Sunday, April 12, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha JFS oo furay kalfadhiga 7-aad ee Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
6 months ago
in Wararka
0
Madaxweynaha JFS oo furay kalfadhiga 7-aad ee Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo furay kalfadhiga 7-aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ka hadlay guulaha laga gaaray sugidda amniga iyo dib u xoreynta dalka, kobcinta dhaqaalaha, Xasilloonida siyaasadda, xallinta khilaafaadka iyo xiriirka caalamiga ah.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa dul-istaagay shaqadii dhanka sharci dejinta iyo korjoogteynta howlgudashada Xukuumadda ee ay la yimaadeen Mudaneyaasha Baarlamanka 11-aad, isaga oo u rajeeyay in ay si buuxda uga soo baxaan waajibaadka Dastuuriga ah ee kaga aaddan dhammeystirka Dastuurka, dimuquraadiyeynta dalka iyo xoojinta dowladnimada.

Related posts

𝑹𝒂’𝒊𝒔𝒖𝒍 𝑾𝒂𝒔𝒂𝒂𝒓𝒆 𝑿𝒂𝒎𝒔𝒂 𝒐𝒐 𝒒𝒂𝒅𝒌𝒂 𝒕𝒂𝒍𝒆𝒆𝒇𝒐𝒐𝒏𝒌𝒂 𝒖𝒈𝒖 𝒉𝒂𝒎𝒃𝒂𝒍𝒚𝒆𝒆𝒚𝒂𝒚 𝑴𝒂𝒅𝒂𝒙𝒘𝒆𝒚𝒏𝒂𝒉𝒂 𝑱𝒂𝒃𝒖𝒖𝒕𝒊 𝑰𝒔𝒎𝒂𝒂𝒄𝒊𝒊𝒍 𝑪𝒖𝒎𝒂𝒓 𝑮𝒆𝒆𝒍𝒍e

𝑹𝒂’𝒊𝒔𝒖𝒍 𝑾𝒂𝒔𝒂𝒂𝒓𝒆 𝑿𝒂𝒎𝒔𝒂 𝒐𝒐 𝒒𝒂𝒅𝒌𝒂 𝒕𝒂𝒍𝒆𝒆𝒇𝒐𝒐𝒏𝒌𝒂 𝒖𝒈𝒖 𝒉𝒂𝒎𝒃𝒂𝒍𝒚𝒆𝒆𝒚𝒂𝒚 𝑴𝒂𝒅𝒂𝒙𝒘𝒆𝒚𝒏𝒂𝒉𝒂 𝑱𝒂𝒃𝒖𝒖𝒕𝒊 𝑰𝒔𝒎𝒂𝒂𝒄𝒊𝒊𝒍 𝑪𝒖𝒎𝒂𝒓 𝑮𝒆𝒆𝒍𝒍e

April 11, 2026
Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo Tripoli uga qeybgalay dib u howlgelinta xarunta (CEN-SAD),

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo Tripoli uga qeybgalay dib u howlgelinta xarunta (CEN-SAD),

April 11, 2026

“Barlamaanka 11-aad, waxaa sharaf iyo ammaan u ah in uu ku dhiiraday qabyo-tirka Dastuurka oo ahayd howl la dib dhiganayay laga soo billaabo Barlamaankii 9-aad. Waa taariikh xusuus badan u reebi doonta jiilasha soo socdo, in aad tihiin kuwii ku dhiiraday dhammaystirka Dastuurkeenna. Waxaan rajaynayaa in Kalfadhigaan lagu dhammaystiro qabyo-tirka Dastuurka qeybaha harsan.”

Madaxweynaha ayaa ka warbixiyey guulaha siyaasadeed, amni, dhaqaale, dib u heshiisiinta iyo horumarineed ee ay ku tallaabsatay Dowladdu muddadii la soo dhaafay, isaga oo tilmaamay sida ay uga go’an tahay xoojinta dowladnimada iyo ku dhaqanka shuruucda dalka.

“Bilaha soo socda, Ilaahay idamkii waxaa billaabanaya qodista shidaalka. Waxaynu horumarinaynaa kaabayaasheenna dhaqaale, oo ay ka mid yihiin jidadka, garoomada dayaaradaha, dekadaha oo lagu daray saldhig laga gano dayaxgacmeedyada, oo ah kii ugu horreysay ee Qaaradda Africa laga dhiso”.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hoosta ka xarriiqay in ay ka go’antahay in lala fariisto mas’uuliyiinta iyo Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ka aragtida duwan dowladda, si loo helo midnimo iyo wadajir Qaran.

“Waxaan wali dadaal ugu jirnaa oo aanan ka harin walaalaha ka goos qabsaday in ay qayb ka noqdaan geeddi-socodka xasilinta siyaasadda dalka. Haddane maqaamka iyo mas’uuliyadda oo lagu kabay odaytinimada iyo nabad dooneynta mas’uuliyadda heer qaran, waxay na faraysaa in aan qof kasta oo wax tabanayo raadinno, waana ku sii soconaynaa wadadaas Alle idankii”.

Previous Post

Akhriso Wargalinta Sahanka Dhaqaalaha Ganacsiga

Next Post

Wasiirka Warfaafinta XFS oo kulan la yeeshay wafdi ka socday Jaamacadda Carabta

Next Post
Wasiirka Warfaafinta XFS oo kulan la yeeshay wafdi ka socday Jaamacadda Carabta

Wasiirka Warfaafinta XFS oo kulan la yeeshay wafdi ka socday Jaamacadda Carabta

𝑹𝒂’𝒊𝒔𝒖𝒍 𝑾𝒂𝒔𝒂𝒂𝒓𝒆 𝑿𝒂𝒎𝒔𝒂 𝒐𝒐 𝒒𝒂𝒅𝒌𝒂 𝒕𝒂𝒍𝒆𝒆𝒇𝒐𝒐𝒏𝒌𝒂 𝒖𝒈𝒖 𝒉𝒂𝒎𝒃𝒂𝒍𝒚𝒆𝒆𝒚𝒂𝒚 𝑴𝒂𝒅𝒂𝒙𝒘𝒆𝒚𝒏𝒂𝒉𝒂 𝑱𝒂𝒃𝒖𝒖𝒕𝒊 𝑰𝒔𝒎𝒂𝒂𝒄𝒊𝒊𝒍 𝑪𝒖𝒎𝒂𝒓 𝑮𝒆𝒆𝒍𝒍e

𝑹𝒂’𝒊𝒔𝒖𝒍 𝑾𝒂𝒔𝒂𝒂𝒓𝒆 𝑿𝒂𝒎𝒔𝒂 𝒐𝒐 𝒒𝒂𝒅𝒌𝒂 𝒕𝒂𝒍𝒆𝒆𝒇𝒐𝒐𝒏𝒌𝒂 𝒖𝒈𝒖 𝒉𝒂𝒎𝒃𝒂𝒍𝒚𝒆𝒆𝒚𝒂𝒚 𝑴𝒂𝒅𝒂𝒙𝒘𝒆𝒚𝒏𝒂𝒉𝒂 𝑱𝒂𝒃𝒖𝒖𝒕𝒊 𝑰𝒔𝒎𝒂𝒂𝒄𝒊𝒊𝒍 𝑪𝒖𝒎𝒂𝒓 𝑮𝒆𝒆𝒍𝒍e

April 11, 2026
0

𝑹𝒂’𝒊𝒔𝒖𝒍 𝑾𝒂𝒔𝒂𝒂𝒓𝒆 𝑿𝒂𝒎𝒔𝒂 ayaa  𝒒𝒂𝒅𝒌𝒂 𝒕𝒂𝒍𝒆𝒆𝒇𝒐𝒐𝒏𝒌𝒂 𝒖𝒈𝒖 𝒉𝒂𝒎𝒃𝒂𝒍𝒚𝒆𝒆𝒚𝒂𝒚 𝑴𝒂𝒅𝒂𝒙𝒘𝒆𝒚𝒏𝒂𝒉𝒂 𝑱𝒂𝒃𝒖𝒖𝒕𝒊 𝑰𝒔𝒎𝒂𝒂𝒄𝒊𝒊𝒍 𝑪𝒖𝒎𝒂𝒓 𝑮𝒆𝒆𝒍𝒍𝒆

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo Tripoli uga qeybgalay dib u howlgelinta xarunta (CEN-SAD),

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo Tripoli uga qeybgalay dib u howlgelinta xarunta (CEN-SAD),

April 11, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa magaalada Tripoli kaga qayb-galay...

Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS oo soo magacawday Guddiga Farsamada ee Dib-u-heshiisiinta KGS

Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS oo soo magacawday Guddiga Farsamada ee Dib-u-heshiisiinta KGS

April 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS ayaa magacowday Guddiga Farsamada ee wada-hadalka iyo dib-u-heshiisiinta Koonfur Galbeed. Guddigan farsamo...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Isimada Puntland

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Isimada Puntland

April 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa kulan soo dhaweyn ah u sameeyay isimada Puntland, oo ay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In