Thursday, July 10, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha Hirshabeelle Oo Ka Tacsiyeeyay Dadkii Ku Nafwaayey Qaraxyadii Ka Dhacay Jalalaqsi iyo Buula-burte

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
October 19, 2022
in Wararka
0
Wasiirka Duulista Hawada Oo La Kulantay Guddiga Shirkadaha Diyaaradaha Dalka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoysaska iyo qaraabada ay ka baxeen Allaha u naxariistee dadkii maanta ku nafwaayay qaraxyadii ay argagixisadu ka geysteen degmooyinka Buulo Burde iyo Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan.

Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa xusay in argagixisadu cadow ku yihiin nolosha iyo horumarka dadka Soomaaliyeed, yoolkooduna yahay xasuuqa shacabka iyo beegsiga haldoorka umaddda, isagoo Shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay meel uga soo wadajeestaan jiritaanka Kooxda Argagixisada ah ee Al-Shabab.

Related posts

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS iyo Maxkamadda Xisaabta ee Turkiga oo saxiixday heshiis is-afgarad ah

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS iyo Maxkamadda Xisaabta ee Turkiga oo saxiixday heshiis is-afgarad ah

July 10, 2025
Dowladaha Soomaaliya iyo Sacuudiga oo wada yeeshay kulan lagu xoojinayay iskaashiga dhijitaalkaa ah.

Dowladaha Soomaaliya iyo Sacuudiga oo wada yeeshay kulan lagu xoojinayay iskaashiga dhijitaalkaa ah.

July 10, 2025

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle ayaa ka tacsiyeeyay geerida Guddoomiyihii hore ee degmada Jalalaqsi Marxuum Maxamed Nuur Dabaashe iyo Duqii Degmada Jalalaqsi Marxuum Aadan Maxamed Ciise oo ka mid haa dadkii maanta ku geeriyooday qaraxii ka kacay xarunta degmada Jalalaqsi.

Mudane Cali Guudlaawe ayaa dhanka kale ka tacsiyeeyay qaraxii galabta ka dhacay buundada degmada Buulo Burde oo ay ku geeriyoodeen dad shacab ah, isagoo tilmaamay in argagixisada arxanka daran ee sii dabar go’aya ay damacsanaayeen inay kala jaraan isu socodka dadka ku nool degmada Buulo Burde.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa Alle uga baryay Masuuliyiintii iyo shacabkii ku geeriyootay qaraxyadaasi argagixiso in uu hoygooda ka yeelo Jannatul Firdowsa, inta ku dhaawacantayna uu Eebbe caafimaad deg deg siiyo.

INNAA LILAAHI WA INAA ILEYHI RAAJICUUN.

Previous Post

Wasiirka Duulista Hawada Oo La Kulantay Guddiga Shirkadaha Diyaaradaha Dalka

Next Post

Cayaartooyda Xulka Qaranka 17 Jirada Oo Si Diiran Loogu Soo Dhaweeyay Xarunta Dowladda Hoose Ee Xamar

Next Post
Cayaartooyda Xulka Qaranka 17 Jirada Oo Si Diiran Loogu Soo Dhaweeyay Xarunta Dowladda Hoose Ee Xamar

Cayaartooyda Xulka Qaranka 17 Jirada Oo Si Diiran Loogu Soo Dhaweeyay Xarunta Dowladda Hoose Ee Xamar

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS iyo Maxkamadda Xisaabta ee Turkiga oo saxiixday heshiis is-afgarad ah

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS iyo Maxkamadda Xisaabta ee Turkiga oo saxiixday heshiis is-afgarad ah

July 10, 2025
0

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo dhiggiisa Maxkamadda Xisaabta ee Jamhuuriyadda Turkiga (TCA), ayaa magaalada Ankara ku kala...

Dowladaha Soomaaliya iyo Sacuudiga oo wada yeeshay kulan lagu xoojinayay iskaashiga dhijitaalkaa ah.

Dowladaha Soomaaliya iyo Sacuudiga oo wada yeeshay kulan lagu xoojinayay iskaashiga dhijitaalkaa ah.

July 10, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyada Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaan Maxamed Aadan Macallin (Soomaali), ayaa kulan muhiim ah la yeeshay Wasiirka...

Wafdi ka socda Dowladda Federaalka Soomaaliya oo gaaray Laascaanood

Wafdi ka socda Dowladda Federaalka Soomaaliya oo gaaray Laascaanood

July 10, 2025
0

Laascaanood Wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Yuusuf Cali (Xoosh), ayaa maanta...

Wasiirka Dhallinyarada XFS oo ka qeyb-galay daah-furka Istaraatiijiyadda Dhallinyarada Carbeed

Wasiirka Dhallinyarada XFS oo ka qeyb-galay daah-furka Istaraatiijiyadda Dhallinyarada Carbeed

July 10, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdulqaadir Cali, iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Cammaan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In