Saturday, August 29, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha Hirshabeelle Oo Xildhibaanadii Jowhar Lagu Soo Doortay Shahaadooyinka Xildhibaanimo Guddoonsiiyay

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha Hirshabeelle Oo Xildhibaanadii Jowhar Lagu Soo Doortay Shahaadooyinka Xildhibaanimo Guddoonsiiyay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Mas’uuliyiinta Dowlad Goboleedka Hirshabeelle ayaa xalay magaalada Muqdisho ku guddoonsiiyay Xildhibaanada labada Aqal ee dowladda federaalka ee dhowaan lagu soo doortay magaalada Jowhar islamarkaana ku abtirsada deegaanada Hirshabeelle, kaddib munaasabad lagu qabtay Muqdisho.

Munaasabadda ayaa aheyd mid si heer sare ah loo soo agaasimay, waxaana goob joog ka ahaa mas’uuliyiinta ugu sareysa dowlad goboleedka Hirshabeelle sida Madaxweynaha maamulkaasi, ku xigeenkiisa,guddoomiyaha Baarlamaanka iyo ku xigeenkiisa,Xildhibaanada cusub ee aqalka hoose iyo aqalka sare ee ka yimid Hirshabeelle, guddoomiyaha Gobolka Banaadir,iyo marti sharaf kale.

Related posts

Hay’adda Aqoonsiga Qaranka ee NIRA oo Muqdisho ku qabatay kulan wacyigelin dadweyne

Hay’adda Aqoonsiga Qaranka ee NIRA oo Muqdisho ku qabatay kulan wacyigelin dadweyne

August 29, 2026
Wasiirka Warfaafinta XFS oo ka qayb galay daahfurka Xusuus-Qorka Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf

Wasiirka Warfaafinta XFS oo ka qayb galay daahfurka Xusuus-Qorka Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf

August 29, 2026

Inta munaasabadda ay socotay ayaa waxaa suugaano ay ku muujinayaan doorka dowlad goboleedkani cusub ee Hirshabeelle iyo qoondada dumarka ay ka heleen maamulkaasi ku soo bandhigay hobolada fanaaniinta Waaberi iyo Kooxda Shamsudiin Band, iyadoo madaxdii halkaasi ku sugneyd oo uu ugu horeeyo Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Cabdulaahi Cosoble ay ku soo bandhigeen qoob ka ciyaar ay ku muujinayeen sida ay ula dhacsanyihiin suugaanta lagu dhiira galinayay.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir Sheekh Yuusuf Jimcaale oo ugu horeyn munaasabadda ka hadlay ayaa sheegay in uu ku faraxsanyahay in magaalada Muqdisho Xildhibaanada Hirshabeelle lagu guddoonsiiyo shahaadooyinka Xildhibaanimo, waxaana uu ka dalbaday in ay u guntadaan in ay ka dhiidhiyaan xaqdarada uu xusay in gobolka Banaadir lagu hayo ayna u soo dhiciyaan xaqa Gobolka Banaadir ka maqan.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Sheekh Cismaan Bare oo isna hadlay ayaa xildhibaanada Hirshabeelle uga mid noqonaya dowladda dhexe kula dar daarmay in 4-sano soo socota ay la yimaadaan waxqabad muuqda oo beri bulshada ku qiimeyn doonto.

Madaxweyne ku xigeenka dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Cali Guudlaawe ayaa dar daaran uu u jeediyay Xildhibaanada oo in ay u shaqeeyaan umad in ka badan 25 sano dhibaatooyin kale duwan ay soo daashadeen, waxaana inta badan uu xooga saaray ka hadalka dhibaatooyin caafimaad daro iyo abaaro ka jira deegaanada Hirshabeelle isagoo codsaday in laga jawaabo dhibaatooyinkaasi oo la caawiyo dadka ku dhibaateysan deegaanadaasi.

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Cosoble  ayaa sheegay doorashadii ka dhacday jowhar in sidii loogu talo galay ay ku soo gaba gabowday ayna goob joog ka ahaayeen gudiyada doorashada dalka, waxaana uu xusay in ay farxad u tahay in Xubnaha labada aqal ay guddoonsiiyaan shahaadooyinka xildhibaanimo, waxaana uu kula daar daarmay bulshada ay xilka u qaadeen in ay ugu shaqeeyaan daacadnimo.

DS0016

????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????

 

Previous Post

Guddiga Xalinta khilaafaadka ee Doorashooyinka oo laalay 11 kursi

Next Post

War Deg Deg ah: Qarax goor dhaw ka dhacay Magaalada Muqdisho

Next Post
Waa sidee goobaha ay Caawa Qaraxyadu ka dheceen ee Muqdisho?”HALKAN KA DHAGEYSO”

War Deg Deg ah: Qarax goor dhaw ka dhacay Magaalada Muqdisho

Hay’adda Aqoonsiga Qaranka ee NIRA oo Muqdisho ku qabatay kulan wacyigelin dadweyne

Hay’adda Aqoonsiga Qaranka ee NIRA oo Muqdisho ku qabatay kulan wacyigelin dadweyne

August 29, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka (NIRA) ayaa magaalada Muqdisho ku qabatay kulan dadweyne oo looga hadlay dhisidda kalsoonida iyo...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo ka qayb galay daahfurka Xusuus-Qorka Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf

Wasiirka Warfaafinta XFS oo ka qayb galay daahfurka Xusuus-Qorka Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf

August 29, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS Mudane Abdulfatah Kasim Mohamud ayaa xalay ka qayb galay munaasabad lagu daahfuray...

Guddoomiyaha golaha shacabka oo la kulmay qaar ka mid ah culimada Soomaaliyeed

Guddoomiyaha golaha shacabka oo la kulmay qaar ka mid ah culimada Soomaaliyeed

August 28, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa xafiiskiisa kulan kula qaatay xubno ka...

Golaha wasiirada oo ansixiyey xubnin gudiga hirgalinta Dastuurka

Golaha wasiirada oo ansixiyey xubnin gudiga hirgalinta Dastuurka

August 27, 2026
0

Golaha Wasiirrada XFS ayaa kulankoodii maanta ku ansixiyey in Mudane Cabdulqaadir Cali Macallin Cabdullaahi uu noqdo xubin Guddiga Madaxa-bannaan ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In