Tuesday, December 23, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha JFS oo Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ka jeediyay khudbad ku saabsan xaaladda dalka

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
3 months ago
in Wararka
0
Madaxweynaha JFS oo Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ka jeediyay khudbad ku saabsan xaaladda dalka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad ka jeediyey fadhiga 80-aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa soo bandhigay duruufaha adag ee Soomaaliya ay ka gudubtay, isagoo tilmaamay in dowladdu ay dadaal ku bixisay xaqiijinta amniga, dardar gelinta dagaalka ka dhanka argagixisada, xoojinta dimuqraadiyadda iyo dhammeystirka Dastuurka.

Madaxweynaha ayaa si gaar ah u bogaadiyey guulaha ciidamada Qaranka iyo xoogagga shacbiga ah ee ka dhanka ah argagixisada, waxa uuna saaxiibbada caalamiga ah ku dhiirri geliyey doorkooda dagaalkan.

Related posts

Wasiirro ka tirsan xukuumadda oo kormeeray degmooyinka gobolka Banaadir oo kaarka codbixinta laga qaadanayo

Wasiirro ka tirsan xukuumadda oo kormeeray degmooyinka gobolka Banaadir oo kaarka codbixinta laga qaadanayo

December 23, 2025
Howlgal Lagu Dilay Horjoogayaal Ka Tirsan Khawaarijta oo Laga Fuliyay Shabeellaha Dhexe

Howlgal Lagu Dilay Horjoogayaal Ka Tirsan Khawaarijta oo Laga Fuliyay Shabeellaha Dhexe

December 22, 2025

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa adkeeyey dadaallada dowladdu ay ku xaqiijinayso dhisidda nidaam dimuqraadi ah oo daah-furan, waxa uuna sheegay in Soomaaliya u socoto doorasho qof iyo cod ah oo markii ugu horreysay 57 sano la qaban doono, taas oo diiwaangelinteedu ay si habsami leh u socoto, ayna ka qeyb qaadanayaan ururo siyaasadeed oo badan.

Dhanka horumarka iyo dhaqaalaha, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo bandhigay in Soomaaliya ay ka shaqeyneyso xoojinta dakhliga gudaha, hufnaanta maamulka maaliyadda iyo ka faa’iidaysiga fursadaha ganacsi ee gobolka iyo caalamka.

Ugu danbeyntii, Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa khudbaddiisa kaga hadlay xasilloonida gobolka, xuquuqda dowladnimo ee walaalaha Falastiin, iskaashiga caalamiga ah iyo mudnaanta ay leedahay in wadajir loo wajaho halista isbeddelka cimilada oo saameyn weyn ku yeeshay waxsoosaarka beeraha iyo nolasha malaayiin qoys oo reer guuraa ah.

 

Previous Post

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo la kulmay Agaasimaha Fulinta ee Xarunta Dadka Rayidka ah ee Xilliyada Colaadaha

Next Post

Madaxweynaha JFS Oo Guddoomiyey Shirka Maalgelinta Hawlgalka AUSSOM

Next Post
Madaxweynaha JFS Oo Guddoomiyey Shirka Maalgelinta Hawlgalka AUSSOM

Madaxweynaha JFS Oo Guddoomiyey Shirka Maalgelinta Hawlgalka AUSSOM

Wasiirro ka tirsan xukuumadda oo kormeeray degmooyinka gobolka Banaadir oo kaarka codbixinta laga qaadanayo

Wasiirro ka tirsan xukuumadda oo kormeeray degmooyinka gobolka Banaadir oo kaarka codbixinta laga qaadanayo

December 23, 2025
0

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Faarax Nuux; Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha XFS mudane...

Howlgal Lagu Dilay Horjoogayaal Ka Tirsan Khawaarijta oo Laga Fuliyay Shabeellaha Dhexe

Howlgal Lagu Dilay Horjoogayaal Ka Tirsan Khawaarijta oo Laga Fuliyay Shabeellaha Dhexe

December 22, 2025
0

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa 21-kii Diseembar 2025 fuliyay howlgal qorsheysan oo ka dhan ah khawaarijta, kaas oo ka dhacay...

Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo gaaray Degmada Xudur ee Gobolka Bakool

Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo gaaray Degmada Xudur ee Gobolka Bakool

December 22, 2025
0

Madaxweynaha Dowladda Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta si diirran loogu...

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo Qaahira kula kulmay dhiggiisa Masar si loo xoojiyo iskaashiga labada dal

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo Qaahira kula kulmay dhiggiisa Masar si loo xoojiyo iskaashiga labada dal

December 22, 2025
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa kulan doceed kula yeeshay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In