Sunday, October 25, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha oo u hambalyeeyay SNTV iyo Radio Muqdisho

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
12 years ago
in Wararka
0
Koob lagu xusayay sanadguurada Warbaahinta Qaranka oo loo dhigay Kooxaha Heegan iyo Gaadiidka “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya  ayaa si wadajir ah hambalyo ku aaddan sannadka guurada dib u howlgelinta warbaahinta Qaranka u diray madaxda iyo shaqaalaha wasaaradda Warfaafinta.

“Soomaaliya iyo guud ahaan saxaafadda Soomaaliya wax weyn ayaad ku soo kordhiseen, dadka Soomaaliyeed dhagahooda wax fiican ayaad maqashiiseen indhahoodana wax fiica baad tusteen marka waxaan idin leeyahay hambalyo” ayuu yiri madaxweynuhu.

Related posts

Hay’adda NISA oo gacanta ku dhigtay eedeysane bom gacmeed ku tuuray bar koontarool

Hay’adda NISA oo gacanta ku dhigtay eedeysane bom gacmeed ku tuuray bar koontarool

October 24, 2026
Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

October 22, 2026

“Waxaan bogaadinayaan dhammaan shaqaalaha wasaaradda warfaafinta gaar ahaan Telefishanka iyo idaacadda Qaranka oo runtii baahidii warfaafineed ee Soomaaliyada maanta joogta ay qabtay dowr weyn ka qaadatay oo wax weyn ku soo kordhisay dalka.

“Telefishan gaaban oo sacado gaaban hawada ku jira ayuu ku bilowday 1983dii, maanta wuxuu marayaa Telefishan ballaaran 24 saac hawada ku jira, shanta qaaradood ee dunidana laga fiirsado, horumar aad iyo aad u wayn waaye waana u hambalyeyneynaa.

Madaxweynaha ayaa sheegay in loo baahan yahay in la sii ballaariyo TV-ga oo la suurta galiyo in dalka oo dhan la gaarsiiyo ayadoo aysan daawadayaashu aysan u baahan inay iibsadaan qalabka ay hadda ka daawadaan TV-ga.

“Waxaan ku dhiirri galinaynaa inay ku dadaalaan in dadka Soomaaliyeed ee deggan gobollada dalka ay helaan TV-ga ayagoo aanan u baahan inay satellite-ka ka helaan, sida idaacaddaba loo gaarsiiyay gobollo badan oo dalka ah, Waxaan rajaynayaa in sanadka xiga aan idinku bogaadinno (oo aad sameysaan), waxaan idin leeyahay halbalyo.

Previous Post

Ciidamada amniga oo Caawo xiray Idaacadda Shabeelle

Next Post

Guddoomiyaha Baarlamaanka oo soo dhaweeyay dowrka warbaahinta dowladda

Next Post
DAAWO: Guddomiye Jawaari oo ka tacsiyeeyay geerida Marxuum Xildhibaan Xaabsade

Guddoomiyaha Baarlamaanka oo soo dhaweeyay dowrka warbaahinta dowladda

Hay’adda NISA oo gacanta ku dhigtay eedeysane bom gacmeed ku tuuray bar koontarool

Hay’adda NISA oo gacanta ku dhigtay eedeysane bom gacmeed ku tuuray bar koontarool

October 24, 2026
0

Ciidamada Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya ciidamada kale ee amniga, ayaa gacanta ku dhigay Cabdisalaan Yacquub Nuur...

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

October 22, 2026
0

Ra'iisal wasaaraha xukuumadda FS ayaa hambalyo u diray hoggaamiyaha iyo Hoggaamiye Ku-xigeenka Dowlad-goboleedka Galmudug Mudane Liibaan Axmed Xasan iyo Abdiwali...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

October 22, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo u diray Hoggaamiyaha cusub ee Dowlad Goboleedka Galmudug, Mudane Liibaan...

Wakiilada Baarlamaanka Galmudug oo doortay hoggaanka cusub ee maamulkaasi

Wakiilada Baarlamaanka Galmudug oo doortay hoggaanka cusub ee maamulkaasi

October 22, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug Mudane Xuseen Maxamed Nuur ayaa maanta ku dhawaaqay natiijadii doorashada Galmudug oo uu ku guuleystay Mudane...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In