Saturday, February 21, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha JFS oo Booqday Kaamam ku yaalla Baydhabo ”SAWIRRO”

Mulki Abdirahim Hassan by Mulki Abdirahim Hassan
4 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha JFS oo Booqday Kaamam ku yaalla Baydhabo ”SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Tartamayaasha Daarusalaam oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka

Tartamayaasha Daarusalaam oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka

February 21, 2026
Hay’adda Qatar Charity oo Soomaaliya ka bilowday ololaha Ramadaan oo lagu caawinayo 36,000 qof.

Hay’adda Qatar Charity oo Soomaaliya ka bilowday ololaha Ramadaan oo lagu caawinayo 36,000 qof.

February 20, 2026

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo booqday kaamamka barakacayaasha ee magaalada Baydhabo ayaa u kuurgalay xaaladda nololeed ee ay ku jiraan shacabka Soomaaliyeed ee ay waxyeelladu ka soo gaartay abaaraha ka jira dalka, biyo la’aanta iyo dhibaatooyinka ay argaggaxisadu ku hayaan dadka Soomaaliyeed.

 

Madaxweynaha ayaa shacabka Soomaaliyeed iyo guud ahaan caalamka ugu baaqay in loo gurmado dadka tabaalaysan ee ay waxyeelladu ka soo gaartay masiibooyinka dabiiciga ah ee soo noqnoqday iyo duruufaha amni ee ka jira qeybo ka mid ah dalka, isaga oo faray hay’adaha dowladda in la dardargeliyo hawlaha gurmadka abaaraha.

 

“Dadka Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan waxaan ugu baaqayaa in dadka ay abaaruhu saameeyeen loo gurmado, wixii aynu haysanno lala wadaago, garab-istaag iyo walaalnimana loo muujiyo. Sidoo kale in ubadka Soomaaliyeed ee xeryahan ku jira lala gaaro adeegyada bulshada ee asaasiga ah oo ay ku jiraan dhismaha goobihii ay wax ku baran lahaayeen.”

 

Madaxweynaha ayaa hoosta ka xarriiqay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay mudnaan gaar ah siinayso wax-ka-qabashada xaaladaha beni’aadannimo ee ka jira dalka iyo garab istaagga shacabka Soomaaliyeed ee ay abaaruhu saameeyeen, isaga oo xusay in dowladdu dhowaan magacowday ergay gaar ah oo ka shaqaynaya isku-xirka arrimaha gurmadka abaaraha.

 

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxaa booqashada ku weheliyay Madaxweynaha Dowlad Gobolleedka Koonfur Galbeed, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen), Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Maaraynta Masiibooyinka, Marwo Khadiija Maxamed Diiriye, Wasiirka Gaashaandhigga, mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur iyo Mas’uuliyiin kale oo ka kala tirsan Dowladda Federaalka iyo Dowlad Gobolleedka Koonfur Galbeed.

Previous Post

Ergayga gaarka ah ee arrimaha Beni-aadannimada XFS oo la kulmay Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya

Next Post

Wasaaradda gargaarka XFS oo deeq raashin ah ku wareejisay guddiga gurmadka abaaraha Hirshabeelle

Next Post

Wasaaradda gargaarka XFS oo deeq raashin ah ku wareejisay guddiga gurmadka abaaraha Hirshabeelle

Tartamayaasha Daarusalaam oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka

Tartamayaasha Daarusalaam oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka

February 21, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

Hay’adda Qatar Charity oo Soomaaliya ka bilowday ololaha Ramadaan oo lagu caawinayo 36,000 qof.

Hay’adda Qatar Charity oo Soomaaliya ka bilowday ololaha Ramadaan oo lagu caawinayo 36,000 qof.

February 20, 2026
0

Hay’adda Qatar Charity, oo kaashanaysa Safaaradda Dowladda Qatar ee Soomaaliya, ayaa si rasmi ah u daahfurtay ololaha bisha barakeysan ee...

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing Mogadishu, Friday, 20th February, 2026

February 20, 2026
0

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing Mogadishu, Friday, 20th February, 2026 1- President Hassan Sheikh Mohamud chaired a meeting between...

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Muqdisho, Jimco, 20-ka February, 2026

February 20, 2026
0

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Muqdisho, Jimco, 20-ka February, 2026 1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoomiyay kulan dhexmarey...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In