Thursday, August 13, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha Hirshabeelle Oo Ka Tacsiyeeyay Dadkii Ku Nafwaayey Qaraxyadii Ka Dhacay Jalalaqsi iyo Buula-burte

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
4 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Duulista Hawada Oo La Kulantay Guddiga Shirkadaha Diyaaradaha Dalka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoysaska iyo qaraabada ay ka baxeen Allaha u naxariistee dadkii maanta ku nafwaayay qaraxyadii ay argagixisadu ka geysteen degmooyinka Buulo Burde iyo Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan.

Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa xusay in argagixisadu cadow ku yihiin nolosha iyo horumarka dadka Soomaaliyeed, yoolkooduna yahay xasuuqa shacabka iyo beegsiga haldoorka umaddda, isagoo Shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay meel uga soo wadajeestaan jiritaanka Kooxda Argagixisada ah ee Al-Shabab.

Related posts

Wasiirka Amniga Gudaha oo soo xiray tababarka Dufcadda 5-aad ee Ciidanka Darawiishta

Wasiirka Amniga Gudaha oo soo xiray tababarka Dufcadda 5-aad ee Ciidanka Darawiishta

August 13, 2026
Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo gaaray Degmada Dhuusamareeb

Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo gaaray Degmada Dhuusamareeb

August 13, 2026

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle ayaa ka tacsiyeeyay geerida Guddoomiyihii hore ee degmada Jalalaqsi Marxuum Maxamed Nuur Dabaashe iyo Duqii Degmada Jalalaqsi Marxuum Aadan Maxamed Ciise oo ka mid haa dadkii maanta ku geeriyooday qaraxii ka kacay xarunta degmada Jalalaqsi.

Mudane Cali Guudlaawe ayaa dhanka kale ka tacsiyeeyay qaraxii galabta ka dhacay buundada degmada Buulo Burde oo ay ku geeriyoodeen dad shacab ah, isagoo tilmaamay in argagixisada arxanka daran ee sii dabar go’aya ay damacsanaayeen inay kala jaraan isu socodka dadka ku nool degmada Buulo Burde.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa Alle uga baryay Masuuliyiintii iyo shacabkii ku geeriyootay qaraxyadaasi argagixiso in uu hoygooda ka yeelo Jannatul Firdowsa, inta ku dhaawacantayna uu Eebbe caafimaad deg deg siiyo.

INNAA LILAAHI WA INAA ILEYHI RAAJICUUN.

Previous Post

Wasiirka Duulista Hawada Oo La Kulantay Guddiga Shirkadaha Diyaaradaha Dalka

Next Post

Cayaartooyda Xulka Qaranka 17 Jirada Oo Si Diiran Loogu Soo Dhaweeyay Xarunta Dowladda Hoose Ee Xamar

Next Post
Cayaartooyda Xulka Qaranka 17 Jirada Oo Si Diiran Loogu Soo Dhaweeyay Xarunta Dowladda Hoose Ee Xamar

Cayaartooyda Xulka Qaranka 17 Jirada Oo Si Diiran Loogu Soo Dhaweeyay Xarunta Dowladda Hoose Ee Xamar

Wasiirka Amniga Gudaha oo soo xiray tababarka Dufcadda 5-aad ee Ciidanka Darawiishta

Wasiirka Amniga Gudaha oo soo xiray tababarka Dufcadda 5-aad ee Ciidanka Darawiishta

August 13, 2026
0

Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa si rasmi ah u soo xiray tababarka...

Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo gaaray Degmada Dhuusamareeb

Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo gaaray Degmada Dhuusamareeb

August 13, 2026
0

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar iyo wafdi saraakiil ah oo uu hoggaaminayo ayaa lagu...

Guddoomiyaha Jaamacadda Muqdisho oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Kenya

Guddoomiyaha Jaamacadda Muqdisho oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Kenya

August 13, 2026
0

Wafti uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Jaamacadda Muqdisho, Dr. Ibraahim Maxamed Mursal, ayaa booqasho rasmi ah ku tegay xarunta Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo kulan la qaatay Agaasimaha Horumarinta UK

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo kulan la qaatay Agaasimaha Horumarinta UK

August 13, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa kulan la yeeshay Agaasimaha Horumarinta Boqortooyada Midowday (UK),...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In