Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xueeen ayaa maanta xarunta Madaxtooyada Hirshabeelle ku qaabilay Ergayga cusub ee Xoghaya Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Marwo Catriona Laing iyo Ku-xigeenkeeda cusub Ahna u qeybsanaha iyo Isku-duwaha Howlaha Beni’aadannimo ee Soomaaliya Md. George Conway
Labada mas’uul ayaa kulan la qaatay qaar kamid ah Golaha Wasiirada Hirshabeelle oo ay kala hadleen howlaha muhiim ka ah ee hortabinta leh sida daadejinta adeegyada bulshada, dhismaha goleyaasha deegaanka, Waxbarashada, Caafimaadka, Biyaha, Gargaarka iyo sare u qaadidda adeegyada horumarinta.
Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa tilmaamay in guulo muhiim ah laga gaaray dagaaladii lala galay Kooxda khawaarijta ah ee Al-Shabaab oo laga xoreeyay deegaanno badan oo u baahan in la gaarsiiyo adeegyada aas-aasiga ah ee bulshada, Sidoo kalana ay isu diyaarinayaan wajiga labaad ee howlgallada si loo dhameystiro xoreynta deegaannada wali gacanta cadowga ku jira.