Monday, March 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle oo la kulmay Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Britain

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
9 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle oo la kulmay Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Britain
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Hirshabeelle Dr Cali Cabdullaahi Cosoble ayaa kulan kula qaatay Magaalada Muqdisho Xoghaya arrimaha dibadda Dowladda Ingiriiska Boris Jonhson, iyagoo ka wada hadlay arrimo la xiriira Amaanka,abaaraha,iyo Horumarinta Maamulka Hirshabeelle.

Kulankani oo ka dhacay safaaradda ingiriiska ay ku leedahay magaalada caasimadda ah ee Muqdisho ayaa waxaa goob joog ka ahaa mas’uuliyiin ka tirsan labadda gole ee dowlad goboleedka Hirshabeelle waxaana kulankaasi la iskula soo qaaday arrimaha la xiriira amniga deegaanada Hirshabeerlle iyo abaaraha baahsan ee jira, iyadoo xoghayuhu uu balanqaaday ka dowlad ahaan in ay garab istaagi doonaan maamulkani hodanka ku ah Kheyraadka ilaah uu ku maneystay.

Related posts

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Gobolka Shabeellada Hoose oo maamul KMG ah loo magacaabay

March 30, 2026
Wasiirka Horumarinta Xuquuqul Insaanka XFS oo qaabishay Madaxa Xafiiska OHCHR ee Bariga Afrika

Wasiirka Horumarinta Xuquuqul Insaanka XFS oo qaabishay Madaxa Xafiiska OHCHR ee Bariga Afrika

March 30, 2026

Xoghayaha arrimaha dibadda Dowladda Ingriiska Boris Jonhson oo kulankaasi ka hadlay ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsanyahay la kulanka madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle, isagoo hoosta ka xariiqay in dowladda Ingiriiska ay sii wadi doonto kaalmada maamulada ka jira dalka gaar ahaan soo nooleynta kaabayaasha dhaqaalaha oo Hirshabeelle ay ka caawin doonto sidii looga horumarin lahaa dhinacyada  caafimaadka, horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha, dib u dhiska guud, iyo amniga.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Dr Cali Cabdullahi Cosoble oo isna ka hadlay kulankaasi ayaa mahadcelin kaddib, waxa uu xusay in maamulkiisa uu aad u soo dhoweynayo kulanka ay la yeesheen Xoghayaha arrimaha dibadda ee dalka Ingriiska, isagoo Xusay in maamulkiisu uu yahay mid curdun ah oo u baahan kaalmada Dowladda Ingiriiska waxaana uu ka dalbaday in laga gacansiiyo dhisida iyo xoojinta hey’adaha maamulka, horumarinta deegaanada Hirshabeelle, Amniga, Abaaraha, iyo baahiyaha ay qabaan ka maamul ahaan maadaama maamulkiisu uu cusubyahay, iyadoo kulankaasi uu ku soo dhamaaday is fahan iyo afgarasho.

Madaxweynha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Dr Cali Cabdullaahi Cosoble iyo Wafdi Uu hogaaminayo ayaa Maanta u soo gaaray Magaalada Muqdisho howlo shaqo, iyadoo inta uu ku suganyahay Madaxweynuhu Kulamo uu la qaadan doono Madaxda Dowladda Federaalka, iyo Diblomaasiyiin Ka tirsan Saaxiibada Soomaaliya ee Caalamka.

Previous Post

Madaxweynaha Maamulka Jubbaland oo ka qeyb galay xiritaanka tababar loo qabtay Xildhibaannada Jubbaland

Next Post

Qaar ka mid ah Ardayda Soomaaliyeed ee wax ka barata Koofur Afrika oo caqabad soo wajahday.

Next Post
Heshiis laga gaaray rabshad ka dhacday goobo  Soomaalida Koonfur Afrika ku ganacsadaan

Qaar ka mid ah Ardayda Soomaaliyeed ee wax ka barata Koofur Afrika oo caqabad soo wajahday.

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Gobolka Shabeellada Hoose oo maamul KMG ah loo magacaabay

March 30, 2026
0

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS oo si KMG ah maamul cusub ugu magcaawday Gobolka Shabeellada Hoose.

Wasiirka Horumarinta Xuquuqul Insaanka XFS oo qaabishay Madaxa Xafiiska OHCHR ee Bariga Afrika

Wasiirka Horumarinta Xuquuqul Insaanka XFS oo qaabishay Madaxa Xafiiska OHCHR ee Bariga Afrika

March 30, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi ayaa magaalada Muqdisho ku qaabishay ku xigeenka xafiis...

Madaxweynaha JFS oo qaabilay Danjireyaasha iyo wakiillada hay’adaha caalamiga ah ee ka hawlgala dalkeenna

Madaxweynaha JFS oo qaabilay Danjireyaasha iyo wakiillada hay’adaha caalamiga ah ee ka hawlgala dalkeenna

March 30, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Aqalka Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay danjireyaasha iyo wakiillada hay'adaha caalamiga...

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo magacaabay Wasiir ku-xigeenno

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo magacaabay Wasiir ku-xigeenno

March 30, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa soo saaray wareegto uu kumagaacabayo Wasiir Ku xigeenno cusub...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In