Adeegaan Caafimaad ee sida bilaashka ah loogu sameynayo qaar ka mid ah dadka danyarta ah oo qayb ka ah weyneynta koowda luulyo ayaa maanta waxaa laga sameeyay dhowr goobood oo magaalada Muqdisho ah, waxaana booqday oo dhiiri galiyay madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo.
Goobaha adeegga loogu sameynayay dadkaan waxaa ka mid ah Taalada dajirka dahsoon Isbitaalka Martiini oo hooy u ah naafada xoogga dalka isgooska KM4 iyo goobo kale kuwaasi oo dhammaan baaritaano loogu sameynayo dadka ka dibna daawooyin lagu siinayo .
Adeegaan caafimaad waxaa ugu deeqday dadkaa madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo, isagoo u wakiishay fulintiisa qaar ka mid ah dhaqaatiirta da’yarta ee jaamacadaha dalka.
Qaar ka mid ah dadka ka faa,iideystay adeegaan caafimaad ee bilaashka ah ayaa ka mahad celiyay.
C/fitaax faysal oo wakiil uga ahaa madaxweynaha gaarsiinta adeegaan bulshada danyarta ayaa faah faahiyay qaabka ay u fuliyeen.
Horay ayaa adeeg kan la mid ah waxaa looga fuliyay Gobolka Banaadir, kaasi oo sidoo kale madaxweynaha dalku ugu deeqday danyarta.