Friday, July 11, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha Hirshabeelle Oo Baaq U Diray Beela  Ku Dagaalamay Deegaanno Hoosyimaada Cadale

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
February 27, 2017
in Wararka
0
Madaxweynaha Hirshabeelle Oo Baaq U Diray Beela  Ku Dagaalamay Deegaanno Hoosyimaada Cadale
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

 

Madaxweynaha  Dowlad goboleedka Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Cosoble oo Warbaahinta kula hadlayay magaalada Muqdisho ee uu howlo shaqo u joogo ayaa ka hadlay arrimo ay ka mid yihiin Dagaal beeleedka ka dhacay deegaanno hoosyimaada degmada Cadale ee gobolka Shabeelaha Dhexe, Abaaraha ka jira deegaannada Hirshabeelle iyo Golaha Wasiirada Hirshabeelle ee uu dhowaan Madaxweynuhu Magacaabay.

Related posts

Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug oo la kulmay Safiirka Turkiga ee Soomaaliya

Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug oo la kulmay Safiirka Turkiga ee Soomaaliya

July 10, 2025
Maxamed Xuseen oo ka mid ahaa Khawaarijta oo isu dhiibay Ciidanka Amniga

Maxamed Xuseen oo ka mid ahaa Khawaarijta oo isu dhiibay Ciidanka Amniga

July 10, 2025

Ugu horeyn Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle ayaa muujiyay sida uu uga xunyahay dagaal beeleedyo ka dhaca Guud ahaa dalka, isagoo wax lagu xumaado ku tilmaamay colaadda deegaanno hoosyimaada degmada Cadale ka soo cusboonaatay, taasi oo u dhexeysa beela walaalaha ah oo halkaasi wada daga, waxaana uu ka tacsiyeeyay dadkii ku dhintay dagaaladaasi. isagoo Eebbe uga baryay in Janatul fardowsa uu ka waraabiyo intii dhaawacantayna waxa uu u rajeeyay in caafimaad deg deg ah uu Alle siiyo, waxaana sidoo kale uu ugu baaqay dadkaasi in si shuruud la’aan ah ay u joojiyaan dagaalada.

“Si deg deg haloo joojiyo colaadaasi, waxaana odayaasha, Culima’udiinka iyo qeybaha kale duwan ee beelahaasi walaalaha ugu baaqayaa in nabadda ay qaataan oo ay ka hortagaan in mar kale dhiig u ku daato halkaasi, marna ogolaan meyno colaadaha noocaan oo kale ah in ay soo noq noqdaan qorshe ayaana nooga degan sidii looga hortagi lahaa colaadaha noocaan oo kale ah” Ayuu yiri Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Cosoble.

Mudane Cali Cabdullaahi Cosoble ayaa ka hadlay golaha wasiirada Dowlad goboleedka Hirshabeelle ee uu dhowaan magacaabay, isagoo sheegay xubnaha golahaasi wasiirada in ay yihiin xubno ku yimid la tashiyo uu la sameeyay Xildhibaannada Hirshabeelle, iyo Xildhibaannada Federaalka Soomaaliya, talooyinkooduna uu ku soo dhisay golahaasi uuna rajeynayo in  ay yihiin kuwa hanan kara waajibaadka shaqo ee laga sugayo, waxaana uu xusay haddii tabasho ay jirto la saxi karo, laakiin aysan muhiim aheyn in Xildhibaannada ay warbaahinta ay ka naqdiyaan Xukuumadda aan soo dhisay, iyagoo ku sixi kara Waxa jira Baarlamaanka dhexdiisa.

“Sax Ma aha Xildhibaanka haddii uusan noqon Wasiir in uu ka soo horjeesto Xukuumadani, Xildhibaanno mudnaa Wasiiro iyo Wasiir ku xigeenno in ay helaan way jiraan oo waxaan u hambeynay in shaqada baarlamaanka ay sii wadaan oo ay hogaamiyaan Gudiyada joogtada ee Baarlamaanka, Beesha aan helin Wasiiro laakiin waxay heli doonaan Jagooyin kale sida Agaasima guud suura galna ma aha in cid kastaa wasiir laga dhigaa, Shaqo abuur ayaan sameyn doonaa Insha’allah, Maamulkani waa mid cusub hala taageero oo hala garab galo oo aan taageerno waxqabadka muuqda yeynan ku mashquulin in wax la naqdiyo” ayuu hadalkiisa Raaciyay Madaxweynaha.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Cosoble soo hadal qaaday arrimaha abaaraha ka jira deegaannada Hirshabeelle ayaa sheegay in abaar daran ay ka jirto deegaanadaasi ayna muhiim tahay in gar gaar dhab ah lala gaaro dadka abaartu ay saameysay, waxaana qurba joogta ku abtirsada deegaanka maamulkani,Hey’adaha Caalamiga, iyo dowladda dhexe uu ugu baaqay in gurmad ay u fidiyaan dadka abaartu ay ku saameysay deegaannada Hirshabeelle.

Previous Post

Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo gaaray Suuqa Bakaaraha

Next Post

Taliyaha ciidanka booliska oo la kulmay saraakiil ka socotay Talyaaniga “SAWIRRO”

Next Post
Taliyaha ciidanka booliska oo la kulmay saraakiil ka socotay Talyaaniga “SAWIRRO”

Taliyaha ciidanka booliska oo la kulmay saraakiil ka socotay Talyaaniga "SAWIRRO"

Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug oo la kulmay Safiirka Turkiga ee Soomaaliya

Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug oo la kulmay Safiirka Turkiga ee Soomaaliya

July 10, 2025
0

Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Mudane Cali Daahir Ciid ayaa maanta la kulmay Safiirka dowladda Turkiga Soomaaliya u jooga Mudane Alper...

Maxamed Xuseen oo ka mid ahaa Khawaarijta oo isu dhiibay Ciidanka Amniga

Maxamed Xuseen oo ka mid ahaa Khawaarijta oo isu dhiibay Ciidanka Amniga

July 10, 2025
0

Maxamed Xuseen Maxamed, oo ka mid ahaa maleeshiyaadka arxanka daran ee Khawaarijta, ayaa maanta isku soo dhiibay Ciidamada Guutada 23-aad...

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka oo ka warbixisay qasaaraha fatahaadaha

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo ka hadlay abaarta ka jirta Gobalka Awdal

July 10, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Maxamuud Macalin Cabdulle “Xaalada abaarta gobolka Awdal si gaar ah ayaa ula socnay, waxaana ka dowlad...

Duqa Caasimadda oo kulan la qaatay Madaxda Rugta Ganacsiga 

Duqa Caasimadda oo kulan la qaatay Madaxda Rugta Ganacsiga 

July 10, 2025
0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar kulan kula...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In