Friday, October 23, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha JFS oo codkiisa ka dhiibtay doorashada Golaha Deegaanka gobolka Banaadir

Fardowso Xasan by Fardowso Xasan
10 months ago
in Wararka
0
Madaxweynaha JFS oo codkiisa ka dhiibtay doorashada Golaha Deegaanka gobolka Banaadir
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Muqdisho, Diseembar 25, 2025; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ay wehelinayso Marwada Koowaad ee dalka Marwo Qamar Cali Cumar ayaa maanta codkooda ka dhiibtay Seejada Tiyaatarka Qaranka, halkaas oo ay ka socotay doorashada tooska ah ee Goleyaasha Deegaanka Gobolka Banaadir.

Madaxweynaha iyo Marwada Koowaad ayaa goobta kula kulmay boqolaal muwaadiniin ah oo codkooda dhiibanayey, iyaga oo muujinayey doorkooda muwaadinnimo iyo ka go’naanshahooda dhismaha dowladnimo ku saleysan rabitaanka shacabka.

Related posts

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

October 22, 2026
MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

October 22, 2026

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa bogaadiyey habsami u socodka doorashada, amniga iyo abaabulka wanaagsan ee Ururrada, kaas oo suurtageliyey in shacabka caasimaddu ay si xor ah u dhiibtaan codkooda, isagoo xusay in doorashada tooska ah ay tahay tallaabo muhiim ah oo lagu xoojinayo dimuqraadiyadda, isla xisaabtanka iyo matalaadda dadweynaha.

Ugu dambayn, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu baaqay dhammaan shacabka Gobolka Banaadir in ay ka faa’iideystaan fursaddan taariikhiga ah, kana qeyb qaataan doorashada, si ay codkoodu uga noqdo aas-aaska hoggaamin hufan iyo horumar waara.

Previous Post

Safiirka Soomaaliya ee Uganda oo shacabka Gobolka Banaadir ugu hambalyeeysay Doorashada.

Next Post

Marwada Madaxweynaha JFS oo ka codkeeda ka dhiibatay D.dharkiinleey.

Next Post
Marwada Madaxweynaha JFS oo ka codkeeda ka dhiibatay D.dharkiinleey.

Marwada Madaxweynaha JFS oo ka codkeeda ka dhiibatay D.dharkiinleey.

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

October 22, 2026
0

Ra'iisal wasaaraha xukuumadda FS ayaa hambalyo u diray hoggaamiyaha iyo Hoggaamiye Ku-xigeenka Dowlad-goboleedka Galmudug Mudane Liibaan Axmed Xasan iyo Abdiwali...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

October 22, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo u diray Hoggaamiyaha cusub ee Dowlad Goboleedka Galmudug, Mudane Liibaan...

Wakiilada Baarlamaanka Galmudug oo doortay hoggaanka cusub ee maamulkaasi

Wakiilada Baarlamaanka Galmudug oo doortay hoggaanka cusub ee maamulkaasi

October 22, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug Mudane Xuseen Maxamed Nuur ayaa maanta ku dhawaaqay natiijadii doorashada Galmudug oo uu ku guuleystay Mudane...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay guddi isu xil-saaray nabadaynta Koofur Galbeed

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay guddi isu xil-saaray nabadaynta Koofur Galbeed

October 21, 2026
0

Guddoomiyaha Shacabka Shacabka ee Baarlamaanka Dalka ayaa guddiga ka dhageystay talooyin wax-ku-ool ah iyo aragtiyo muhiim ah oo ku saabsan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In