Sunday, October 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha JFS oo abaalmarinno guddoonsiiyay arday kaalmaha hore ka galeen Tartanka Qur’aanka Kariimka ah

Fardowso Xasan by Fardowso Xasan
3 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha JFS oo abaalmarinno guddoonsiiyay arday kaalmaha hore ka galeen Tartanka Qur’aanka Kariimka ah
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh, ayaa munaasabad ku qabsoomtay Madaxtooyada Qaranka waxa uu afur ku maamuusay Tartameyaasha Quuraanka Kariimka ah, iyadoo ay goobjoog ahaayeen Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Xukuumadda, Guddiga Tartanka iyo Hay’adda Culimada Soomaaliyeed.

Madaxweynaha oo abaal-marin guddoonsiiyey 7-da tartame ee ugu sarreeya sannadka labaad ee Tartanka Quraanka Kariimka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in halyeeyadan ka socda gobollada dalka oo idil ay ka turjumayaan dhaqanka Soomaaliyeed ee ku saleysan diinta Islaamka iyo wanaagga.

Related posts

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026

“Ubadkan sidaas u xifdiyey Quraanka Kariimka ah, waalidka kula dadaalay Kitaabka Alle iyo macallimiinta soo barbaariyey waxay caddeyn u tahay sida dadkeennu ay ugu dheggan yihiin diinteenna Islaamka. Tani waa xujo adag oo hortaalla argagixisada banneystay dhiigga dadkeenna, iyagoo ku been abuuranaya diinteenna suubban. Imisa ayey xasuuqeen arday baranaysay Kitaabka Alle, macallimiin xifdisiinayey ubadkeenna Kitaabka Alle. Imisa dugsi Quraan ayey dumiyeen, imisa Masaajid ayey burburiyeen ama ku dhex laayeen ehlu Qu’aanka”.

Abaal-marinnada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ee Tartanka Quraanka Kariimka ah ayaa waxaa ku guuleystay;

1-Majiidu Raxmaan Maxamed Cabdullaahi, $20,000.

2-Yuusuf Xasan Cusmaan, $15,000.

3-Xuseen Xasan Nuur, $10,000.

4-Sadiiq Maxamed Cali, $7000.

5-Faadumo Jamaal Xaashi, $5000.

6-Maxamed Haaruun Maxamed, $3000.

7-Ikraan Cabdikariim Xasan, $2000.






Previous Post

Tartamayaasha Degmada Xamarweyne oo caawa u gudbay sideed dhamaadka tartanka “SAWIRRO”

Next Post

Hay’adda SoDMA oo shixnad gargaar ah u dirtay  Jubbaland si ay dadka u baahan u gaarsiyaan

Next Post
Hay’adda SoDMA oo shixnad gargaar ah u dirtay  Jubbaland si ay dadka u baahan u gaarsiyaan

Hay'adda SoDMA oo shixnad gargaar ah u dirtay  Jubbaland si ay dadka u baahan u gaarsiyaan

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, kaddib markii uu helay 79 cod. Sidoo...

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In