Tuesday, July 15, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha JFS oo dhiig u shubay dad waxyeelo ka soo gaartay qarixii Soobe

admin by admin
October 15, 2017
in Wararka
0
Madaxweynaha JFS oo dhiig u shubay dad waxyeelo ka soo gaartay qarixii Soobe
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Safiirka Imaaraadka ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Safiirka Imaaraadka ee Soomaaliya

July 14, 2025
Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

July 14, 2025

 Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa  booqday goobtii mashaqadu ka dhacday iyo Isbtitaalada isagoo u kuurgalaya xaaladda shacabkii Soomaliyeed oo waxyeeladu ka soo gaartay qarixii caddowga uu ka geystay Isgoyska Soobe ee magaalada Muqdisho.

Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo oo ay wehliyeen mas’uuliyiin iyo saraakiil ayaa tagay qaar kamid ah isbitaaladii la dhigay dadka dhaawacyada qaba,wuxuuna madaxweynuhu  dhiig u shubay dad Soomaaliyeed oo qaraxaasi dhibaato culus ka soo gaartay.

Madaxweyne Farmaajo ayaa muujiyay sida Dowladda Soomaaliya ay uga xuntahay dhagaraha ay cadowgu ay u maleegayaan shacabka Soomaaliyeed,wuxuuna ku baaqey in laga wada qeyb qaato u gurmashada dadka walaalaha ah ee mashaqadu qabsatay.

Isbitaalada waxaa yaala meydad iyo dhaawacyo aad u badan,sidoo kale waddooyinka iyo isbitaalada waxaa buux dhaafiyay dadweyne aad u farabadan kuwaasi oo qaar kood baadi goob ugu jira qaar kamid ah eheladooda oo la la’yahay halka qaarna ay halkaasi u tagayaan in ay gurmad sameeyaan.

Waxaa jira meydad weli la aaminsan yahay in ay ku hoos jiraan dhismayaasha hoostooda,xalay ilaa saaka waxaa soconaya howlaha gurmadka ah oo lagu faagayo dhismayaasha burburay hoostooda si lo raadiyo suuro galnimada in ay jiraan dad ku hoos jira halkaasi.

SHARE

Facebook
Previous Post

QM “Kooxda Argagixisada Shabaab fal xun ayay u geysteen shacabka

Next Post

DHAGEYSO: Xaaladihii ugu dambeeyey ee qarixii Soobe

Next Post
DHAGEYSO: Xaaladihii ugu dambeeyey ee qarixii Soobe

DHAGEYSO: Xaaladihii ugu dambeeyey ee qarixii Soobe

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Safiirka Imaaraadka ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Safiirka Imaaraadka ee Soomaaliya

July 14, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Dowladda Imaaraadka Carabta u qaabilsan...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

July 14, 2025
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac, ayaa maanta Xarunta Wasaaradda ku qaabilay Safiirka...

Soomaaliya oo shir guddoomisay Shirka 25aad ee Wasiirada Maaliyadda ee Madasha Iskaashiga Dalalka Geeska Afrika

Soomaaliya oo shir guddoomisay Shirka 25aad ee Wasiirada Maaliyadda ee Madasha Iskaashiga Dalalka Geeska Afrika

July 14, 2025
0

Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige ayaa maanta shir Guddoominaya kulanka ay yeelanayaan Wasiirada Maaliyadda Madasha dalalka...

Shir-Wadatashi Qaran oo lagu diyaarinayo Qorshaha Qaran ee Ka Hortagga iyo Xakameynta Cudurka Cagaarshowga oo ka furmay Muqdisho

Shir-Wadatashi Qaran oo lagu diyaarinayo Qorshaha Qaran ee Ka Hortagga iyo Xakameynta Cudurka Cagaarshowga oo ka furmay Muqdisho

July 14, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Ali Haji Aden, ayaa maanta si rasmi ah u...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In