Wednesday, January 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya oo Hambalyo u diray Hay’adda NISA

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
9 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha oo xarigga ka jaray xarunta Seyniska iyo Tiknoolajiyadda ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

January 27, 2026
Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

January 27, 2026
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ayaa hambalyo ku aaddan sannadguuradooda 47-aad u diray ciidanka hey’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda Qaranka kaddib munaasabad loogu dabaal-dagayey xuskaasi oo ka dhacay magaalada Muqdisho.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna taliyaha guud ee ciidammada Qalabka Sida, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ka qeyb-galay munaasabddaan  lagu xusayey sanandguurada 47-aad ee aas-aaska hey’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda Qaranka ee  (NISA) oo la dhisay sannadkii 1970-kii 8-adii Jannaayo.
“ugu horreyn waxaan hambalyo iyo boggaadin u dirayaa taliska, saraakiisha saraakiil xiggeennada, iyo ciidammada Hey’adda oo u dabaal-dagaya 47-guuradooda, hey’adda NISA waxa ay  u taagan  tahay jiritaanka madax bannaannideena, waxaan ku ammaanayaa dedaalka iyo horumarka ay sameysay sannadkii u dambeeyey ee 2016-ka, sida ay u laba jibbaareen ka hortagga qaraxyada, la dagaallanka argagixisada iyo xasilinta magaalooyinka ku jira gacanta dowladda, ayuu yiri madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya.
Madaxweynaha Soomaaliya, ayaa uga mahadceliyey dalalka iyo hey’adaha kala duwan ee Soomaaliya ka gacan siiya arrimaha amniga oo ah qaddiyadda ugu weyn ee dalkeennu u baahan  yahay in laga dhiso, lagana taageero.
“u hoggaansamidda iyo ilaalinta sharciga dalka waxaa sal u ah amniga, ciidankuna waa kuwa fuliya howlahaasi, haddii ABBEE idmo Barlamaanka 10-aad  cusub waxaan ka rajeyneynaa in uu dadajiyo sharciyada muhiimka u ah amniga, sida kan la dagaalllanka argagixisada iyo sharcuu kale oo badan, waxaa hubaal  ah in hey’adda NISA ay ballaaratay,  dhowaanna waxaan gaari doonaa iyadoo xadduudaheena oo dhan ay xogta uga keeni doonaan si casri ah, hey’adda uma taagna oo keliyan in Al-Shabaab ay la dagaallanto, laakiin waxaa saaran masuuliyaddii Qaranka ee amniga oo dhan waanan rajeynayaa in aan ku guuleysan doono shaqadaasi culus” ayuu yiri madaxweynaha Dalka mudane Xasan Sheekh Maxamuud.
ugu dambeyn madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay la shaqeeyaan hey’adaha amniga, si gaar ahna ay xogta cadowga uga gacan siiyaan hey’adda NISA, Sidoo kale madaxweynaha ayaa ku ammaanay taliyeyaashii soo maray hoggaanka NISA dedaalkii ay uga soo qeyb-qaateen dhismaha heyadda, waxaan ku dedaali doonnaa in dib u eegis lagu sameeyo sharciga ay ku dhisan tahay NISA,  ayuu hadalkiisa ku gabogabeeyey madaxweynaha.
Previous Post

Liiska Xubnihii Aqalka Sare ee Maanta Magaalada Muqdisho Lagu doortay

Next Post

Munaasabad lagu furayey xarunta iskaashatooyinka oo Muqdisho lagu qabtay

Next Post
Munaasabad lagu furayey xarunta iskaashatooyinka oo Muqdisho lagu qabtay

Munaasabad lagu furayey xarunta iskaashatooyinka oo Muqdisho lagu qabtay

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

January 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyadda Soomaaliya, mudane Maxamed Aadam Macallim Soomaali, ayaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya ka furay Shirka...

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

January 27, 2026
0

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa maanta qabtay shir ujeedkiisu ahaa soo bandhigidda guulihii la gaaray sannadkii dhammaaday, qorshayaasha sannadka...

𝐀𝐪𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐨𝐨 𝐀𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐚𝐫𝐜𝐢𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐚𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐠𝐚𝐛𝐤𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐤𝐚

𝐀𝐪𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐨𝐨 𝐀𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐚𝐫𝐜𝐢𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐚𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐠𝐚𝐛𝐤𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐤𝐚

January 27, 2026
0

Ku-simaha Wasiirka ahna Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Caafimaadka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Maryan Xuseen, oo ay weheliyaan khubaro ka socday Wasaaradda Caafimaadka...

𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐃𝐢𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐥𝐚 𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐭𝐚𝐲 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐚𝐭𝐚𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝

𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐃𝐢𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐥𝐚 𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐭𝐚𝐲 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐚𝐭𝐚𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝

January 27, 2026
0

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Cumar, ayaa maanta kulan muhiim ah la yeeshay hoggaamiyeyaasha ganacsiga Soomaaliyeed,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In