Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu baaqay xawaaladaha ganacsiga, bangiyada iyo shirkadaha kale ee gaarka loo leeyahay ineey ka qeyb qaataan hirgelinta hannaanka dowliga ah ee dalka ka soconaya.
Madaxweynaha ayaa ku boorriyay shirkadaha ganacsiga iney gacan ka geystaan xoojjinta hey’adaha dowladda islamarkaana ay dowladaha hoose ka caawiyaan diiwaan gelinta dadka si loo aqoonsado dadka lacagaha ka qaadanaya xawaaladaha Soomaalida.
Sidoo kale madaxweynaha ayaa hoosta ka xariiqay in arrintaasi ay kala saari doonto shakigii laga qabay inaan la kala garaneynin dadka Soomaaliyeed ee lacagaha ka qaata xawaaladaha dalka.
“Waxa nalaga rabaa waxeey tahay nidaamkii dadka diiwaangelintii iyo dekominti dadka lagu aqoonsado iyo raad raac nidaamkaasoo dhan oo naga maqan oo ay ugu horeeyaan ID kaariskii dadka lagu aqoonsanayay, teestarayaashoodi in qof kastoo Soomaaliya la dhihi karo qofkaasi waa hebel hebel meeshaasuu ku dhashay da’diisu waa intaas, haddii aanan intaasi soo gaarin waa dhibtooneynaa” ayuu yiri madaxweynaha Jamhuuriyadda mudane Xasan Sheekh Maxamuud.
Madaxweynaha oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri “ dowladdu marka haddii dhaqaale waxaas ay ku kala soconsiiso aysan helin wax ma qaban karto, marka Bangiyada iyo xawaaladaha waxaa laga rabaa ineey nidaamka dowladda maalgeliyaan.
Madaxweynaha ayaa hadalkan ka sheegay xaflad uu ku furayay bangi cusub oo bixinaya adeegyo casri ah, kaasoo ay Muqdisho ka hirgeliyeen ganacsato Soomaaliyeed.