Madaxweynaha jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Hassan Sheekh Maxamuud ayaa soo gabangabeeyay booqasho rasmi ah oo mudo afar maalmood qaadatay oo uu ku joogay dalka Eritrea.
Madaxweyne Hassan sheikh Maxamuud iyo wafdigiisa ayaa saacadaha soo socda muqdisho dib ugu soo laabanaya .
Labada Madaxweyne ee Soomaaliya iyo Eritrea ayaa gaaray heshiis is afgarad oo ku qotomay xiriirka labada dal, iskaashiga, Nabadda iyo Xasiloonida Gobolka, is dhex galka dhaqaale ee Geeska Afrika, sida lagu shaaciyay bogga Wasaaradda Warfaafinta Eritrea,