Sunday, October 4, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha JFS oo kulan dhiirrigelin ah la qaatay ardaydii Kaalmaha hore ka galay Imtixaanka Fasalka 12-aad

Fardowso Xasan by Fardowso Xasan
1 month ago
in Wararka
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan dhiirrigelin iyo bogaadin ah la qaatay 10-kii arday ee kaalmaha ugu horreeya ka galay imtixaanka shahaadiga ah ee fasalka 12-aad ee dugsiyada sare ee dalka.

Madaxweynaha ayaa hambalyo iyo bogaadin u jeediyay ardayda, isaga oo ku ammaanay dadaalkooda, adkaysigooda iyo natiijada wanaagsan ee ay ka soo hooyeen imtixaanka, waxa uuna kula dardaarmay in ay sii laba-jibaaraan dadaalkooda waxbarasho.

Related posts

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay dhiggiisa dalka Uganda

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay dhiggiisa dalka Uganda

October 4, 2026
MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO MADASHA AL-CALAMAYN KU SOO BANDHIGAY FURSADAHA MAALGASHI IYO DHAQAALE EE SOOMAALIYA

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO MADASHA AL-CALAMAYN KU SOO BANDHIGAY FURSADAHA MAALGASHI IYO DHAQAALE EE SOOMAALIYA

October 3, 2026

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ardayda u ballanqaaday in arday kasta oo daneynaya in uu dalka gudhiisa ka sii wato waxbarashadiisa uu heli doono fursad waxbarasho oo bilaash ah, si loo dhiirrigeliyo haldoorka aqoonta iyo jiilka cusub ee dalka hoggaamin doona.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale tilmaamay in dowladdu ay qorsheyneyso hirgalinta Jaamacad kale oo dowladeed taasi oo bixindoonta casharo u gaar ah Teknoolojiyadda, taasi oo fursado waxbarasho oo tayo leh siindoonta dhallinyarada Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa daneynaya culuumta casriga ah iyo tiknoolajiyadda.

Previous Post

R/W Xamsa “Aqoonta la baranaayo iyo baahida suuqa taalo waa inay is daboolaan”.

Next Post

Maxkamadda Sare oo laashay natiijadii doorashada Galmudug

Next Post
Maxkamadda Sare oo laashay natiijadii doorashada Galmudug

Maxkamadda Sare oo laashay natiijadii doorashada Galmudug

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay dhiggiisa dalka Uganda

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay dhiggiisa dalka Uganda

October 4, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa Magaalada Arusha ee Dalka Tanzania kulan...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO MADASHA AL-CALAMAYN KU SOO BANDHIGAY FURSADAHA MAALGASHI IYO DHAQAALE EE SOOMAALIYA

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO MADASHA AL-CALAMAYN KU SOO BANDHIGAY FURSADAHA MAALGASHI IYO DHAQAALE EE SOOMAALIYA

October 3, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Al-calameyn ee dalka Masar kaga qaybgalay Madasha Ganacsiga Alcalamayn–Afrika, oo...

Xukunka Askari saaxiibkiis u dilay caro uu ka qaaday Turub ay wada ciyaarayeen

Xukunka Askari saaxiibkiis u dilay caro uu ka qaaday Turub ay wada ciyaarayeen

October 3, 2026
0

Eedeysane Dable Booliska Nuur Ibraahim Sahal, ayaa lagu soo eedeyay dembiga ah dil kas ah oo uu u geeystay Marxuum...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay dhiggiisa dalka Masar

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay dhiggiisa dalka Masar

October 3, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa kulan doceed la qaatay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Carabta ee Masar, Mudane...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In