Friday, March 27, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha Hirshabelle Oo Beledweyne Kula Kulmay Saraakiil Ka Tirsan Qaramada Midoobay “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
9 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha Hirshabelle Oo Beledweyne Kula Kulmay Saraakiil Ka Tirsan Qaramada Midoobay “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

 

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle Cali Cabdullaahi Cosoble ayaa magaalada Beledweyne kulan kula qaatay, Xubno ka tirsan Qaramada Midoobay, iyadoo uu kala hadlay arrimo kale duwan oo la xiriira wax ka qabashada baahiyaha ka jira deegaanada Hirshabelle.

Related posts

NISA oo gacanta ku dhigtay xubno u hoggaansamay baadda Khawaarijta

Ciidanka Hay’adda NISA oo howlgal qorsheysan ku dilay horjoogayaal ka tirsan Khawaarijta

March 26, 2026
Wasiirka Ganacsiga XFS oo shir muhiim ah uga qeybgalay dalka Cameroon

Wasiirka Ganacsiga XFS oo shir muhiim ah uga qeybgalay dalka Cameroon

March 26, 2026

Kulanka ayaa waxaa Madaxweynaha Hirshabeelle Ku wehlinayay qaar ka mid ah Golaha Wasiirada Hirshabelle, waxaana kulanka uu ku bilowday isbarasho Wasiirada Hirshabelle iyo Saraakiisha Qaramada Midoobay, iyagoo balanqaaday in ay la shaqeyn doonaan Xukuumadda Cusub ee maamulka.

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Hirshabelle Cali Cabdullaahi Cosoble ayaa warbixin ka dhageysay Saraakiisha Qaramada Midoobay, ee ku Aadan Waxqabadkooda, iyo qorshayaasha uga degsan mashaariic fulinta deegaanada Hirshabelle.

Cali Cabdullaahi Cosoble ayaa ka dalbaday Xafiiska Qaramada Midoobay ee Beledweyne in ay muujiyaan doorkooda kaga Aadan dib u dhiska iyo horumarinta Guud ahaan Deegaanada Hirshabeelle, iyo in ay xaliyaan Cabashada dadka Deegaanka oo ay si wanaagsan ula shaqeeyaan, waxaana uu ka dalbaday Saraakiishani Qaramada Midoobay in ay si Dhow ula shaqeeyaan Hey’adaha Dowladda Hirshabelle kaalina ay ka qaataan, sidii loo tayeyn lahaa.

Intaasi kaddib ayaa Saraakiisha Qaramada Midoobay waxa ay soo dhoweeyeen Wasiirada Cusub ee Dowladda Hirshabeelle, waxaana ay balanqaadeen in Dowladda Hirshabelle ay si wanaagsan ula shaqeyn doonaan, ayna u qorsheysantahay dhowaan in ay mashaariicyo ay ka fuliyaan

Degmooyinka Hirshabelle sida Jowhar iyo Degmada Jalalaqsi, waxaana ay sheegeen in ay socdaal ku tagi doonaan Magaalada Jowhar mar dhow.

Maalin kaddib oo maalinta Arbacada ah ayuu qorshuhu yahay mar kale in Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Cosoble iyo Qaramada Midoobay in kulan midkan ka balaaran ay kulmaan islamarkaana ay kaga wada hadlaan  dar dargalinta dib u dhiska iyo horumarinta Hirshabeelle, iyo sidii loo caawin lahaa dadka abaaraha la daalaa dhacaya.

Previous Post

Madaxweynaha Puntland oo la kulmay wefdi ka socda Bankiga aduunka-Sawirro

Next Post

Wasiiru dowlaha Beeraha ee Hirshabeelle oo ka hadlay socdaalka Madaxweynaha Maamulkaasi “Dhageyso”

Next Post
Wasiiru dowlaha Beeraha ee Hirshabeelle oo ka hadlay socdaalka Madaxweynaha Maamulkaasi “Dhageyso”

Wasiiru dowlaha Beeraha ee Hirshabeelle oo ka hadlay socdaalka Madaxweynaha Maamulkaasi "Dhageyso"

NISA oo gacanta ku dhigtay xubno u hoggaansamay baadda Khawaarijta

Ciidanka Hay’adda NISA oo howlgal qorsheysan ku dilay horjoogayaal ka tirsan Khawaarijta

March 26, 2026
0

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya saaxiibada caalamka ayaa howlgallo qorsheysan, oo lagu dilay Horjoogihii isku xirka...

Wasiirka Ganacsiga XFS oo shir muhiim ah uga qeybgalay dalka Cameroon

Wasiirka Ganacsiga XFS oo shir muhiim ah uga qeybgalay dalka Cameroon

March 26, 2026
0

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jamaal Maxamed Xasan, ayaa ka qeyb galay Shirweynaha 14aad ee Wasiirrada ee...

CXDS iyo AUSSOM oo ku dilay Mubaarak 40 ka tirsan khawaarijta 

CXDS iyo AUSSOM oo ku dilay Mubaarak 40 ka tirsan khawaarijta 

March 26, 2026
0

WAR-SAXAAFADEED, Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya ciidamada Uganda ee AUSSOM, ayaa jab culus gaarsiiyay maleeshiyaadka ka tirsan Khawaarijta, oo...

Soomaaliya iyo Spain oo kala saxiixday heshiis Taariikhi ah 

Soomaaliya iyo Spain oo kala saxiixday heshiis Taariikhi ah 

March 26, 2026
0

Dowladaha Soomaaliya iyo Spain ayaa kala saxiixday heshiis is-afgarad (MoU) oo dhidibada u aasaya hannaan wadatashi siyaasadeed oo joogto ah....

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In