Wednesday, March 11, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha Hirshabelle oo Beledweyne kula kulmay bahda waxbarashada-Sawirro

caqiil by caqiil
9 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha Hirshabelle oo Beledweyne kula kulmay bahda waxbarashada-Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Hirshabelle Cali Cabdullaahi Cosoble oo maanta gaaray magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa halkaasi galabta kulan kula qaatay xubno ka socday bahda waxbarashada ee gobolka Hiiraan, iyo aqoonyahanada magaaladaasi Ku dhaqan.

Kulanka ayaa ujeedkiisa ahaa sidii u dhiiragalin lahaa madaxweynaha, waxbarashada, iyo in uu ku baraarujiyo in lagama maarmaan ay tahay xoojinta isdhex galka bulshada taasi oo qeyb ka qaadan karaan macalimiinta iyo maamulada dugsiyada waxbarasho.

Related posts

Tartamayaasha Hodan oo tartanka ka ciribtirtay Diinsoor, una gudubtay wareegga Saddexaad “SAWIRRO”

Tartamayaasha Hodan oo tartanka ka ciribtirtay Diinsoor, una gudubtay wareegga Saddexaad “SAWIRRO”

March 10, 2026
Shaqaalaha Khadka caawinaada ee Ilaalinta Carruurta 116 oo tababar loo qabtay

Shaqaalaha Khadka caawinaada ee Ilaalinta Carruurta 116 oo tababar loo qabtay

March 10, 2026

Aqoonyahanada iyo Xubnaha matalayay bahda Waxbarashada ayaa Madaxweynaha sharaxaad ka siiyay sida ay u shaqeeyaan iyo caqabadaha heysta, ayagoo ka dalbaday dowladda Hirshabelle in ay ka gacan siiso horumarinta Waxbarashada.

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hirshabelle Mundane Cali Cabdullaahi Cosoble ayaa sheegay in gobolka Hiiraan xoghaye iyo agaasimayaal matala wasaaradda waxbarashada la magacaabi doono si ay u sahlanaato ka wada shaqeynta horumarinta waxbarashada.

Madaxweynaha oo sii hadlay ayaa aqoonyahanada ka codsaday in ay garab istaagaan dowladnimada xilna ay iska saaraan horumarinta is dhex galka bulshada Iyo amniga.

Kulankaasi ayaa waxaa madaxweynaha ku  wehlinayay agaasimaha guud ee madaxtooyada Hirshabelle C/qaadir Cabdulle Xooshow, guddoomiyaha gobolka Hiiraan mudane Cali Jeyte, iyo mas’uuliyiin kale, waxaana inta madaxweynuhu uu Ku suganyahay Beledweyne uu kulamo kale duwan uu la yeelan doonaa qeybaha kale duwan ee bulshada, saraakiisha ciidamada Qalabka sida Iyo kuwa Amisom, iyadoo uu booqan doono meela kale duwan oo magaaladaasi ah.

Previous Post

Wefdi midowga Afrika ka socda oo Kismaayo kula kulmay madaxweynaha Jubaland-Sawiro

Next Post

Deeq dawo ah oo la gaarsiiyay isbitaalka Baardheer-Sawirro

Next Post
Deeq dawo ah oo la gaarsiiyay isbitaalka Baardheer-Sawirro

Deeq dawo ah oo la gaarsiiyay isbitaalka Baardheer-Sawirro

Tartamayaasha Hodan oo tartanka ka ciribtirtay Diinsoor, una gudubtay wareegga Saddexaad “SAWIRRO”

Tartamayaasha Hodan oo tartanka ka ciribtirtay Diinsoor, una gudubtay wareegga Saddexaad “SAWIRRO”

March 10, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

Shaqaalaha Khadka caawinaada ee Ilaalinta Carruurta 116 oo tababar loo qabtay

Shaqaalaha Khadka caawinaada ee Ilaalinta Carruurta 116 oo tababar loo qabtay

March 10, 2026
0

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cismaan Naastaro ayaa maanta furay tababar muhiim...

Matabaan oo ka bilaabatay diiwaangelinta kaarka codbixinta

Matabaan oo ka bilaabatay diiwaangelinta kaarka codbixinta

March 10, 2026
0

Degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan waxaa si habsami leh uga socota diiwaangelinta codbixiyeyaasha degmada. Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku dhaqan degmada...

𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐨𝐨 𝐡𝐚𝐝𝐚𝐥 𝐤𝐚 𝐣𝐞𝐞𝐝𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐝𝐚𝐧𝐤𝐚  𝐔𝐊 𝐚𝐲𝐚𝐚 𝐬𝐡𝐚𝐚𝐜𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐌𝐮𝐡𝐢𝐢𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐒𝐢𝐲𝐚𝐚𝐬𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐂𝐮𝐬𝐮𝐛 𝐞𝐞 𝐌𝐚𝐚𝐫𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐌𝐚𝐬𝐢𝐢𝐛𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤a

𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐨𝐨 𝐡𝐚𝐝𝐚𝐥 𝐤𝐚 𝐣𝐞𝐞𝐝𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐝𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐔𝐊 𝐚𝐲𝐚𝐚 𝐬𝐡𝐚𝐚𝐜𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐌𝐮𝐡𝐢𝐢𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐒𝐢𝐲𝐚𝐚𝐬𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐂𝐮𝐬𝐮𝐛 𝐞𝐞 𝐌𝐚𝐚𝐫𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐌𝐚𝐬𝐢𝐢𝐛𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤a

March 10, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka, Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, oo uu wehliyay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda XFS ayaa sheegay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In