Saturday, July 5, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha JFS oo ka hadlay arrimaha Gobolka iyo xaaladaha ka taagan qaar ka mid ah Waddamada Carbeed

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
September 30, 2024
in Wararka
0
Madaxweynaha JFS oo ka hadlay arrimaha Gobolka iyo xaaladaha ka taagan qaar ka mid ah Waddamada Carbeed
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa wareysi uu siiyay Telefishinka Aljazeera, si qoto dheer uga hadlay arrimo dhowr ah oo heer Qaran iyo heer gobol ah, isagoo sidoo kale taabtay mowduucyo la xiriira xaaladaha ka taagan waddamada Carbeed, gaar ahaan arrinta Falastiin.

Madaxweynaha oo ka hadlay xiisadaha ka jira gobolka, gaar ahaan xiriirka Soomaaliya iyo Itoobiya, ayaa sheegay in Itoobiya ay dooneyso in ay ka taliso dhul Soomaaliyeed, iyadoo saldhig ciidan ka samaysanaysa Gacanka Cadmeed, wuxuuna xaqiijiyay in DFS aanay ogolaan doonin qorshayaashaas.

Related posts

Ciidanka Xoogga Dalka oo weerar lagu dhabar jebiyay Khawaarijta ka sameeyay gobol Bakool

Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed oo hawlgal ka wada deegaannada gobolka Hiiraan

July 5, 2025
Madaxweyne Laftagareen oo dhagax dhigay Xarunta Tababarada Macalimiinta Koonfur Galbeed

Madaxweyne Laftagareen oo dhagax dhigay Xarunta Tababarada Macalimiinta Koonfur Galbeed

July 5, 2025

Wuxuu intaas ku daray in Itoobiya ay jebisay dhammaan shuruucdii iyo heshiisyadii la gaaray mas’uulna ka tahay xasillooni darrada ka jirta gobolka.

“Dalkeennu waa dal madax bannaan, Waxaana diyaar u nahay inaan qaadanno tallaabo kasta oo lagama maarmaan ah haddii ay Itoobiya isku daydo inay qabsato qayb ka mid ah dhulkeenna”.

Madaxweynaha JFS oo ka hadlay xaaladda ka taagan Badda Cas ayaa sheegay in ay aad uga xun yihiin waxa ka socda halkaas, oo saameyn taban ku leh horumarka, nabadgelyada iyo xasilloonida Soomaaliya.

Isagoo ka hadlaya taageerada milateri ee Masar ay siiso Soomaaliya, Madaxweynaha ayaa tilmaamay in “Qaahira ay na taageerto, oo ay tababarto ciidamadeena amniga, waxayna na siisaa agabka ay ciidamadaasi u baahan yihiin, iyadoo la raacayo heshiiskii difaaca ee Masar lala galay,” Wuxuuna xaqiijiyay in aanay jirin askar Masaari ah oo xilligan ku sugan Soomaaliya.

“Waxaan ka codsanay dalal kala duwan inay gacan ka geystaan ​​dagaalka aan kula jirno argagixisada, Masarna waxay ka mid ahayd dalalkii ka soo jawaabay baaqeena oo nagu taageeray agabka iyo qalabka aan u baahnnahay”.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo sidoo kale ka hadlay dagaalka ka dhanka ah argagixisada, ayaa yiri: “Dagaalkan wuxuu u baahan yahay iskaashi dhinacyada milateriga, fikriga iyo dhaqaalaha ah” isagoo xaqiijiyay in dowladda ay guulo waaweyn ka gaartay dhinacyadaas”.

Wuxuu intaas ku daray in Soomaaliya ay rajeyneyso in Turkiga uu ku guuleysto dadaallada lagu doonayo in xal siyaasadeed loogu helo khilaafka u dhaxeeya Soomaaliya iyo Itoobiya. Wuxuuna Madaxweynaha ka dhawaajiyay in xalka kaliya ee u furan Soomaaliya iyo Itoobiya ay tahay nabad ku wada noolaanshaha iyo in laga wada shaqeeyo sidii loo gaari lahaa is dhaxgal dhaqaale; taas oo barwaaqo u horseedi karta shacabka labada dal.

Dhinaca xiriirka caalamiga ah ee Soomaaliya, Madaxweynaha JFS wuxuu sheegay in heshiisyo badan oo dan u ah shacabka Soomaaliyeed ay la galeen dowladda Mareykanka, Wuxuuna yiri: “Mareykanku waa Saaxibka dibadeed ee ugu weyn Soomaaliya” balse sidoo kale ay xiriir wanaagsan la leeyihiin Shiinaha iyo Ruushka.

Madaxweynaha ayaa sheegay in Turkiga uu mar walba garab taagnaa Soomaaliya, gaar ahaan wakhtiyada baahidu jirtay, isaga oo carabka ku adkeeyay in uu kala dhaxeeyo Soomaaliya “wada shaqayn fiican si aan danteena ugu adeegno.”

Isagoo ka hadlaya xaaladda Suudaan, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in Soomaaliya ay raadineyso in la xaqiijiyo xasilloonida Suudaan iyo in la ilaaliyo madax-bannaanideeda iyadoo loo marayo wadahadal, wuxuuna muujiyay walaaca uu ka qabo xaaladda ka taagan, isagoo ballanqaaday in Soomaaliya ay bixin doonto taageero nooc kasta ah si loo xalliyo xiisadda taagan.

Mudane Xasan Sheekh ayaa sidoo kale xusay in Soomaaliya aysan la safaneyn dhinac ka mid ah dhinacyada Suudaan, balse ay doonayaan in wadahadal lagu dhameeyo xiisadda. Wuxuu ugu baaqay Madaxweynaha Suudaan, Al-Burhaan, iyo Hemedti inay joojiyaan dagaalka, ayna ka jawaabaan baaqyada loogu talagalay in Suudaan laga badbaadiyo dhibaatada ay ku jirto.

Madaxweynaha ayaa intii lagu guda jiray wareysiga si qoto dheer uga hadlay xiisadda Falastiin, isagoo sheegay in xalka labada dal uu yahay habka ugu wanaagsan ee lagu xaqiijin karo in Falastiiniyiinta ay helaan dal madax bannaan.

Aad ayaan uga xunahay waxa Gaza ka socda. Israa’iil waxay samaynaysaa waxyaabo mudan in la cambaareeyo. Beesha caalamka waa inay cadaadis dheeraad ah saaraan Israa’iil si ay u joojiyaan dhiigga daadanaya oo ay u soo fariistaan miiska wadahadalka.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Previous Post

Wasiirka Amniga XFS oo soo xiray tartan Qur’aanka Kariimka ah

Next Post

Isu soo bax balaaran oo lagu weynaynayay dhalashada Xabiibkeena Muxamed (NNK) oo lagu qabtay Nairobi

Next Post
Isu soo bax balaaran oo lagu weynaynayay dhalashada  Xabiibkeena Muxamed (NNK) oo lagu qabtay Nairobi

Isu soo bax balaaran oo lagu weynaynayay dhalashada Xabiibkeena Muxamed (NNK) oo lagu qabtay Nairobi

Ciidanka Xoogga Dalka oo weerar lagu dhabar jebiyay Khawaarijta ka sameeyay gobol Bakool

Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed oo hawlgal ka wada deegaannada gobolka Hiiraan

July 5, 2025
0

RADIO MUQDISHO(HIIRAAN): Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed iyo geesiyaasha dadka deegaanka ee gobolka Hiiraan oo iskaashanaya ayaa saakay Khawaarijta ku weeraray deegaanka...

Madaxweyne Laftagareen oo dhagax dhigay Xarunta Tababarada Macalimiinta Koonfur Galbeed

Madaxweyne Laftagareen oo dhagax dhigay Xarunta Tababarada Macalimiinta Koonfur Galbeed

July 5, 2025
0

RADIO MUQDISHO (BAYDHABO):Madaxweynaha maamul goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Dhagax-Dhigay Xarunta Tababarada Macalimiinta Koonfur Galbeed oo...

Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka oo hawlgal qorsheysan ku dhabar-jebiyay Khawaarijta

Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka oo hawlgal qorsheysan ku dhabar-jebiyay Khawaarijta

July 5, 2025
0

RADIO MUQDISHO(SHABEELLAHA DHEXE): Ciidanka Xoogga Dalka iyo geesiyaasha deegaanka Raaga Ceelle ee Macawiisleyda ayaa maanta howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanka...

Ciidanka xoogga dalka oo hawlgal ka dhan ah khawaarij ka fuliyey deegaano ka tirsan Bakool

Ciidanka xoogga dalka oo hawlgal ka dhan ah khawaarij ka fuliyey deegaano ka tirsan Bakool

July 5, 2025
0

RADIO MUQDISHO(BAKOOL): Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan geesiyaasha ka tirsan Ururada 93-aad iyo 96-aad ee Guutada 9-aad, Qeybta 60-aad,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In