Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa maanta kormeeray Xarunta Wasaaradda Caafimaadka Hirshabeelle.
Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa kormeeray xafiisyada Wasaaradda iyo qaabka ay u socdaan shaqooyinka, isagoo la kulmay Wasiirka iyo Howlwadeennada Wasaaradda oo uu ka dhageystay warbixin howleedka Wasaaradda xili ay gudanayeen waajibaadkooda shaqo.
Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa ku bogaadiyay Wasiirka iyo Howlwadeennada Wasaaradda shaqada ay bulshada u hayaan, kuna booriyay inay dardargeliyaan waajibaadka shaqo ee loo igmaday.