Friday, January 23, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha Hirshabeelle oo dib ugu soo laabtay dalka “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
9 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha Hirshabeelle oo dib ugu soo laabtay dalka “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabeelle Cali Cabdulaahi Cosoble, oo howlo shaqo ku maqna dalka dibadiisa ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay, isagoo socdaal shaqo ku tegay dalalka Ethiopia iyo Kenya.

Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa markii uu soo gaaray garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Aadan Cadde waxa halkaasi ku soo dhaweeyay Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle Cali  Cabdullaahi Xuseen Gudlaawe, Guddomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle Sheekh Cismaan Barre, Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Soomaaliya iyo Xildhibaannada labada Aqal ee sare iyo Hoose.

Related posts

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo Qatar uga qeybgalay qalin jebinta ciidanka Isku dhafka ah

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo Qatar uga qeybgalay qalin jebinta ciidanka Isku dhafka ah

January 22, 2026
Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Deegaanka XFS oo gaaray Laascaanood

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Deegaanka XFS oo gaaray Laascaanood

January 22, 2026

Mudane Cali Cabdulaahi Cosoble oo Warbaahinta Qaranka kula hadlay garoonka diyaaradaha ayaa sheegay in uu socdaalkii uu ku tegay dalalka Ethiopia iyo Kenya ay guul ku soo dhamaadeen, kuwaasi oo ahaa kulamo isbarasho iyo kala warqaadasho, waxaana uu intaa ku daray in Madaxda labada dal ee uu la kulmay ay u balan qaadeen inay ka qeyb qaadanayaan arrimaha dib u dhiska deegaannada Hirshabeelle.

Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa tilmaamay in magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya uu sidoo kale kula kulmay madax ka tirsan beesha caalamka oo uu uga xog waramay xaaladda maamulka Hirshabeelle iyo sida ay uga qeyb qaadan karaan horumarinta deegaannada maamulka.

 

IMG_0051 IMG_0053 IMG_0055 IMG_0058 IMG_0061 IMG_0062 IMG_0064 IMG_0068 IMG_0071 IMG_0077 IMG_0080 IMG_0084 IMG_0085 IMG_0089 IMG_0115 IMG_0116 IMG_0122 IMG_0123 IMG_0124 IMG_0129 IMG_0131 IMG_0135 IMG_0140 IMG_0141 IMG_0142 IMG_0143 IMG_0144 IMG_0145 IMG_0150 IMG_0152 IMG_0153 IMG_0157 IMG_0162 IMG_0163 IMG_0168 IMG_0171 IMG_0193 IMG_0200 IMG_0207 IMG_0212

Previous Post

Dhageyso warka subax ee Radio Muqdisho

Next Post

Deegaanka Jaziira ee duleedka Muqdisho oo laga hirgeliyay xarun caafimaad

Next Post
Deegaanka Jaziira ee duleedka Muqdisho oo laga hirgeliyay xarun caafimaad

Deegaanka Jaziira ee duleedka Muqdisho oo laga hirgeliyay xarun caafimaad

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo Qatar uga qeybgalay qalin jebinta ciidanka Isku dhafka ah

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo Qatar uga qeybgalay qalin jebinta ciidanka Isku dhafka ah

January 22, 2026
0

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, oo booqasho shaqo ku jooga dalka Qatar, ayaa maanta ka qeybgalay...

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Deegaanka XFS oo gaaray Laascaanood

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Deegaanka XFS oo gaaray Laascaanood

January 22, 2026
0

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Hussein Ali Haji, ayaa maanta ka degay...

Guddoonka Labada Aqal ee BJFS oo xog laga siiyay hannaaka dib u eegista Dastuurka

Guddoonka Labada Aqal ee BJFS oo xog laga siiyay hannaaka dib u eegista Dastuurka

January 22, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo ay wehliyaan Guddoomiye Kuxigeenka Koowaad...

𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐮-𝐃𝐮𝐰𝐢𝐝𝐝𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐫𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐀𝐛𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 M𝐨𝐪𝐝𝐢𝐬𝐡𝐨 l𝐮𝐠𝐮 s𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐫𝐚y

𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐮-𝐃𝐮𝐰𝐢𝐝𝐝𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐫𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐀𝐛𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 M𝐨𝐪𝐝𝐢𝐬𝐡𝐨 l𝐮𝐠𝐮 s𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐫𝐚y

January 22, 2026
0

Waxaa Magaaladda Moqdisho lugu soo xiray Shirka Guddiga Qaran ee Isku-Duwidda Maareynta Abaaraha, oo ay soo qaban-qaabisay Hay’adda Maareynta Musiibooyinka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In