Saturday, January 24, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha JFS oo kulan miro-dhal ah la yeeshay Guddoomiyaha Midowga Afrika

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
10 months ago
in Wararka
0
Madaxweynaha JFS oo kulan miro-dhal ah la yeeshay Guddoomiyaha Midowga Afrika
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta magaalada Muqdisho ku qaabilay Guddoomiyaha Ururka Midowga Afrika Mudane Mahamoud Ali Youssouf oo ay isla garteen xoojinta xiriirka laba geesoodka ah iyo iskaashiga istiraatiijiga ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Midowga Afrika.

Madaxweynaha ayaa bogaadiyey kaalinta muhiimka ah ee Midowga Afrika uu ka qaadanayo dadaallada nabadeynta, dib-u-dhiska dowladnimada iyo xoojinta amniga gudaha ee Soomaaliya, isagoo xusay geesinimada iyo naf-hurnimada ay muujiyeen walaalaha Nabad ilaalinta Afrika ee ku sugan Soomaaliya.

Related posts

Bannaabax looga soo horjeedo xagudubka Israaโ€™iil oo ka dhacay Muqdisho

Bannaabax looga soo horjeedo xagudubka Israaโ€™iil oo ka dhacay Muqdisho

January 24, 2026
Geesiyaasha Ciidanka XDS oo biyo dhaamin u sameeyay qoysas biyo laโ€™aan saameysay

Geesiyaasha Ciidanka XDS oo biyo dhaamin u sameeyay qoysas biyo laโ€™aan saameysay

January 24, 2026

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa adkeeyay sida dowladda Soomaaliya ay uga goโ€™an tahay la dagaallanka argagixisada xasuuqa ku haya shacabka Soomaaliyeed, kana soo horjeeda jiritaanka iyo horumarka dalka, waxa uuna ammaanay sida dalalka Gobolka ay u kordhiyeen garab istaagga ku aaddan howlgallada ka dhanka ah argagixisada.

โ€œArgagixisada uma harin meel ay kaga dhex dhuuman karaan Soomaaliya, dhulkii iyo dadkiiba waa diideen.ย  Alle idankii, waaa ku guuleysan doonnaa in aan gebi ahaanba ka dabar-goyno dalkayaga oo iska dulqaadno dhagartooda, boobkooda iyo xasuuqa ay ku hayaan nafta iyo maalka dadka Soomaaliyeed”.

Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo Guddoomiyaha Midowga Afrika ayaa isla qaatay horumarinta iskaashiga dhaqaalaha, dib-u-habeynta hayโ€™adaha dowladda, iyo xoojinta amniga gobolka, si loo xaqiijiyo nabad iyo xasillooni waarta.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xusay in Soomaaliya ay ka goโ€™an tahay in ay door firfircoon ka qaadato geeddi-socodka dib u habaynta Midowga Afrika, kana shaqeyso in ay khibraddeeda daminta colaadaha sokeeye iyo nabadaynta ay uga faa’iideyso dalalka qaaradda iyo gobolka.

Previous Post

๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š ๐จ๐จ ๐ช๐š๐š๐›๐ข๐ฅ๐š๐ฒ ๐†๐ฎ๐๐๐จ๐จ๐ฆ๐ข๐ฒ๐š๐ก๐š ๐Œ๐ข๐๐จ๐ฐ๐ ๐š ๐€๐Ÿ๐ซ๐ข๐ค๐š

Next Post

Tartamayaasha Gaalkacyo oo u gudbay caawa wareegga Afar dhamaadka ee tartanka

Next Post
Tartamayaasha Gaalkacyo oo u gudbay caawa wareegga Afar dhamaadka ee tartanka

Tartamayaasha Gaalkacyo oo u gudbay caawa wareegga Afar dhamaadka ee tartanka

Bannaabax looga soo horjeedo xagudubka Israaโ€™iil oo ka dhacay Muqdisho

Bannaabax looga soo horjeedo xagudubka Israaโ€™iil oo ka dhacay Muqdisho

January 24, 2026
0

Bannaan bax looga soo horjeedo faragelinta Israโ€™iil ay ku sameysay dalkeenna ayaa ka dhacay degmada Heliwaa ee Gobolka Banaadir. Bannaan...

Geesiyaasha Ciidanka XDS oo biyo dhaamin u sameeyay qoysas biyo laโ€™aan saameysay

Geesiyaasha Ciidanka XDS oo biyo dhaamin u sameeyay qoysas biyo laโ€™aan saameysay

January 24, 2026
0

Geesiyaasha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa toddobaadkan mar kale muujiyay kaalintooda beniโ€™aadannimo, kaddib markii ay biyo-dhaamin degdeg ah u sameeyeen...

War-murtiyeedka Shirka  Golaha Wadatashiga Qaranka

War-murtiyeedka Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka

January 24, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoomiyey shirka Golaha Wadatashiga Qaran (GWQ) oo ay qaab fogaan arag...

Ra’iisul Wasaare Xamse oo ka qayb galay munaasabad ay ku qalin-jabinayeen aqoonyahanno heerarka sare ee waxbarashada

Ra’iisul Wasaare Xamse oo ka qayb galay munaasabad ay ku qalin-jabinayeen aqoonyahanno heerarka sare ee waxbarashada

January 24, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta ka qayb-galay munaasabadda qalin-jabinta aqoonyahanada dhammaystay waxbarashada heerarka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In