Saturday, July 12, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha JFS oo abaalmarinno guddoonsiiyay arday kaalmaha hore ka galeen Tartanka Qur’aanka Kariimka ah

Fardowso Xasan by Fardowso Xasan
March 27, 2024
in Wararka
0
Madaxweynaha JFS oo abaalmarinno guddoonsiiyay arday kaalmaha hore ka galeen Tartanka Qur’aanka Kariimka ah
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh, ayaa munaasabad ku qabsoomtay Madaxtooyada Qaranka waxa uu afur ku maamuusay Tartameyaasha Quuraanka Kariimka ah, iyadoo ay goobjoog ahaayeen Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Xukuumadda, Guddiga Tartanka iyo Hay’adda Culimada Soomaaliyeed.

Madaxweynaha oo abaal-marin guddoonsiiyey 7-da tartame ee ugu sarreeya sannadka labaad ee Tartanka Quraanka Kariimka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in halyeeyadan ka socda gobollada dalka oo idil ay ka turjumayaan dhaqanka Soomaaliyeed ee ku saleysan diinta Islaamka iyo wanaagga.

Related posts

Hay’adda Qaxootiga Dunida oo walaac ka muujisay joojinta Giriigga ee codsiyada magangalyo doonka

Hay’adda Qaxootiga Dunida oo walaac ka muujisay joojinta Giriigga ee codsiyada magangalyo doonka

July 11, 2025
Madaxda Galmudug iyo Safiirka Turkiga oo ka hadlay hagaajinta Kaabayaasha dhaqaalaha

Madaxda Galmudug iyo Safiirka Turkiga oo ka hadlay hagaajinta Kaabayaasha dhaqaalaha

July 11, 2025

“Ubadkan sidaas u xifdiyey Quraanka Kariimka ah, waalidka kula dadaalay Kitaabka Alle iyo macallimiinta soo barbaariyey waxay caddeyn u tahay sida dadkeennu ay ugu dheggan yihiin diinteenna Islaamka. Tani waa xujo adag oo hortaalla argagixisada banneystay dhiigga dadkeenna, iyagoo ku been abuuranaya diinteenna suubban. Imisa ayey xasuuqeen arday baranaysay Kitaabka Alle, macallimiin xifdisiinayey ubadkeenna Kitaabka Alle. Imisa dugsi Quraan ayey dumiyeen, imisa Masaajid ayey burburiyeen ama ku dhex laayeen ehlu Qu’aanka”.

Abaal-marinnada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ee Tartanka Quraanka Kariimka ah ayaa waxaa ku guuleystay;

1-Majiidu Raxmaan Maxamed Cabdullaahi, $20,000.

2-Yuusuf Xasan Cusmaan, $15,000.

3-Xuseen Xasan Nuur, $10,000.

4-Sadiiq Maxamed Cali, $7000.

5-Faadumo Jamaal Xaashi, $5000.

6-Maxamed Haaruun Maxamed, $3000.

7-Ikraan Cabdikariim Xasan, $2000.






Previous Post

Tartamayaasha Degmada Xamarweyne oo caawa u gudbay sideed dhamaadka tartanka “SAWIRRO”

Next Post

Hay’adda SoDMA oo shixnad gargaar ah u dirtay  Jubbaland si ay dadka u baahan u gaarsiyaan

Next Post
Hay’adda SoDMA oo shixnad gargaar ah u dirtay  Jubbaland si ay dadka u baahan u gaarsiyaan

Hay'adda SoDMA oo shixnad gargaar ah u dirtay  Jubbaland si ay dadka u baahan u gaarsiyaan

Hay’adda Qaxootiga Dunida oo walaac ka muujisay joojinta Giriigga ee codsiyada magangalyo doonka

Hay’adda Qaxootiga Dunida oo walaac ka muujisay joojinta Giriigga ee codsiyada magangalyo doonka

July 11, 2025
0

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga (UNHCR) ayaa Khamiistii walaac xooggan ka muujisay wax ka beddelka sharci ee loo gudbiyay...

Madaxda Galmudug iyo Safiirka Turkiga oo ka hadlay hagaajinta Kaabayaasha dhaqaalaha

Madaxda Galmudug iyo Safiirka Turkiga oo ka hadlay hagaajinta Kaabayaasha dhaqaalaha

July 11, 2025
0

Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Mudane Cali Daahir Ciid ayaa la kulmay Safiirka dowladda Turkiga u qaabilsan arrimaha Dalka Soomaaliya ee...

Wasaaradda caafimaadka oo boogaadisay doorka haweenka ay ku leeyihiin horumarka dalka

Wasaaradda caafimaadka oo boogaadisay doorka haweenka ay ku leeyihiin horumarka dalka

July 11, 2025
0

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee XFS Dr. Maxamed Xasan Bulaale ayaa ka qeybgalay kulan looga hadlaayey...

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo kulan muhiim ah la yeeshay dhigiisa Dalka Nigeria

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo kulan muhiim ah la yeeshay dhigiisa Dalka Nigeria

July 11, 2025
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee XFS Mudsne. Abdisalam Abdi Ali, ayaa kulan wax ku ool ah la qaatay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In