Saturday, October 10, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya oo Hambalyo u diray Hay’adda NISA

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha oo xarigga ka jaray xarunta Seyniska iyo Tiknoolajiyadda ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

October 10, 2026
Dowladda Soomaaliya oo cambaaraysay weerarka lagu qaaday xarunta korontada ee Masjidka Nabiga (NNKH) ee Magaalada Madiina

DFS oo cambaaraysay weerar lagu qaaday garoomo ku yaalla dalka Sacuudiga

October 10, 2026
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ayaa hambalyo ku aaddan sannadguuradooda 47-aad u diray ciidanka hey’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda Qaranka kaddib munaasabad loogu dabaal-dagayey xuskaasi oo ka dhacay magaalada Muqdisho.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna taliyaha guud ee ciidammada Qalabka Sida, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ka qeyb-galay munaasabddaan  lagu xusayey sanandguurada 47-aad ee aas-aaska hey’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda Qaranka ee  (NISA) oo la dhisay sannadkii 1970-kii 8-adii Jannaayo.
“ugu horreyn waxaan hambalyo iyo boggaadin u dirayaa taliska, saraakiisha saraakiil xiggeennada, iyo ciidammada Hey’adda oo u dabaal-dagaya 47-guuradooda, hey’adda NISA waxa ay  u taagan  tahay jiritaanka madax bannaannideena, waxaan ku ammaanayaa dedaalka iyo horumarka ay sameysay sannadkii u dambeeyey ee 2016-ka, sida ay u laba jibbaareen ka hortagga qaraxyada, la dagaallanka argagixisada iyo xasilinta magaalooyinka ku jira gacanta dowladda, ayuu yiri madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya.
Madaxweynaha Soomaaliya, ayaa uga mahadceliyey dalalka iyo hey’adaha kala duwan ee Soomaaliya ka gacan siiya arrimaha amniga oo ah qaddiyadda ugu weyn ee dalkeennu u baahan  yahay in laga dhiso, lagana taageero.
“u hoggaansamidda iyo ilaalinta sharciga dalka waxaa sal u ah amniga, ciidankuna waa kuwa fuliya howlahaasi, haddii ABBEE idmo Barlamaanka 10-aad  cusub waxaan ka rajeyneynaa in uu dadajiyo sharciyada muhiimka u ah amniga, sida kan la dagaalllanka argagixisada iyo sharcuu kale oo badan, waxaa hubaal  ah in hey’adda NISA ay ballaaratay,  dhowaanna waxaan gaari doonaa iyadoo xadduudaheena oo dhan ay xogta uga keeni doonaan si casri ah, hey’adda uma taagna oo keliyan in Al-Shabaab ay la dagaallanto, laakiin waxaa saaran masuuliyaddii Qaranka ee amniga oo dhan waanan rajeynayaa in aan ku guuleysan doono shaqadaasi culus” ayuu yiri madaxweynaha Dalka mudane Xasan Sheekh Maxamuud.
ugu dambeyn madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay la shaqeeyaan hey’adaha amniga, si gaar ahna ay xogta cadowga uga gacan siiyaan hey’adda NISA, Sidoo kale madaxweynaha ayaa ku ammaanay taliyeyaashii soo maray hoggaanka NISA dedaalkii ay uga soo qeyb-qaateen dhismaha heyadda, waxaan ku dedaali doonnaa in dib u eegis lagu sameeyo sharciga ay ku dhisan tahay NISA,  ayuu hadalkiisa ku gabogabeeyey madaxweynaha.
Previous Post

Liiska Xubnihii Aqalka Sare ee Maanta Magaalada Muqdisho Lagu doortay

Next Post

Munaasabad lagu furayey xarunta iskaashatooyinka oo Muqdisho lagu qabtay

Next Post
Munaasabad lagu furayey xarunta iskaashatooyinka oo Muqdisho lagu qabtay

Munaasabad lagu furayey xarunta iskaashatooyinka oo Muqdisho lagu qabtay

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda JFS Mudane Xasan Macallin Maxamuud oo Magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga u...

Dowladda Soomaaliya oo cambaaraysay weerarka lagu qaaday xarunta korontada ee Masjidka Nabiga (NNKH) ee Magaalada Madiina

DFS oo cambaaraysay weerar lagu qaaday garoomo ku yaalla dalka Sacuudiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si xooggan u cambaareyneysaa weerarrada ay kooxda Xuutiyiintu ku qaadeen Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee...

𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐗𝐮𝐤𝐮𝐮𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐨𝐨 𝐥𝐨𝐨𝐠𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐱𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐠𝐮𝐮𝐝 𝐞𝐞 𝐝𝐚𝐥𝐤𝐚

𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐗𝐮𝐤𝐮𝐮𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐨𝐨 𝐥𝐨𝐨𝐠𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐱𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐠𝐮𝐮𝐝 𝐞𝐞 𝐝𝐚𝐥𝐤𝐚

October 8, 2026
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay kulankooda toddobaadlaha ah, ayaa lagu soo bandhigay warbixinno kala duwan oo...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐌𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐝𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫 𝐮 𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐢𝐧 𝐚𝐲 𝐟𝐮𝐫𝐭𝐨 𝐚𝐥𝐛𝐚𝐚𝐛𝐚𝐝𝐚 𝐦𝐚𝐚𝐥𝐠𝐚𝐬𝐡𝐢 𝐞𝐞 𝐝𝐮𝐧𝐢𝐝𝐮 𝐮 𝐛𝐚𝐚𝐡𝐚𝐧𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐌𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐝𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫 𝐮 𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐢𝐧 𝐚𝐲 𝐟𝐮𝐫𝐭𝐨 𝐚𝐥𝐛𝐚𝐚𝐛𝐚𝐝𝐚 𝐦𝐚𝐚𝐥𝐠𝐚𝐬𝐡𝐢 𝐞𝐞 𝐝𝐮𝐧𝐢𝐝𝐮 𝐮 𝐛𝐚𝐚𝐡𝐚𝐧𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲

October 6, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa galabta ka qeyb-galay xiritaanka Madasha Ganacsiga Soomaaliya iyo Midowga...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In