Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaciil Cumar Gelle, ayaa la kulmay wafdi ka tirsan Guddiga Difaaca Gongareeska Marykanka oo uu hogaaminayo Senetor james scott.
Madaxweyne Gelle iyo Wafdigaasi ka socoday dalka Mareykanka waxay kulunkoodasi kaga wada hadleen xiriirka labada dal sidii loo horumarin lahaa gaar hanaa dhinacyada difaaca iyo dhaqaalaha.
Madaxda wafdigaasi ayaa kulankaasi ka sheegay inay Dowladiisu ay Dowladda jabuti ka saacidi doonto dhanka la dagaalanka argagixisada caalamiga ah, iyo Burcad Badeedda dhibaatada ku haysa maraakiibta iska gudbaysa Biyaha Dowlagiga ee Badaha mandiqadda Geeska afrika.
Sida ay soo warisay Wakaaladda wararka ee Jabuti Dowladda Jabuti ayaa Sanadihii ugu dambeeyay dalkeeda ku martigelisay Saldhigga keliya ee Ciidamada Badda ee Mareykanka ku leeyihiin Qaaradda Afrika