Saturday, July 12, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha Hirshabeelle oo motooro guddoonsiiyay qaar ka mid ah beeraleyda Beledweyne “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
September 9, 2019
in Wararka
0
Madaxweynaha Hirshabeelle oo motooro guddoonsiiyay qaar ka mid ah beeraleyda Beledweyne “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Maxadweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle Mudane Maxamed Cabdi Waare ayaa maanta Guddoonsiiyay matooro loogu talo galay in lagu horumariyo beeraleyda Hirshabelle, waxaana Maamulka ka gacansiiyay Hey’adda ARC kaddib munaasabad ka dhacday hoolka shirarka magaalada Beledweyne, waxaana munaasabadda goob joog ka ahaa xubno ka tirsan labada gole ee dowladda Hirshabebelle, Mas’uuliyiinta heer gobol iyo heer degmo iyo qaar ka mid ah beeraleyda gobolka Hiiraan.

Mudane Maxamed Cabdi Waare oo munaasabadda ka hadlay ayaa ku dheeraaday ka sheekeynta muhiimada ka faa’ideysiga wax soo saarka beeraha Hirshabelle, isagoo xusay in barnaamijkani uu qeyb ka yahay qorshaha lagu horumarinayo beeraleyda ku nool deegaannada Hirshabelle.

Related posts

Ciidamada Nabad Sugidda NISA oo horjoogayaal iyo maleeshiyaad ku beegsaday gobolka Shabeellaha Dhexe

Ciidamada Nabad Sugidda NISA oo horjoogayaal iyo maleeshiyaad ku beegsaday gobolka Shabeellaha Dhexe

July 12, 2025
Ku xigeenka madaxweynaha Galmudug iyo Guddoomiyaha SODMA oo yeeshay kulan muhiim ah

Ku xigeenka madaxweynaha Galmudug iyo Guddoomiyaha SODMA oo yeeshay kulan muhiim ah

July 12, 2025

“Barnaamijkani runti waxa uu qeyb ka yahay mashaariicda lagu xoojinayo adkeysiga beeraleyda ay u adkeystaan abaarooyinka, fatahaadaha si ay u soo saartaan wax soo saarka, gaar ahaan wax soo saarka la iib geeyo ay qudaartu ugu badantahay, runtii barnaamijkani waxa uu horseed u yahay barnaamij weyn oo u jeedadiisu ay tahay in nolosha beeraleyda Hirshabelle wax looga bedelo qeyb ka mid ah, barnaamijyadaas waxaa maalgalinayo deeq beexiyayaal kale duwan, qeybta ugu weyn waa qeybta lagula tacaalayo ee ka hortagayo fatahaadaha ee mar walba soo noqdo” Ayuu yiri Madaxweyne Waare.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle Mudane Maxamed Cabdi Waare oo sii hadlay ayaa u mahaceliyay hey’ada ka gacan siisay maamulka qalabkani oo muhiimad gaar ah ugu fadhiyo beeraleyda Soomaaliyeed gaar ahaan beeraleyda Hirshabelle, waxaana uu xusay in muhiimad gaar ah ay ugu fadhiso kor u qaadida xirfadda iyo aqoonta beeraleyda ayna ku howlanyihiin in laga faa’ideysto wax soo saarka dalagyada beeraha.

Maamulka hirshabelle ayaa qorsheeyay 1,535 matooro in looga faa’ideeyo beeraleyda Hirshabelle, iyadoo beeraleyda magaalada Jowhar horey loo guddoonsiiyay matooro sidaan oo kale, waxaana maanta Madaxweynaha Hirshabeelle uu gacantiisa ku Guddoonsiiyay 375 ka mid ah beeraleyda magaalada Beledweyne iyo deegaannada hoosyimaada.

Previous Post

Ra’iisul Wasaare Khayre Oo Magaalada Beydhabo Ku Booqday Ciidamo Booliis Ah Oo Tababar Ku Jira “SAWIRRO”

Next Post

DAAWO: Wasiirka Warfaafinta oo hay’adaha gaarka loo leeyahay uga digay inay borobogaan u sameeyaan argagixisada

Next Post
DAAWO: Wasiirka Warfaafinta oo hay’adaha gaarka loo leeyahay uga digay inay borobogaan u sameeyaan argagixisada

DAAWO: Wasiirka Warfaafinta oo hay'adaha gaarka loo leeyahay uga digay inay borobogaan u sameeyaan argagixisada

Ciidamada Nabad Sugidda NISA oo horjoogayaal iyo maleeshiyaad ku beegsaday gobolka Shabeellaha Dhexe

Ciidamada Nabad Sugidda NISA oo horjoogayaal iyo maleeshiyaad ku beegsaday gobolka Shabeellaha Dhexe

July 12, 2025
0

Ciidamada Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa qaaday howlgallo qorsheysan oo ka dhacay deegaanno dhowr ah oo ka tirsan...

Ku xigeenka madaxweynaha Galmudug iyo Guddoomiyaha SODMA oo yeeshay kulan muhiim ah

Ku xigeenka madaxweynaha Galmudug iyo Guddoomiyaha SODMA oo yeeshay kulan muhiim ah

July 12, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xarunta dhexe ee hay’adda ku qaabilay Madaxweyne Ku-xigeenka Dowlad...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

July 12, 2025
0

Madaxweynaha JFS Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud , oo booqasho ku joogo dalka Turkiga, ayaa maanta xarunta madaxtooyada dalkaas kula...

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Geneva kaga qayb galay shir Caalami ah

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Geneva kaga qayb galay shir Caalami ah

July 12, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyada JFS, Mudane Maxamed Axmed Aadan Macalin, ayaa magaalada Geneva ee dalka Switzerland kaga qaybgalay kulanka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In