Friday, October 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha iyo Wasiirka Iskaashiga Britain oo ka wadahadley barnaamijyada horumarinta iyo dib u dhiska Soomaaliya+Sawirro

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha iyo Wasiirka Iskaashiga Britain oo ka wadahadley barnaamijyada horumarinta iyo dib u dhiska Soomaaliya+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Muqdisho, 24 July 2015: Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Muqdisho ku qaabiley Wasiirka Iskaashiga Caalamiga, ahna Sii-Hayaha Wasiirka Arrimaha Afrika ee Boqortooyada Britain, Grant Shapps oo booqasho laba maalmood ah waddanka ku yimid.

Madaxweynaha ayaa wasiirka uga warbixiyey xaaladda dalka Soomaaliya dhinacyada, amniga,siyaasadda, dib u soo kabashada dhaqaalaha iyo dib u dhiska dalka. Waxaa uu Madaxweynaha Boqortooyada UK uga mahad celiyey, taageerada ay mar walba la garab taagan tahay Soomaaliya.

Related posts

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

October 27, 2026
WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

October 27, 2026

“Dowladda Soomaaliya waxaa weli ka go’an hirgelinta barnaamijyada la xiriira Hiigsiga 2016 iyo in dalka ay ka dhacaan doorashooyin, lana xaqiijiyo in bulshada qeybaheeda kala duwan ay door ku yeeshaan aayaha siyaasadda waddankooda. Taageerada Britain mar walba muhiim ayay inoo tahay, waxaana ka mahad celinayaa dadaalka gaarka ah ee Ra’iisul Wasaare David Cameron uu ku taageerayo Soomaaliya”, ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Wasiirka Iskaashiga Caalamiga, ahna Sii-Hayaha Wasiirka Arrimaha Afrika ee Boqortooyada Britain, Mr Shapps, oo ayaa dhankiisa soo dhoweeyay horumarka Soomaaliya ay ku tallaabsatey dhowaanahan, gaar ahaan dhinacyada amniga, isku dhafka ciidammada iyo ansixinta guddiyada madaxa banaan ee salka u ah Hiigsiga 2016.

Waxaa kale oo uu ku ammaaney Madaxweynaha iyo xukuumaddiisa horumarka ay ka sameeyeen dhinacyada hirgelinta federaalka, maareynta maaliyadda iyo xisaabadka dowladda iyo dadaalka dhinaca dib u heshiisiinta.

“Soomaaliya weli muhiim ayay inoo tahay marka loo eego siyaasadda arrimaha dibedda ee Britain, oo ay ka mid yihiin wax ka qabashada baahiyada gargaarka aadmiga iyo horumarinta. In la taageero si loo helo Soomaaliya oo xasiloon, isla markaana horumarsan, waxay muhiim u tahay shacabka Soomaaliyeed, gobolka iyo caalamka intiisa kale. Si arintan looga mira dhaliyo, ayaa waxaan caddeynayaa in go’aankan uu yahay mid qeyb ka ah danaha qaranka ee Britain’’, ayuu yiri Mr Shapps.

Wasiirka ayaa intii uu dalka joogay kulamo la qaatey mas’uuliyiin kale oo dowladda ka tirsan oo uu ka mid yahay Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid Sharma’arke.

unnamed (1) unnamed (2) unnamed

Previous Post

Wasiirka Gaashaandhigga iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray degmada Cabuudwaaq”SAWIRRO”

Next Post

Guddoomiyaha Degmada Diinsoor” Gurmad ayaan u fidinay dadkii shabaab ay ku laayeen Diinsoor

Next Post
Guddoomiyaha  Degmada Diinsoor” Gurmad ayaan u fidinay dadkii shabaab ay ku laayeen Diinsoor

Guddoomiyaha Degmada Diinsoor" Gurmad ayaan u fidinay dadkii shabaab ay ku laayeen Diinsoor

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

October 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa la kulmay Ms. Åsa Regnér oo...

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

October 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa khudbad ka jeediyay Madasha 7-aad ee...

𝐊𝐮-𝐒𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐓𝐨𝐝𝐝𝐨𝐛𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐊𝐚𝐥𝐥𝐮𝐮𝐦𝐞𝐲𝐬𝐢𝐠𝐚

𝐊𝐮-𝐒𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐓𝐨𝐝𝐝𝐨𝐛𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐊𝐚𝐥𝐥𝐮𝐮𝐦𝐞𝐲𝐬𝐢𝐠𝐚

October 26, 2026
0

Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta si rasmi ah u...

Xukunka Askari Turufo & Dhac Hubeysan geeystay.

Xukunka Askari Turufo & Dhac Hubeysan geeystay.

October 26, 2026
0

Dable Xoogga Abuukar Maxamuud Yuusuf ayaa Lagu Eedeyay inuu geeystay Dhac hubeysan iyo Turufo, Kadib markii uu ku dayey saaxiibkiis...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In