Wednesday, June 3, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Barnaamijyada

Tartamayaasha Gaalkacyo oo u gudbay caawa wareegga Afar dhamaadka ee tartanka

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
1 year ago
in Barnaamijyada, Tartan Aqooneedka Bisha Ramadaan, Tartanka Ramadaan, Wararka
0
Tartamayaasha Gaalkacyo oo u gudbay caawa wareegga Afar dhamaadka ee tartanka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Shan iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah looga daawanayo Telefishinka Qaranka, lagana dhageysto Idaacadda Radio Muqdisho habeen waliba ayaa waxaa caawa kulankiisa 27–aad ee wareegga Saddexaad kulankiisa 3-aad ku tartamay Degmooyinka Gaalkacyo iyo Ceelbuur oo ka kala tirsan Gobollada Mudug iyo Galgaduud. waxaana barnaamijka si wadajir ah u taaba-gelineya Bankiga IBS iyo Maamulka Gobolka Banaadir.

Tartameyaasha labada degmoo ee Gaalkacyo iyo Ceelbuur ayaa muujiyey tartan aad u adag, isla markaana ahaa mid xiiso gaar ah xambaarsan, iyagoo soo bandhigay aqoon iyo asluub wanaag labada dhinac inta uu tartanka socday.

Related posts

WAR SAXAAFADEED: Ciidamada Dowladda oo howlgal ka fuliyay Masaajid Cali-guduud iyo Buq-aqable

WAR SAXAAFADEED: Ciidamada Dowladda oo howlgal ka fuliyay Masaajid Cali-guduud iyo Buq-aqable

June 3, 2026
Agaasimaha Guud ee Tubsan oo ka qayb galay shirka GCERF oo ka dhacay Geneva

Agaasimaha Guud ee Tubsan oo ka qayb galay shirka GCERF oo ka dhacay Geneva

June 2, 2026

Gaalkacyo

Tartameyaasha Degmada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug waxaa la weydiiyey todobo Su’aal, todobadii su’aal ee la weydiiyay waxa ay si sax ah uga jawaabeen Shan su’aal, halka ay iska qaldeen Labo su’aal, Waxa ay ka faa’iideysteen hal su’aal oo soo hareermartay tartamayaasha Ceelbuur, sidaa darteed wadarta guud ee dhibcaha tartameyaasha Degmada Gaalkacyo ay heleen waxay noqotay  Labo iyo Toban (12) dhibcood.

Ceelbuur

Tartamayaasha Degmada Ceelbuur ee Gobolka Galgaduud waxaa dhankooda la weydiiyay todobo su’aal, waxa ay si sax ah uga jawaabeen Saddex su’aal oo kaliya, halka ay iska qaldeen Afar su’aal, Ma jirin wax ka faa’iideysi ah oo ay heleen,  sidaa darteed wadarta guud ee dhibcaha ay heleen tartameyaasha Degmada Ceelbuur waxay noqotay Lix (06) dhibcood.

Hadaba kulankii 27-aad ee tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka caawa waxaa wareegga Afar dhamaadka u soo gudbay tartamayaasha Degmada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug, ayadoo gebagebadii ay labada tartame isugu hambalyeeyeen guushaasi.

Habeen dambe haddii uu Alle idmo oo ah habeenka 28-aad ee tartanka, waxaa ku loolami doonaan Degmooyinka Boondheere iyo Bardaale oo ka kala tirsan Gobollada Benaadir iyo Baay. .

Sawir qaade:- Khadar Cali Nuur

Previous Post

Madaxweynaha JFS oo kulan miro-dhal ah la yeeshay Guddoomiyaha Midowga Afrika

Next Post

DAAWO:- Madaxweynaha JFS oo Afur ku maamuusay Guddoomiyaha Midowga Afrika

Next Post
Madaxweynaha JFS oo kulan miro-dhal ah la yeeshay Guddoomiyaha Midowga Afrika

DAAWO:- Madaxweynaha JFS oo Afur ku maamuusay Guddoomiyaha Midowga Afrika

WAR SAXAAFADEED: Ciidamada Dowladda oo howlgal ka fuliyay Masaajid Cali-guduud iyo Buq-aqable

WAR SAXAAFADEED: Ciidamada Dowladda oo howlgal ka fuliyay Masaajid Cali-guduud iyo Buq-aqable

June 3, 2026
0

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa howlgallo qorsheysan oo ka kala dhacay deegaannada Masaajid...

Agaasimaha Guud ee Tubsan oo ka qayb galay shirka GCERF oo ka dhacay Geneva

Agaasimaha Guud ee Tubsan oo ka qayb galay shirka GCERF oo ka dhacay Geneva

June 2, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Xarunta Qaran ee Tubsan, Md. Cali Yaasin Gurbe, ayaa maanta ka qeyb galay shir heer sare ah...

Wasiirka Amniga Gudaha iyo EUCAP oo ka Wada Hadlay Xoojinta Iskaashiga Amniga 

Wasiirka Amniga Gudaha iyo EUCAP oo ka Wada Hadlay Xoojinta Iskaashiga Amniga 

June 2, 2026
0

Muqdisho, Soomaaliya – 2 Juun 2026: Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Gen. Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa...

Xildhibaannada cusub ee KGS oo loo furay tababar la xariira Doorashooyinka

Xildhibaannada cusub ee KGS oo loo furay tababar la xariira Doorashooyinka

June 2, 2026
0

Xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa maanta magaalada Baydhabo loogu furay tababar lagu xoojinayo fahamkooda ku aaddan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In