Sunday, March 22, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha: “Jabka xooggan ee loo geystey Al Shabaab waa guul u soo hooyatey shacabka Soomaaliyeed ee nabadda jecel”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
10 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha: “Jabka xooggan ee loo geystey Al Shabaab waa guul u soo hooyatey shacabka Soomaaliyeed ee nabadda jecel”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Xasan Sheekh

Muqdisho, 9 June 2016 (Villa Somalia)—Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Taliyaha Guud ee Ciidammada Qalabka Sida, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo u diray Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo Ciidammada Ethiopia ee qeybta ka ah Hawlgalka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM, oo maanta si geesinimo leh isaga caabbiyey maleeshiyada argagxisada Al Shabaab oo weerar ku soo qaadey fariisimada ciidanka ee degaanka Halgan ee gobolka Hiiraan.

Related posts

Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS oo ku dhawaaqday in dalku galay marxalad doorasho loo dhan yahay

Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS oo ku dhawaaqday in dalku galay marxalad doorasho loo dhan yahay

March 22, 2026
Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay qaar kamid ah Odayaasha iyo Waxgaradka deegaannada Koonfur Galbeed

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay qaar kamid ah Odayaasha iyo Waxgaradka deegaannada Koonfur Galbeed

March 22, 2026

Ciidammada Ethiopia iyo kuwa Soomaaliya ayaa weerarkaasi kooxda nabad-diidka ee Al Shabaab kaga dilay in ka badan laba boqol oo maliishiyaad ah.

“Anigoo ku hadlaya magaca Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxaan si diiran u soo dhoweynayaa guusha ballaaran ee ay soo hoyeen ciidankeena iyo kuwa Ethiopia oo cashar lama ilaabaan ah u dhigey cadowga. Jabkani xooggan ee Al Shabaab loo geystey waxaa uu muujinayaa in argagixisada la iska dhicin karo, loona geysan karo dhirbaaxo ka kulul kan maanta loo geystey’’, ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in jabka loo geystey cadowga uu niyadda u dhisayo shacabka nabadda jecel, isagoo intaa ku darey in hadafka dowladda Soomaaliya uu yahay in gebi ahaanba dalka iyo gobolka Geeska Afrika laga ciribtiro argagixisada Al Shabaab iyo kooxaha kale ee ku fikirka ah.

“Dagaalka lagula jiro Al Shabaab wuu sii socon doonaa. Goobo badan ayaa lagu jebiyay, meelaha kooban ee ay ku harsan yihiinna goor dhow ayaa laga sifeyn doonaa. Waxan sidoo kale u hambalyeynaya shacabka Soomaaliyeed oo mar walba garab taagan dadaalka ciidanka geesiyaasha Soomaaliyeed iyo kuwa AMISOM ee inaga caawinaya dagaalka lagula jiro argagixisada’’.

Kooxda argagixisada Al Shabaab ayaa weerarka ay saaka ku fashilmeen waxaa sidoo kale looga qabsadey hub tiro badan iyo saanad kale.

Previous Post

Dad danyar ah oo loo sameeyay qaliin indho fiiqid iyo baaritaanno caafimaad “SAWIRRO”

Next Post

Daawo Sawirrada sida loo xasuuqay maleeshiyada Al-Shabaab

Next Post
Daawo Sawirrada sida loo xasuuqay maleeshiyada Al-Shabaab

Daawo Sawirrada sida loo xasuuqay maleeshiyada Al-Shabaab

Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS oo ku dhawaaqday in dalku galay marxalad doorasho loo dhan yahay

Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS oo ku dhawaaqday in dalku galay marxalad doorasho loo dhan yahay

March 22, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasaaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiistinta ee (DFS) waxay si rasmi ah ugu wargelinaysaa shacabka Soomaaliyeed in dalku uu...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay qaar kamid ah Odayaasha iyo Waxgaradka deegaannada Koonfur Galbeed

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay qaar kamid ah Odayaasha iyo Waxgaradka deegaannada Koonfur Galbeed

March 22, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa kulan la qaatay odayaasha...

Xiddigaha Xulka Qaranka Soomaaliya oo kulan ciyaareedka AFCON-2027 kaga qayb galaya Mozambique

Xiddigaha Xulka Qaranka Soomaaliya oo kulan ciyaareedka AFCON-2027 kaga qayb galaya Mozambique

March 22, 2026
0

RADIO MUQDISHO(Mozumbique):-Xiddigaha Xulka Qaranka Soomaaliya ee kubadda Cagta ayaa ka ambabaxay garoonka diyaaradaha ee Aaden Cadde International Airport, iyagoo ka...

Safiirkii ugu horreeyay ee Soomaaliya u fadhin doona dalka Finland oo warqadihii aqoonsiga laga guddoomay

Safiirkii ugu horreeyay ee Soomaaliya u fadhin doona dalka Finland oo warqadihii aqoonsiga laga guddoomay

March 21, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Sweden, Cabdikarin Axmed Maxamed, ayaa toddobaadkan waraaqihiisa aqoonsiga u gudbiyay Madaxweynaha Finland, Alexander Stubb....

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In