Sunday, August 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Oo Ka Hadlay Abaaraha Ka Jira Deegaanada Hirshabeelle “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
10 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Oo Ka Hadlay Abaaraha Ka Jira Deegaanada Hirshabeelle “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madxaweynaha Dowlad goboleedka Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Cosoble oo shir jiraa’id ku qabtay garoonka  diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay arrimo kale duwan oo la xiriira Maamulka Hirshabeelle, Xili uu ka soo noqday magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ee uu howlo shaqo  ku tagay.

Mudane Cali Cabdullaahi Cosoble  Madaxweyanaha dowlad goboleedka Hirshabeelle ayaa ugu horeyn ka warbixiyy xaalada guud ee gobalka gaar ahaan tan abaaraha ee ka jirta deegaanada Hirshabeelle,  Isagoo sheegay u jeedada halkaasi ay u gaareen ay tahey  in ay u kuur galaan  xaalada abaaraha ee ka jira qeybo ka mid ah Gobolkaasi, waxaana uu sheegey Madaxweynaha in ay gaarsiyeen deeganadaasi deeq gar gaar ah oo aan ku filneyn baaxadda abaarta jirta.

Related posts

Wasiirka Qoyska XFS oo Golaha Shacabka ka hor-akhriday sharciyo muhiim ah

Wasiirka Qoyska XFS oo Golaha Shacabka ka hor-akhriday sharciyo muhiim ah

August 30, 2026
Wasaaradda Maaliyadda oo soo gabagabaysay tababar ku saabsan diyaarinta iyo haqangelinta miisaaniyadda hay’adaha dowliga ah

Wasaaradda Maaliyadda oo soo gabagabaysay tababar ku saabsan diyaarinta iyo haqangelinta miisaaniyadda hay’adaha dowliga ah

August 30, 2026

“Maalmahan ayaa  ku maqnaa Magaalada Beledweyne, ujeedada  aan u aadnay waxa ay aheyd laba qodob  oo kala ah in aan ku baraarujino  wakiilka Qaramada Midoobay  ee Soomaaliya Michael Keating tago halkaasi oo inoo suura gashey,  islamarkaana uu wax ka ogaado xaaladda abaaraha  ee jira, qodobka kale ayaa ah beelaha dega  halkaasi aan kala hadalno  in jawi nabadeed ay kuwada noolaadaan lagana fogaado colaad beeleedyo in ay dhacaan,  kuwaasi oo iyaguna isku soo afgaranay,  taa oo iyana inoo aheyd wax wanaagsan oo mira dhal ah” Ayuu yiri Madaxweynaha Hirshabeelle.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Soomaaliyeed Ee Hirshabeelle  Mudane Cali Cabdullaahi Cosoble  ayaa ugu baaqay dhamaan dadka ka soo jeeda deegaanada maamulka Hirshabeelle, Dowladda Dhexe ee Dalka,  iyo Hey’adaha  gar-gaaarka in ay la soo gaaraan Gurmad dadku abaartu ku sameysay guud ahaan dalka gaar ahaan deegaanada Hirshabeelle.

“Waxaan rabaa inaan fursadani kaga faa’ideysto  runtii uguna baaqo dadka ka soo jeeda maamulkani ee  ku nool dalka dibadiisa,  hey’adaha samafalka, iyo dowladda Dhexe dadaal waa jiraa laakiin halaba jibaarto dadaalka, runtii abaar ba’an ayaa jirta xoolihii ay la’anayaan hade cid la isku haleynayo ma jirto dadaal badan ayaa socdo in laga wada qeyb qaato ayaa loo baahanyahay” Ayuu hadalkiisa sii raaciyay Madaxweyne Cosoble.

Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle mudane Cali Cabdullaahi Cosoble ayaa intii uu ku sugnaa waxa uu tababar uu ugu soo xiray ciidamo ka tirsan Nabad Sugida oo noqonaya ciidankii ugu horeeyay oo loo tababaro Maamulkani, taasi oo ay soo dhoweeyeen qeybaha kale duwan ee bulshada Soomaaliyeed, waxaana ciidamadaasi ay ka qeyb qaadan doonaan xaqiijinta guud ahaan amniga deegaanada Maamulka uu hoos yimaado.

 

–                                     — DHAMAAD—

 

Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha ee Madaxtooyada Dowladda Hirshabeelle

Directorate Of Media & Public Relation Office Of The President Hirshabeelle State Of Somalia

201717636193666653870050tababar-askar-12 IMG_0048 IMG_0051 IMG_0060 IMG_0061 IMG_0066 IMG_0072 IMG_0081 IMG_0093 IMG_0096 IMG_0097 IMG_0101 IMG_0103 IMG_0105 IMG_0116

 

Previous Post

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Puntland oo kormeer ku tegay Degmada Qandala

Next Post

Dhageyso Warka Habeen ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso: warka Duhur ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Habeen ee Radio Muqdisho

Wasiirka Qoyska XFS oo Golaha Shacabka ka hor-akhriday sharciyo muhiim ah

Wasiirka Qoyska XFS oo Golaha Shacabka ka hor-akhriday sharciyo muhiim ah

August 30, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka XFS, Amb. Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi, ayaa maanta Xildhibaannada Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda...

Wasaaradda Maaliyadda oo soo gabagabaysay tababar ku saabsan diyaarinta iyo haqangelinta miisaaniyadda hay’adaha dowliga ah

Wasaaradda Maaliyadda oo soo gabagabaysay tababar ku saabsan diyaarinta iyo haqangelinta miisaaniyadda hay’adaha dowliga ah

August 30, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasaaradda Maaliyadda XFS ayaa maanta soo gebagabeysay tababar muddo 14 maalmood ah socday, kaas oo lagu baranayey diyaarinta iyo...

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay mashruuc taakuleyn lacageed ah oo lagu taageerayo 130 qoys oo Agoon danyar ah

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay mashruuc taakuleyn lacageed ah oo lagu taageerayo 130 qoys oo Agoon danyar ah

August 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa maanta daah-furay mashruuc taakuleyn lacageed ah oo lagu...

Markabka 𝗠𝗩 𝗟𝗔𝗧𝗨𝗙 oo lagu heystay xeebaha Eyl oo la soo furtay

Markabka 𝗠𝗩 𝗟𝗔𝗧𝗨𝗙 oo lagu heystay xeebaha Eyl oo la soo furtay

August 29, 2026
0

Ciidanka Badda Turkiga, oo iskaashi la sameynayay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, ayaa soo furtay markabka 𝗠𝗩 𝗟𝗔𝗧𝗨𝗙, oo burcad-badeeddu 17-kii...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In