacaabay, isagoo sheegay xubnaha golahaasi wasiirada in ay yihiin xubno ku yimid la tashiyo uu la sameeyay Xildhibaannada Hirshabeelle, iyo Xildhibaannada Federaalka Soomaaliya, talooyinkooduna uu ku soo dhisay golahaasi uuna rajeynayo in  ay yihiin kuwa hanan kara waajibaadka shaqo ee laga sugayo, waxaana uu xusay haddii tabasho ay jirto la saxi karo, laakiin aysan muhiim aheyn in Xildhibaannada ay warbaahinta ay ka naqdiyaan Xukuumadda aan soo dhisay, iyagoo ku sixi kara Waxa jira Baarlamaanka dhexdiisa.

“Sax Ma aha Xildhibaanka haddii uusan noqon Wasiir in uu ka soo horjeesto Xukuumadani, Xildhibaanno mudnaa Wasiiro iyo Wasiir ku xigeenno in ay helaan way jiraan oo waxaan u hambeynay in shaqada baarlamaanka ay sii wadaan oo ay hogaamiyaan Gudiyada joogtada ee Baarlamaanka, Beesha aan helin Wasiiro laakiin waxay heli doonaan Jagooyin kale sida Agaasima guud suura galna ma aha in cid kastaa wasiir laga dhigaa, Shaqo abuur ayaan sameyn doonaa Insha’allah, Maamulkani waa mid cusub hala taageero oo hala garab galo oo aan taageerno waxqabadka muuqda yeynan ku mashquulin in wax la naqdiyo” ayuu hadalkiisa Raaciyay Madaxweynaha.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Cosoble soo hadal qaaday arrimaha abaaraha ka jira deegaannada Hirshabeelle ayaa sheegay in abaar daran ay ka jirto deegaanadaasi ayna muhiim tahay in gar gaar dhab ah lala gaaro dadka abaartu ay saameysay, waxaana qurba joogta ku abtirsada deegaanka maamulkani,Hey’adaha Caalamiga, iyo dowladda dhexe uu ugu baaqay in gurmad ay u fidiyaan dadka abaartu ay ku saameysay deegaannada Hirshabeelle.

Previous Post

Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo gaaray Suuqa Bakaaraha

Next Post

Taliyaha ciidanka booliska oo la kulmay saraakiil ka socotay Talyaaniga “SAWIRRO”

Next Post
Taliyaha ciidanka booliska oo la kulmay saraakiil ka socotay Talyaaniga “SAWIRRO”

Taliyaha ciidanka booliska oo la kulmay saraakiil ka socotay Talyaaniga "SAWIRRO"

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐪𝐞𝐲𝐛𝐠𝐚𝐥𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐃𝐡𝐚𝐦m𝐞𝐲𝐬𝐭𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐨 𝐞𝐞 𝐝𝐞𝐠𝐦𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧𝐤𝐚 𝐁𝐚𝐥𝐚𝐧𝐛𝐚𝐥𝐥𝐞 𝐢𝐲𝐨 𝐆𝐮𝐫𝐢𝐜𝐞𝐞𝐥

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐪𝐞𝐲𝐛𝐠𝐚𝐥𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐃𝐡𝐚𝐦m𝐞𝐲𝐬𝐭𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐨 𝐞𝐞 𝐝𝐞𝐠𝐦𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧𝐤𝐚 𝐁𝐚𝐥𝐚𝐧𝐛𝐚𝐥𝐥𝐞 𝐢𝐲𝐨 𝐆𝐮𝐫𝐢𝐜𝐞𝐞𝐥

October 5, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta safar ku tagay degmadda Balanballe ee dowlad-goboleedka Galmudug,...

Wasiiru-dowlaha  Arrimaha Dibadda iyo Safiirka Qatar oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Safiirka Qatar oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal

October 4, 2026
0

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad), ayaa maanta...

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda Oo Qaabilay Safiirka Sacuudiga u Fadhiya Soomaaliya

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda Oo Qaabilay Safiirka Sacuudiga u Fadhiya Soomaaliya

October 4, 2026
0

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad), ayaa xafiiska...

Galmudug oo digniin kasoo saartay roobab dabeylo wata oo lafilayo inay dalka ka da’aan

Galmudug oo digniin kasoo saartay roobab dabeylo wata oo lafilayo inay dalka ka da’aan

October 4, 2026
0

Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha ee Galmudug, gaar ahaan Waaxda Hydrometeorology, waxay soo saartay saadaasha roobabka ee muddada 04 ilaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In