Monday, January 26, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle oo la kulmay Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Britain

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
9 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle oo la kulmay Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Britain
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Hirshabeelle Dr Cali Cabdullaahi Cosoble ayaa kulan kula qaatay Magaalada Muqdisho Xoghaya arrimaha dibadda Dowladda Ingiriiska Boris Jonhson, iyagoo ka wada hadlay arrimo la xiriira Amaanka,abaaraha,iyo Horumarinta Maamulka Hirshabeelle.

Kulankani oo ka dhacay safaaradda ingiriiska ay ku leedahay magaalada caasimadda ah ee Muqdisho ayaa waxaa goob joog ka ahaa mas’uuliyiin ka tirsan labadda gole ee dowlad goboleedka Hirshabeelle waxaana kulankaasi la iskula soo qaaday arrimaha la xiriira amniga deegaanada Hirshabeerlle iyo abaaraha baahsan ee jira, iyadoo xoghayuhu uu balanqaaday ka dowlad ahaan in ay garab istaagi doonaan maamulkani hodanka ku ah Kheyraadka ilaah uu ku maneystay.

Related posts

Wasiir-dawlihii hore ee Wasaaradda Amniga oo bogaadiyey guulaha laga gaaray sugidda amniga caasimadda

Wasiir-dawlihii hore ee Wasaaradda Amniga oo bogaadiyey guulaha laga gaaray sugidda amniga caasimadda

January 26, 2026
Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo qaabilay James Swan

Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo qaabilay James Swan

January 25, 2026

Xoghayaha arrimaha dibadda Dowladda Ingriiska Boris Jonhson oo kulankaasi ka hadlay ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsanyahay la kulanka madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle, isagoo hoosta ka xariiqay in dowladda Ingiriiska ay sii wadi doonto kaalmada maamulada ka jira dalka gaar ahaan soo nooleynta kaabayaasha dhaqaalaha oo Hirshabeelle ay ka caawin doonto sidii looga horumarin lahaa dhinacyada  caafimaadka, horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha, dib u dhiska guud, iyo amniga.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Dr Cali Cabdullahi Cosoble oo isna ka hadlay kulankaasi ayaa mahadcelin kaddib, waxa uu xusay in maamulkiisa uu aad u soo dhoweynayo kulanka ay la yeesheen Xoghayaha arrimaha dibadda ee dalka Ingriiska, isagoo Xusay in maamulkiisu uu yahay mid curdun ah oo u baahan kaalmada Dowladda Ingiriiska waxaana uu ka dalbaday in laga gacansiiyo dhisida iyo xoojinta hey’adaha maamulka, horumarinta deegaanada Hirshabeelle, Amniga, Abaaraha, iyo baahiyaha ay qabaan ka maamul ahaan maadaama maamulkiisu uu cusubyahay, iyadoo kulankaasi uu ku soo dhamaaday is fahan iyo afgarasho.

Madaxweynha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Dr Cali Cabdullaahi Cosoble iyo Wafdi Uu hogaaminayo ayaa Maanta u soo gaaray Magaalada Muqdisho howlo shaqo, iyadoo inta uu ku suganyahay Madaxweynuhu Kulamo uu la qaadan doono Madaxda Dowladda Federaalka, iyo Diblomaasiyiin Ka tirsan Saaxiibada Soomaaliya ee Caalamka.

Previous Post

Madaxweynaha Maamulka Jubbaland oo ka qeyb galay xiritaanka tababar loo qabtay Xildhibaannada Jubbaland

Next Post

Qaar ka mid ah Ardayda Soomaaliyeed ee wax ka barata Koofur Afrika oo caqabad soo wajahday.

Next Post
Heshiis laga gaaray rabshad ka dhacday goobo  Soomaalida Koonfur Afrika ku ganacsadaan

Qaar ka mid ah Ardayda Soomaaliyeed ee wax ka barata Koofur Afrika oo caqabad soo wajahday.

Wasiir-dawlihii hore ee Wasaaradda Amniga oo bogaadiyey guulaha laga gaaray sugidda amniga caasimadda

Wasiir-dawlihii hore ee Wasaaradda Amniga oo bogaadiyey guulaha laga gaaray sugidda amniga caasimadda

January 26, 2026
0

Wasiir-dawlihii hore ee Wasaaradda Amniga, Mudane Farxaan Cali Axmed, oo la hadlay warbaahinta qaranka, ayaa bogaadiyey isbeddelka amni ee laga...

Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo qaabilay James Swan

Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo qaabilay James Swan

January 25, 2026
0

Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Kamaal Daahir Guutaale, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka...

Wasiirka Ganacsiga XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Ganacsiga XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

January 25, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha XFS Mudane Jamaal Maxamed Xasan, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha u...

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta oo ka warbixiyey bandhigga Carwada ee  lagu qabtay Spain

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta oo ka warbixiyey bandhigga Carwada ee lagu qabtay Spain

January 25, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska ee XFS Cabdullaahi Xayir Ducaale ayaa ka warbixiyay Bandhigga Carwada Caalamiga ah...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In