Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Dodowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen, ayaa maanta si wadajir ah u dhagax dhigay dhismaha garoonka diyaaradaha ee degmada Cadale oo si casri ah loo dhisi doono.
Garoonkaan diyaaradeed oo dhawaan dhismihiisa ka bilaaban doono Dagmada Cadale, ayaa wax badan kusoo kordhin doona harumarka deegaanka iyo isu socodka bulshada.