Saturday, July 12, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha Hirshabelle oo u mahadceliyay dadkii ka qeybqatay gargaarkii shacabka Beledweyne “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
November 18, 2019
in Wararka
0
Madaxweynaha Hirshabelle oo u mahadceliyay dadkii ka qeybqatay gargaarkii shacabka Beledweyne “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare oo uu wehliyo Madaxweyne Ku-Xigeenka Dowlad Goboleedka HirShabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa xalay munaasabad Casho Sharaf qiimo badan ugu sameeyay Xarunta Maamulka Gobolka Hiiraan wafuud kala duwan oo ka kala socday Maamulka Puntland, Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya iyo Wafdi ka socday Bulshada iyo Ganacsatada magaalada Nairobi oo uu hormuud u ahaa Sheekh Maxamed Cabdi Umal.

Munaasabadaan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle Sheekh Cusmaan Barre iyo Gudoomiye Ku Xigeenka Baarlamaanka Marwo Canab Axmed Ciise qaar kamid ah Xildhibaannada Baarlamaanka, Xubnaha labada Gole ee Dowlad Goboleedka HirShabeelle, Maamulka Gobolka Hiiraan Ganacsatada iyo Qeybaha kala duwan ee bulshada magaalada Beledweyne.

Related posts

Ciidamada Nabad Sugidda NISA oo horjoogayaal iyo maleeshiyaad ku beegsaday gobolka Shabeellaha Dhexe

Ciidamada Nabad Sugidda NISA oo horjoogayaal iyo maleeshiyaad ku beegsaday gobolka Shabeellaha Dhexe

July 12, 2025
Ku xigeenka madaxweynaha Galmudug iyo Guddoomiyaha SODMA oo yeeshay kulan muhiim ah

Ku xigeenka madaxweynaha Galmudug iyo Guddoomiyaha SODMA oo yeeshay kulan muhiim ah

July 12, 2025

Mudane Maxamed Cabdi Waare ayaa u mahad celiyay dhamaan dadka Soomaaliyeed oo si aan kala har lahayn ugu soo gurmaday dadka reer Beledweyne oo ay saameeyeen fatahaadii Webiga Shabeelle.

“Waxaan u mahadcelinayaa wafdiga ka socda Puntland oo dadaal xoog leh muujiyay iyo weliba Sheekha Maxamed Umal oo safar dheer u soo galay sidii wax loogu qaban lahaa dadka ay fatahaaddu saameeyeen iyo weliba dhakhaatiir ka timid Dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya.”ayuu yiri Madaxweyne Waare.

Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa ugu baaqay Xildhibaannada ka soo jeeda Hirshabelle inay u istaagaan sidii wax loogu qaban lahaa shacabka ku dhibaateysan deegaannada Hirshabelle

Kumanaan ruux oo ka barakacay magaalada Beledweyne ayaa bilaabay inay haatan dib ugu soo laabtaan guryahooda kaddib markii ay yaraadeen biyihii fatahaadaha iyo roobabka isbiirsaday ka dhashay ee kal hore saameysay noloshooda.

 

Previous Post

Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare oo ka qeyb galay xaflad ay ku qalin badalanayeen arday Jaamacadeed

Next Post

Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya oo daahfurtay xuska todobaadka wacyi gelinta ka hortagga si qaldan u isticmaalka Antibaayootikada “SAWIRRO”

Next Post
Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya oo daahfurtay xuska todobaadka wacyi gelinta ka hortagga si qaldan u isticmaalka Antibaayootikada “SAWIRRO”

Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya oo daahfurtay xuska todobaadka wacyi gelinta ka hortagga si qaldan u isticmaalka Antibaayootikada "SAWIRRO"

Ciidamada Nabad Sugidda NISA oo horjoogayaal iyo maleeshiyaad ku beegsaday gobolka Shabeellaha Dhexe

Ciidamada Nabad Sugidda NISA oo horjoogayaal iyo maleeshiyaad ku beegsaday gobolka Shabeellaha Dhexe

July 12, 2025
0

Ciidamada Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa qaaday howlgallo qorsheysan oo ka dhacay deegaanno dhowr ah oo ka tirsan...

Ku xigeenka madaxweynaha Galmudug iyo Guddoomiyaha SODMA oo yeeshay kulan muhiim ah

Ku xigeenka madaxweynaha Galmudug iyo Guddoomiyaha SODMA oo yeeshay kulan muhiim ah

July 12, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xarunta dhexe ee hay’adda ku qaabilay Madaxweyne Ku-xigeenka Dowlad...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

July 12, 2025
0

Madaxweynaha JFS Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud , oo booqasho ku joogo dalka Turkiga, ayaa maanta xarunta madaxtooyada dalkaas kula...

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Geneva kaga qayb galay shir Caalami ah

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Geneva kaga qayb galay shir Caalami ah

July 12, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyada JFS, Mudane Maxamed Axmed Aadan Macalin, ayaa magaalada Geneva ee dalka Switzerland kaga qaybgalay kulanka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In