Friday, March 27, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha JFS oo daah-furay Shirka Sannadlaha ah ee Bangiyada Dalka

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
1 year ago
in Wararka
0
Madaxweynaha JFS oo daah-furay Shirka Sannadlaha ah ee Bangiyada Dalka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa daah-furay Shirka sannadlaha ah ee Midowga Bangiyada Soomaaliyeed oo diiradda lagu saarayo maalgashig, kobcinta kaabayaasha dhaqaalaha iyo talooyinka ku aaddan dib u habaynta nidaamka maaliyadeed ee dalka.

Madaxweynaha ayaa ku boggaadiyey ganacsatada Soomaaliyeed dadaalkooda ku aaddan horumarinta dalka, waxa uuna ku adkeeyey in ay mas’uuliyad gaar ah iska saaraan bixinta Canshuuraha, ilaalinta shuruucda dalka iyo xoojinta dowladnimada, si loo helo nabad-galyo waarta oo horseedda horumar ganacsi iyo maalgashi caalami ah.

Related posts

NISA oo gacanta ku dhigtay xubno u hoggaansamay baadda Khawaarijta

Ciidanka Hay’adda NISA oo howlgal qorsheysan ku dilay horjoogayaal ka tirsan Khawaarijta

March 26, 2026
Wasiirka Ganacsiga XFS oo shir muhiim ah uga qeybgalay dalka Cameroon

Wasiirka Ganacsiga XFS oo shir muhiim ah uga qeybgalay dalka Cameroon

March 26, 2026

“Dowladnimo waa qawaanin iyo dhaqangelinta sharciyada, si taas loo helo waa inaad bixisaan canshuurta, dowladdu ma shaqeyn karto canshuur la’aan, bangiyada iyo hay’adaha isgaarsiinta waan bogaadinayaa laakin waxaan ku adkeeynaya ganacsatada in ay bixiyaan canshuurta oo aysan ka dhuuman hannaanka iyo xeerka loo dejiyey, haddii laga dhuunto waa tuuganimo iyo danbi waana lagugu ciqaabaya, sax ma ahan inaad badasho lambarka marjantiga, ogaada canshuurta shacabka ayaa bixiyo idinkuna fududeeyayaal ayaa tihiin, waxaana lagu qabanaya canshuurta adeegyada bulshada iyo sugidda amniga, waxayna qeyb ka tahay shaqada dowladda canshuur qaadidda”

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo dul istaagay caqabadihii kala duwana ee laga soo maray si loo soo gaaro marxaladdan ayaa tilmaamay in dowladda Soomaaliya ahmiyadda gaar ah ay siisay dhisidda hay’addaha muhiimka u ah horumarinta bangiyada iyo hirgelinta xeerarka hagaya, taas oo sahashay kalsoonida lagu qabo shaqadooda iyo guusha weyn ee suurtagalisay qabsoomidda shirkan.

“Kalsoonidii caalamka ee ku aaddanayd nidaamkeenna dowladeed waa wanaagsan yahay. Bangiyada waxaa looga baahan yahay in iyaguna kalsoonida ay ku qabaan maalgashiga iyo shacabka Soomaaliyeed oo ay xoojiyaan Sharciyada iyo nidaamyada hagaya dhaqaalaha iyo maalgashiga waxaan ku wadnaa dib u habayn.

Previous Post

Ciidanka Xoogga Dalka oo howlgal ka dhan ah khawaarijta ka sameeyay Gobolka Baay

Next Post

Wasiirka Amniga XFS oo soo xiray tartan Qur’aanka Kariimka ah

Next Post
Wasiirka Amniga XFS oo soo xiray tartan Qur’aanka Kariimka ah

Wasiirka Amniga XFS oo soo xiray tartan Qur’aanka Kariimka ah

NISA oo gacanta ku dhigtay xubno u hoggaansamay baadda Khawaarijta

Ciidanka Hay’adda NISA oo howlgal qorsheysan ku dilay horjoogayaal ka tirsan Khawaarijta

March 26, 2026
0

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya saaxiibada caalamka ayaa howlgallo qorsheysan, oo lagu dilay Horjoogihii isku xirka...

Wasiirka Ganacsiga XFS oo shir muhiim ah uga qeybgalay dalka Cameroon

Wasiirka Ganacsiga XFS oo shir muhiim ah uga qeybgalay dalka Cameroon

March 26, 2026
0

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jamaal Maxamed Xasan, ayaa ka qeyb galay Shirweynaha 14aad ee Wasiirrada ee...

CXDS iyo AUSSOM oo ku dilay Mubaarak 40 ka tirsan khawaarijta 

CXDS iyo AUSSOM oo ku dilay Mubaarak 40 ka tirsan khawaarijta 

March 26, 2026
0

WAR-SAXAAFADEED, Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya ciidamada Uganda ee AUSSOM, ayaa jab culus gaarsiiyay maleeshiyaadka ka tirsan Khawaarijta, oo...

Soomaaliya iyo Spain oo kala saxiixday heshiis Taariikhi ah 

Soomaaliya iyo Spain oo kala saxiixday heshiis Taariikhi ah 

March 26, 2026
0

Dowladaha Soomaaliya iyo Spain ayaa kala saxiixday heshiis is-afgarad (MoU) oo dhidibada u aasaya hannaan wadatashi siyaasadeed oo joogto ah....

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In