Friday, March 27, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha JFS oo ku baaqay in wadajir loogu gurmado dadka ku dhibaataysan Afgooye

admin by admin
6 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha JFS oo ku baaqay in wadajir loogu gurmado dadka ku dhibaataysan Afgooye
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka walwalsan nolosha qoysaska ku dhibaateysan degmada Afgooye iyo guud ahaan Shabeelaha Hoose ee uu ku fatahay Wabiga Shabeele ayaa ku baaqay in wadajir loogu istaago sidii loo samatabixin lahaa dadkeena dhibaataysan.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay murugada ay leedahay boqolaalka qoys ee hoygoodii iyo hantidoodii ku waayey daadadka Wabiga Shabeele, isaga oo faray Xukuumadda in ay degdeg uga howlgasho ka jawaabidda iyo maareynta musiibadan.

Related posts

NISA oo gacanta ku dhigtay xubno u hoggaansamay baadda Khawaarijta

Ciidanka Hay’adda NISA oo howlgal qorsheysan ku dilay horjoogayaal ka tirsan Khawaarijta

March 26, 2026
Wasiirka Ganacsiga XFS oo shir muhiim ah uga qeybgalay dalka Cameroon

Wasiirka Ganacsiga XFS oo shir muhiim ah uga qeybgalay dalka Cameroon

March 26, 2026

“Waxaan idinla qeybsanaynaa murugada iyo dhibka, annaga oo xoogga saareyna sidii aan uga qayb qaadan lahayn samata-bixinta qoysaska nugul ee ay soo food-saartay dhibaatadu. Dhammaan dadkeenna Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa kunool magaalooyinka uu maro wabiga waxaan ugu baaqayaa in ay ka taxadaraan fatahaadaha maadaama lagu guda jiro xilli roobaadkii.”

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa bogaadiyey gurmadka iyo is-garab istaagga ay isu muujiyeen dadka deegaanka taas oo kaalin mugleh ka qaadatay samata-bixinta nafeed ee qoysaska iyo dadkeenna nugul ee deegaannada Afgooye.

Previous Post

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Next Post

Golaha shacabka oo Akhrinta saddexaad marsiinaya wax ka badalka sharciga xisbiyadda siyaasadda

Next Post
Golaha shacabka oo Akhrinta saddexaad marsiinaya wax ka badalka sharciga xisbiyadda siyaasadda

Golaha shacabka oo Akhrinta saddexaad marsiinaya wax ka badalka sharciga xisbiyadda siyaasadda

NISA oo gacanta ku dhigtay xubno u hoggaansamay baadda Khawaarijta

Ciidanka Hay’adda NISA oo howlgal qorsheysan ku dilay horjoogayaal ka tirsan Khawaarijta

March 26, 2026
0

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya saaxiibada caalamka ayaa howlgallo qorsheysan, oo lagu dilay Horjoogihii isku xirka...

Wasiirka Ganacsiga XFS oo shir muhiim ah uga qeybgalay dalka Cameroon

Wasiirka Ganacsiga XFS oo shir muhiim ah uga qeybgalay dalka Cameroon

March 26, 2026
0

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jamaal Maxamed Xasan, ayaa ka qeyb galay Shirweynaha 14aad ee Wasiirrada ee...

CXDS iyo AUSSOM oo ku dilay Mubaarak 40 ka tirsan khawaarijta 

CXDS iyo AUSSOM oo ku dilay Mubaarak 40 ka tirsan khawaarijta 

March 26, 2026
0

WAR-SAXAAFADEED, Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya ciidamada Uganda ee AUSSOM, ayaa jab culus gaarsiiyay maleeshiyaadka ka tirsan Khawaarijta, oo...

Soomaaliya iyo Spain oo kala saxiixday heshiis Taariikhi ah 

Soomaaliya iyo Spain oo kala saxiixday heshiis Taariikhi ah 

March 26, 2026
0

Dowladaha Soomaaliya iyo Spain ayaa kala saxiixday heshiis is-afgarad (MoU) oo dhidibada u aasaya hannaan wadatashi siyaasadeed oo joogto ah....

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In