Monday, May 11, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha Hirshabeelle oo guul taariikhi ah ku tilmaamay dhaarinta Xildhibaanada labada Aqal

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
9 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha Hirshabeelle oo guul taariikhi ah ku tilmaamay dhaarinta Xildhibaanada labada Aqal
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Soomaaliyeed ee Hirshabelle Dr Cali Cabdulaahi Cosoble, ayaa ugu hambalyeeyay Xildhibaanada Golaha Shacabka iyo kuwa Aqalka Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xilka ay la wareegeen Maanta iyo dhaarta ay u dhaarteen dalkooda hooyo, waxaana talaabadaasi uu ku tilmaamay guul taariikhi ah oo u soo hoyatay Soomaaliya.

Madaxweyne Dr Cali Cabdullaahi Cosoble ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay tallaabada horumarka leh ee ay ku dhaqaaqeen Ummadda Soomaaliyeed, islamarkaana gaba gaba ay tahay wadadii looga bixi lahaa kalaguurka, waxaana uu u rajeeyay baarlamaankani 10-aad in uu noqdo mid dadka iyo dalka ay u aayaan.

Related posts

Madaxweynaha JFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Uganda

Madaxweynaha JFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Uganda

May 11, 2026
Wasiirka Warfaafinta XFS oo la dhaariyay

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la dhaariyay

May 11, 2026

“Waxaan si kal iyo laab ah u soo dhoweynayaa guusha lagu tallaabsadey ee dhameystirka Dowlad dhisida Soomaaliya, iyo baarlamaankani cusub oo noqonaya baarlamaankii 10-aad, waxaa la idiin ka sugaya ayaa ah ka dhabeynta dhaarta aad u dhaarateen dadka,dalkaiyo diinta, horumarinta iyo dejinta shuruucda dalka sida Ansixinta Dastuurka iyo afti u qaadistiisa oo muhiim noo ah, si dalka loo gaarsiiyo doorasho qof iyo codkiisa ah, sidoo kale waxaan u rajeynayaa shacabka Soomaaliyeed inay ka faa’ideystaan waaga cusub ee u baryey” Ayuu yiri Madaxweynaha Dowladda Hirshabelle Dr Cali Cabdullaahi Cosoble.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Dr Cali Cabdullaahi Cosoble ayaa Ku ammaanay Baarlamaankii hore howshii baaxada laheyd ay soo qabteen waxaana hambalyo iyo bogaadin uu u jeediyay Guddoomiyihii hore Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari xilkasnimadii iyo waaya aragnimadii uu Ku soo hogaamiyay Baarlamaankaasi 9-aad.

Previous Post

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka dalka oo hambalyo u diray xubnaha labada Gole ee maanta la dhaariyay

Next Post

Wafdi uu hogaaminayo Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo lagu soo dhaweeyay dalka Kuwait “SAWIRRO”

Next Post
Wafdi uu hogaaminayo Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo lagu soo dhaweeyay dalka Kuwait “SAWIRRO”

Wafdi uu hogaaminayo Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo lagu soo dhaweeyay dalka Kuwait "SAWIRRO"

Madaxweynaha JFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Uganda

Madaxweynaha JFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Uganda

May 11, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Kampala ee Jamhuuriyadda Yugaandha,...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la dhaariyay

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la dhaariyay

May 11, 2026
0

Kulanka Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka BJFS ayaa ka dhacay Xarunta Guddoonka iyo Guddiyada ee Villa Hargeysa, waxaana shir...

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo soo gabagabeysay Wejiga 1aad ee tababarka amniga Saaybarka Shaqaalaha DFS 

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo soo gabagabeysay Wejiga 1aad ee tababarka amniga Saaybarka Shaqaalaha DFS 

May 11, 2026
0

Nayroobi, Kenya – 11 Maajo 2026---Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka (HIQ) ayaa si rasmi ah u soo gabagabeysay wejiga koowaad ee barnaamij...

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Biljimka oo ku baaqday ka qaybgalka doorashooyinka ka socda dalka

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Biljimka oo ku baaqday ka qaybgalka doorashooyinka ka socda dalka

May 11, 2026
0

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool dalka Biljimka ayaa ku baaqday midnimo iyo in shacabka Soomaaliyeed ay si firfircoon uga qayb...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In