Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa goordhow gaaray magaalada Garoowe ee xarunta Maamul Goboleedka Puntland.
Madaxweynaha ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Garoowe Ku soodhaweeyay madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdullahi Deni iyo ku-xigeenkiisa Axmed Cilmi Cusman Kaarshe iyo Mas’uuliyiin kale oo ka tirsan maamulka Puntland.
Safarka madaxweynaha ayaa daaran u kuur gelida xaaladda shacabka reer Puntland, isagoona inta uu ku suganyahay halkaas kulammo la qaadandoona maamulka iyo bulshada reer Puntland.