Sunday, October 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha JFS oo ka qeyb galay kulan degdeg ah oo uu Boqorka Sucuudi isugu yeeray dalalka Jaamacadda Carabta”Sawirro”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
7 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha JFS oo ka qeyb galay kulan degdeg ah oo uu Boqorka Sucuudi isugu yeeray dalalka Jaamacadda Carabta”Sawirro”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026

Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa uga qeyb galay magaalada barakeysan ee Makkah kulan degdeg ah oo uu Boqorka Sucuudi Carabiya Boqor Salmaan Bin Cabdulcasiis isugu yeeray dalalka ku bahoobay Jaamacadda Carabta.

Shirkan ayaa laga hadlay xaaladaha ugu danbeeyey ee dalalka ku bahoobay Jaamacadda Carabta, danaha wada jirka ah ee ka dhaxeeya iyo sidii loogu midoobi lahaa dhibaatooyinka iyo caqabadaha ku xeeran dowladaha iyo shucuubta Carbeed.

Arrimaha ugu waaweyn ee shirkan sida gaarka xooga loogu saaray waxaa kamid ahaa in la cambaareeyo lagana hortago faragelinta iiraan ay ku hayso qaar kamid ah dowlaha carabta iyo sidii loo xakameyn lahaa gantaalada Maleeshiyaadka Xuutiyiinta ah ay ku weeraraan wadamada khaliijka gaar ahaan weeraradii ugu dambeeyay ee ka dhacay Sucuudiga iyo xeebaha imaaraatka Carabta, waxaana shirkan gabagabadiisa xalay laga soo saaray War-murtiyeed ka kooban dhoor qodob.

Dhanka kale Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Abdullaahi Farmaajo ayaa kulamo gaar gaar ah la qaatay Madaxa Golaha Milatariga Kumeel Gaarka ah ee Suudaan Sarreeye Guud Cabdulfataax al-Burhan iyo Ra’iisul Wasaaraha Qadar Sheekh Cabdullaahi Bin Naasir Bin Khaliifa Al Thani.

Previous Post

Tartamayaasha Kismaayo oo markii 2aad oo xiriir ah u soo gudbay kama dambeysta (finalka) tartanka

Next Post

UNHCR oo qaxooti ay Soomaali ku jiraan ka qaaday Libya

Next Post
Hay’adda UNHCR oo ka jawaabtay hadalkii ka soo yeeray Kenya “Dhageyso”

UNHCR oo qaxooti ay Soomaali ku jiraan ka qaaday Libya

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, kaddib markii uu helay 79 cod. Sidoo...

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In