Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ugu hambalyeeyay shacabka Soomaaliyeed iyo dhammaan Ummadda Islaamka bilashada bisha barakeysan ee Ramadaan ayaa ku baaqay in loo gurmado dadka soomaaliyeed ee ay saameeyeen abaaraha dalka ka jira.
Madaxweynaha ayaa si gaar ah ugu hambalyeeyay Ciidamada Qalabka Sida oo har iyo habeen qorraxda iyo dhaxanta u taagan badbaadinta nafta iyo maalka shacabka Soomaaliyeed, isaga oo ku bogaadiyey dadaalka muuqda ee ay geliyeen sugidda amniga, xoreynta iyo xasilinta dalka, waxa uuna bulshada Soomaaliyeed ugu baaqay in ay ka shaqeeyaan ilaalinta danta guud oo uu amnigu ugu horreeyo, midnimada iyo wadajirka.










