Friday, January 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha Hirshabeelle Oo Xildhibaanadii Jowhar Lagu Soo Doortay Shahaadooyinka Xildhibaanimo Guddoonsiiyay

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
9 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha Hirshabeelle Oo Xildhibaanadii Jowhar Lagu Soo Doortay Shahaadooyinka Xildhibaanimo Guddoonsiiyay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Mas’uuliyiinta Dowlad Goboleedka Hirshabeelle ayaa xalay magaalada Muqdisho ku guddoonsiiyay Xildhibaanada labada Aqal ee dowladda federaalka ee dhowaan lagu soo doortay magaalada Jowhar islamarkaana ku abtirsada deegaanada Hirshabeelle, kaddib munaasabad lagu qabtay Muqdisho.

Munaasabadda ayaa aheyd mid si heer sare ah loo soo agaasimay, waxaana goob joog ka ahaa mas’uuliyiinta ugu sareysa dowlad goboleedka Hirshabeelle sida Madaxweynaha maamulkaasi, ku xigeenkiisa,guddoomiyaha Baarlamaanka iyo ku xigeenkiisa,Xildhibaanada cusub ee aqalka hoose iyo aqalka sare ee ka yimid Hirshabeelle, guddoomiyaha Gobolka Banaadir,iyo marti sharaf kale.

Related posts

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

Guddiga Xukuumadda iyo Ururrada Siyaasadda oo War-saxaafadeed soo saaray

January 29, 2026
Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

January 29, 2026

Inta munaasabadda ay socotay ayaa waxaa suugaano ay ku muujinayaan doorka dowlad goboleedkani cusub ee Hirshabeelle iyo qoondada dumarka ay ka heleen maamulkaasi ku soo bandhigay hobolada fanaaniinta Waaberi iyo Kooxda Shamsudiin Band, iyadoo madaxdii halkaasi ku sugneyd oo uu ugu horeeyo Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Cabdulaahi Cosoble ay ku soo bandhigeen qoob ka ciyaar ay ku muujinayeen sida ay ula dhacsanyihiin suugaanta lagu dhiira galinayay.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir Sheekh Yuusuf Jimcaale oo ugu horeyn munaasabadda ka hadlay ayaa sheegay in uu ku faraxsanyahay in magaalada Muqdisho Xildhibaanada Hirshabeelle lagu guddoonsiiyo shahaadooyinka Xildhibaanimo, waxaana uu ka dalbaday in ay u guntadaan in ay ka dhiidhiyaan xaqdarada uu xusay in gobolka Banaadir lagu hayo ayna u soo dhiciyaan xaqa Gobolka Banaadir ka maqan.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Sheekh Cismaan Bare oo isna hadlay ayaa xildhibaanada Hirshabeelle uga mid noqonaya dowladda dhexe kula dar daarmay in 4-sano soo socota ay la yimaadaan waxqabad muuqda oo beri bulshada ku qiimeyn doonto.

Madaxweyne ku xigeenka dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Cali Guudlaawe ayaa dar daaran uu u jeediyay Xildhibaanada oo in ay u shaqeeyaan umad in ka badan 25 sano dhibaatooyin kale duwan ay soo daashadeen, waxaana inta badan uu xooga saaray ka hadalka dhibaatooyin caafimaad daro iyo abaaro ka jira deegaanada Hirshabeelle isagoo codsaday in laga jawaabo dhibaatooyinkaasi oo la caawiyo dadka ku dhibaateysan deegaanadaasi.

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Cosoble  ayaa sheegay doorashadii ka dhacday jowhar in sidii loogu talo galay ay ku soo gaba gabowday ayna goob joog ka ahaayeen gudiyada doorashada dalka, waxaana uu xusay in ay farxad u tahay in Xubnaha labada aqal ay guddoonsiiyaan shahaadooyinka xildhibaanimo, waxaana uu kula daar daarmay bulshada ay xilka u qaadeen in ay ugu shaqeeyaan daacadnimo.

DS0016

????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????

 

Previous Post

Guddiga Xalinta khilaafaadka ee Doorashooyinka oo laalay 11 kursi

Next Post

War Deg Deg ah: Qarax goor dhaw ka dhacay Magaalada Muqdisho

Next Post
Waa sidee goobaha ay Caawa Qaraxyadu ka dheceen ee Muqdisho?”HALKAN KA DHAGEYSO”

War Deg Deg ah: Qarax goor dhaw ka dhacay Magaalada Muqdisho

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

Guddiga Xukuumadda iyo Ururrada Siyaasadda oo War-saxaafadeed soo saaray

January 29, 2026
0

Guddiga Xukuumadda iyo Ururrada Siyaasadda ee ka qeyb qaatay doorashada goleyaasha deegaanka ee Qof iyo Cod ayaa kulankooda maanta ka...

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

January 29, 2026
0

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada ayaa maanta oo taariikhdu tahay Jannaayo 29, 2026 wadatashi layeeshay ururrada siyaasadda. Kulankan...

Ergada Dowladda Soomaaliya ee QM oo kulan casho sharaf ah u sameeyay diblomaasiyiin

Ergada Dowladda Soomaaliya ee QM oo kulan casho sharaf ah u sameeyay diblomaasiyiin

January 29, 2026
0

Ergada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee Qaramada Midoobay ayaa munaasabad casho sharaf ah u qabatay Danjireyaasha iyo Diblomaasiyiinta ka howlgala Xarunta...

Muqdisho oo martigelinaysa Shirweynaha Qaran ee kaabayaasha Dijitaalka (DPI).

Muqdisho oo martigelinaysa Shirweynaha Qaran ee kaabayaasha Dijitaalka (DPI).

January 29, 2026
0

Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo kaashanaya hay'adaha kala ah: Bangiga Dhexe ee Soomaaliya (CBS), Hay’adda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In