Friday, July 4, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha JFS oo ka hadlay arrimaha Gobolka iyo xaaladaha ka taagan qaar ka mid ah Waddamada Carbeed

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
September 30, 2024
in Wararka
0
Madaxweynaha JFS oo ka hadlay arrimaha Gobolka iyo xaaladaha ka taagan qaar ka mid ah Waddamada Carbeed
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa wareysi uu siiyay Telefishinka Aljazeera, si qoto dheer uga hadlay arrimo dhowr ah oo heer Qaran iyo heer gobol ah, isagoo sidoo kale taabtay mowduucyo la xiriira xaaladaha ka taagan waddamada Carbeed, gaar ahaan arrinta Falastiin.

Madaxweynaha oo ka hadlay xiisadaha ka jira gobolka, gaar ahaan xiriirka Soomaaliya iyo Itoobiya, ayaa sheegay in Itoobiya ay dooneyso in ay ka taliso dhul Soomaaliyeed, iyadoo saldhig ciidan ka samaysanaysa Gacanka Cadmeed, wuxuuna xaqiijiyay in DFS aanay ogolaan doonin qorshayaashaas.

Related posts

๐‘๐š’๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š “๐‚๐ข๐ข๐๐š๐ง๐ค๐š ๐ฑ๐จ๐จ๐ ๐ ๐š ๐๐š๐ฅ๐ค๐š ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐ž๐ž๐ ๐ฐ๐š๐ฑ๐š๐š ๐š๐ฒ ๐ฅ๐š๐Ÿ-๐๐ก๐š๐›๐š๐ซ ๐ฎ ๐ฒ๐ข๐ก๐ข๐ข๐ง ๐๐จ๐ฐ๐ฅ๐š๐๐ง๐ข๐ฆ๐จ ๐ฑ๐จ๐จ๐ ๐ ๐š๐ง.”

July 3, 2025
Duqa Muqdisho oo la kulmay madaxda UNOPS si loo dardargeliyo dib-u-dhiska waddooyinka

Duqa Muqdisho oo la kulmay madaxda UNOPS si loo dardargeliyo dib-u-dhiska waddooyinka

July 3, 2025

Wuxuu intaas ku daray in Itoobiya ay jebisay dhammaan shuruucdii iyo heshiisyadii la gaaray masโ€™uulna ka tahay xasillooni darrada ka jirta gobolka.

“Dalkeennu waa dal madax bannaan, Waxaana diyaar u nahay inaan qaadanno tallaabo kasta oo lagama maarmaan ah haddii ay Itoobiya isku daydo inay qabsato qayb ka mid ah dhulkeenna”.

Madaxweynaha JFS oo ka hadlay xaaladda ka taagan Badda Cas ayaa sheegay in ay aad uga xun yihiin waxa ka socda halkaas, oo saameyn taban ku leh horumarka, nabadgelyada iyo xasilloonida Soomaaliya.

Isagoo ka hadlaya taageerada milateri ee Masar ay siiso Soomaaliya, Madaxweynaha ayaa tilmaamay in โ€œQaahira ay na taageerto, oo ay tababarto ciidamadeena amniga, waxayna na siisaa agabka ay ciidamadaasi u baahan yihiin, iyadoo la raacayo heshiiskii difaaca ee Masar lala galay,โ€ Wuxuuna xaqiijiyay in aanay jirin askar Masaari ah oo xilligan ku sugan Soomaaliya.

“Waxaan ka codsanay dalal kala duwan inay gacan ka geystaan โ€‹โ€‹dagaalka aan kula jirno argagixisada, Masarna waxay ka mid ahayd dalalkii ka soo jawaabay baaqeena oo nagu taageeray agabka iyo qalabka aan u baahnnahay”.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo sidoo kale ka hadlay dagaalka ka dhanka ah argagixisada, ayaa yiri: โ€œDagaalkan wuxuu u baahan yahay iskaashi dhinacyada milateriga, fikriga iyo dhaqaalaha ahโ€ isagoo xaqiijiyay in dowladda ay guulo waaweyn ka gaartay dhinacyadaas”.

Wuxuu intaas ku daray in Soomaaliya ay rajeyneyso in Turkiga uu ku guuleysto dadaallada lagu doonayo in xal siyaasadeed loogu helo khilaafka u dhaxeeya Soomaaliya iyo Itoobiya. Wuxuuna Madaxweynaha ka dhawaajiyay in xalka kaliya ee u furan Soomaaliya iyo Itoobiya ay tahay nabad ku wada noolaanshaha iyo in laga wada shaqeeyo sidii loo gaari lahaa is dhaxgal dhaqaale; taas oo barwaaqo u horseedi karta shacabka labada dal.

Dhinaca xiriirka caalamiga ah ee Soomaaliya, Madaxweynaha JFS wuxuu sheegay in heshiisyo badan oo dan u ah shacabka Soomaaliyeed ay la galeen dowladda Mareykanka, Wuxuuna yiri: โ€œMareykanku waa Saaxibka dibadeed ee ugu weyn Soomaaliyaโ€ balse sidoo kale ay xiriir wanaagsan la leeyihiin Shiinaha iyo Ruushka.

Madaxweynaha ayaa sheegay in Turkiga uu mar walba garab taagnaa Soomaaliya, gaar ahaan wakhtiyada baahidu jirtay, isaga oo carabka ku adkeeyay in uu kala dhaxeeyo Soomaaliya โ€œwada shaqayn fiican si aan danteena ugu adeegno.โ€

Isagoo ka hadlaya xaaladda Suudaan, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in Soomaaliya ay raadineyso in la xaqiijiyo xasilloonida Suudaan iyo in la ilaaliyo madax-bannaanideeda iyadoo loo marayo wadahadal, wuxuuna muujiyay walaaca uu ka qabo xaaladda ka taagan, isagoo ballanqaaday in Soomaaliya ay bixin doonto taageero nooc kasta ah si loo xalliyo xiisadda taagan.

Mudane Xasan Sheekh ayaa sidoo kale xusay in Soomaaliya aysan la safaneyn dhinac ka mid ah dhinacyada Suudaan, balse ay doonayaan in wadahadal lagu dhameeyo xiisadda. Wuxuu ugu baaqay Madaxweynaha Suudaan, Al-Burhaan, iyo Hemedti inay joojiyaan dagaalka, ayna ka jawaabaan baaqyada loogu talagalay in Suudaan laga badbaadiyo dhibaatada ay ku jirto.

Madaxweynaha ayaa intii lagu guda jiray wareysiga si qoto dheer uga hadlay xiisadda Falastiin, isagoo sheegay in xalka labada dal uu yahay habka ugu wanaagsan ee lagu xaqiijin karo in Falastiiniyiinta ay helaan dal madax bannaan.

Aad ayaan uga xunahay waxa Gaza ka socda. Israaโ€™iil waxay samaynaysaa waxyaabo mudan in la cambaareeyo. Beesha caalamka waa inay cadaadis dheeraad ah saaraan Israaโ€™iil si ay u joojiyaan dhiigga daadanaya oo ay u soo fariistaan miiska wadahadalka.

Previous Post

Wasiirka Amniga XFS oo soo xiray tartan Qurโ€™aanka Kariimka ah

Next Post

Isu soo bax balaaran oo lagu weynaynayay dhalashada Xabiibkeena Muxamed (NNK) oo lagu qabtay Nairobi

Next Post
Isu soo bax balaaran oo lagu weynaynayay dhalashada  Xabiibkeena Muxamed (NNK) oo lagu qabtay Nairobi

Isu soo bax balaaran oo lagu weynaynayay dhalashada Xabiibkeena Muxamed (NNK) oo lagu qabtay Nairobi

๐‘๐š’๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š “๐‚๐ข๐ข๐๐š๐ง๐ค๐š ๐ฑ๐จ๐จ๐ ๐ ๐š ๐๐š๐ฅ๐ค๐š ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐ž๐ž๐ ๐ฐ๐š๐ฑ๐š๐š ๐š๐ฒ ๐ฅ๐š๐Ÿ-๐๐ก๐š๐›๐š๐ซ ๐ฎ ๐ฒ๐ข๐ก๐ข๐ข๐ง ๐๐จ๐ฐ๐ฅ๐š๐๐ง๐ข๐ฆ๐จ ๐ฑ๐จ๐จ๐ ๐ ๐š๐ง.”

๐‘๐š’๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š “๐‚๐ข๐ข๐๐š๐ง๐ค๐š ๐ฑ๐จ๐จ๐ ๐ ๐š ๐๐š๐ฅ๐ค๐š ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐ž๐ž๐ ๐ฐ๐š๐ฑ๐š๐š ๐š๐ฒ ๐ฅ๐š๐Ÿ-๐๐ก๐š๐›๐š๐ซ ๐ฎ ๐ฒ๐ข๐ก๐ข๐ข๐ง ๐๐จ๐ฐ๐ฅ๐š๐๐ง๐ข๐ฆ๐จ ๐ฑ๐จ๐จ๐ ๐ ๐š๐ง.”

July 3, 2025
0

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa tababar u soo xiray saraakiil, saraakiil-xigeenno iyo cutubyo ka...

Duqa Muqdisho oo la kulmay madaxda UNOPS si loo dardargeliyo dib-u-dhiska waddooyinka

Duqa Muqdisho oo la kulmay madaxda UNOPS si loo dardargeliyo dib-u-dhiska waddooyinka

July 3, 2025
0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa xafiiskiisa ku qaabilay madaxda ugu sarreysa heyโ€™adda...

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo noqday qofkii uga horreeyay ee ka qaata kaarka Codeynta KGS

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo noqday qofkii uga horreeyay ee ka qaata kaarka Codeynta KGS

July 3, 2025
0

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen), ayaa ka qeyb-galay munaasabadda daah-furka ololaha diiwaangelinta codbixiyeyaasha ee deegaanada...

Raโ€™iisul Wasaare Xamsa oo xafiiskiisa kula qaatay Danjiraha dowladda Sweden u qaabilsan Soomaaliya

Raโ€™iisul Wasaare Xamsa oo xafiiskiisa kula qaatay Danjiraha dowladda Sweden u qaabilsan Soomaaliya

July 3, 2025
0

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa kulan sagootin ah xafiiskiisa kula qaatay Danjiraha dowladda Sweden...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In