Saturday, December 20, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Keyd Hore

Madaxweynaha hirshabeelle oo la kulmay Gudiga Hirgalinta Doorashooyinka ee heer dowlad goboleed “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
9 years ago
in Keyd Hore, Wararka
0
Madaxweynaha hirshabeelle oo la kulmay Gudiga Hirgalinta Doorashooyinka ee heer dowlad goboleed “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabeele Mudane Cali Cabdulaahi Cosoble ayaa xafiiska ku qaablay Gudiga Hirgellinta Doorashooyinka dadban ee dowlad gobleedka Hirshabeelle oo soo gaaray magaalada Jowhar ee xarunta dowlad gobleedka.

Kulanka  oo ahaa mid horudhac ah ayaa Madaxweynaha Hirshabeelle waxa uu ku soo dhaweeyay Gudiga, si ay uga warbixiyaan waxyaabaha u qabsoomay.

Related posts

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo shir muhiim ah uga qayb galay Masar

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo shir muhiim ah uga qayb galay Masar

December 20, 2025
Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed

December 20, 2025

Afhayeenka Guddiga Hirgalinta Doorashooyinka dadban ee dowlad gobleedka HirShabelle Cismaan Maxamed Muqtaar Baaray ayaa sheegay inay u yimaadeen Jowhar dardar gelinta howlaha doorashooyinka Qaranka.

“Waxaan ku faraxsanahay inaan Jowhar imaanay maalintii Caleema saarka Madaxweynaah maalinkii ku xigay waan u hambalyaynayna Madaxweynaha iyo dowladiisa, waxaan u imaanay inaan hore u wadno howla na horyaala ee la xiriira soo xulista xildhibaanada Aqalka sare iyo golaha shacabka Jamhuuriyad Soomaaliya inta ka imaanysa goboladan maalmaha soo aadan insha allan waan howl galaynaa” Ayuu yiri Afhayeenka

Madaxweyaha Dowlad gobleeda Hirshabeelle Mudane Cali CAbdulaahi Cosoble oo soo dhaweeyya Gudiga  Doorashooyinka dadban ee heer dowlad goboleed ee Hir Shabeelle ayaa kula dardaarmay inay ku shaqeeyaan cadaalada.

“ Soo dhawaada ku soo dhawaada dowlad goboleedkiina, waan ku faraxsanahay inay si dagdag ah u soo ajiibteen dalabkeeni ahaa in la dardar galiyo howlaha soo xulista Xildhibaanda Qaran ee deegaanada Hirshabeele ka imaanaya, waan idin la shaqeynaynaa waxwalba oo dhankeena ahna waan idin fududeynaynaa insha allah, waxaa la idinka rabaa inaad dadkiina cadaalad ugu shaqeysaan iyo daacadnimo ayuu \yir Madaxweyne Cosoble’’

Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa sheegay in dowlad gobleedka uu soo dhaweenayo waliba si siman Murashaxiinta doonaya Aqalka sare ee Barlamaanka Soomaaliya iyo Golaha Shacabka.

“Waxaan soo dhaweynaynaa hadii aan nahay Hirshabeelle cidkasta oo doonaysa inay ka mid noqoto Barlamaanka Qaranka uu ku jiro damac siyaasadeed oo deegaankan ka soo jeeda, waxaan rabnaa haduu eeba idmo inay dhacdo doorasho  xor iyo xalaal ah” ayuu hadalkiisa ku daray Mudane Cali Cabdullaahi Cosoble.

Gudiga doorashoyinka dadban ee heer dowlad goboleed oo la dhisay ka hor dhismaha Hirshabeelle ayaa hada helay Dowlad goboleedkoodii iyo halkii ay ku shaqeyn lahaayeen oo ah Caasimadda dowlad gobleedka Hirshabeelle ee Jowhar

vlcsnap-2016-10-23-19h59m27s144 vlcsnap-2016-10-23-19h59m37s17 vlcsnap-2016-10-23-19h59m53s187 vlcsnap-2016-10-23-20h00m05s60 vlcsnap-2016-10-23-20h00m15s158 vlcsnap-2016-10-23-20h00m25s1 vlcsnap-2016-10-23-20h01m14s232 vlcsnap-2016-10-23-20h01m24s75

Cabdishakuur Cali Axmed

Previous Post

Guddiga Federaalka Hirgellinta Doorashooyinka dadban oo ka hadlay doorashada aqalka Hoose

Next Post

Dhageyso Barnaamijka Dhacdooyinka ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso Barnaamijka Dhacdooyinka

Dhageyso Barnaamijka Dhacdooyinka ee Radio Muqdisho

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo shir muhiim ah uga qayb galay Masar

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo shir muhiim ah uga qayb galay Masar

December 20, 2025
0

RADIO MUQDISHO(QAAHIRA):-Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa maanta oo Jimce ah soo gaaray Magaalada Qaahira...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed

December 20, 2025
0

RADIO MUQDISHO(Addis-Ababa):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo safar shaqo oo hal maalin ku tagay magaalada Addis Ababa...

Dadweynaha oo maanta oo Jimco ah fursad loo siiyay qaadashada kaarka codbixinta

Dadweynaha oo maanta oo Jimco ah fursad loo siiyay qaadashada kaarka codbixinta

December 19, 2025
0

Maanta oo Jimco ah waxaa dadweynaha  fursad loo siiyay in ay qaataan kaarka codeynta,kaas oo si habsami leh uga socda...

Wasiirka Caafimaadka XFS oo booqday bukaanno loo qorsheeyay in loo qaado Masar

Wasiirka Caafimaadka XFS oo booqday bukaanno loo qorsheeyay in loo qaado Masar

December 19, 2025
0

Wasiirka Caafimaadka XFS Dr.Cali Xaaji Aadan Abuubakar iyo mas’uuliyiin kale ayaa xalay Cisbitaalka Degfeer ku booqday qoysa Soomaali ah oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In