Wednesday, April 1, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha JFS oo tababar usoo xiray Cutubyo ka mid noqonaya Guutada sida gaarka ah u tababaran ee Gorgor

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
2 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha JFS  oo tababar usoo xiray Cutubyo ka mid noqonaya Guutada sida gaarka ah u tababaran ee Gorgor
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tababbar u soo xiray cutubyo ka mid noqonaya Ciidamada Side Gaarka ah u tababaran ee Gorgor oo ka qalin jabiyey dugsiga ciidamada ee TurkSom.

Madaxweynaha ayaa khudbadda uu u jeediyay halyeeyadan u istaagay difaaca dalkooda, waxa uu tilmaamay in muhiimadda koowaad ay dowladdu saareyso dib u habaynta Ciidanka Qaranka oo aas-aas u ah dowladnimada dalkeenna iyo in guul deg-deg ah laga gaaro dagaalka dalka lagaga sifaynayo argagixisada.

Related posts

Duqa Muqdisho oo xarigga ka jaray Waddada Sheekh Cali Suufi

Duqa Muqdisho oo xarigga ka jaray Waddada Sheekh Cali Suufi

April 1, 2026
Guddoomiyaha G/Shacabka BJFS oo la kulmay Saraakiishii isku furay Muqdisho iyo Baydhabo

Guddoomiyaha G/Shacabka BJFS oo la kulmay Saraakiishii isku furay Muqdisho iyo Baydhabo

April 1, 2026

“Deegaanno badan oo muddo dheer ay joogeen argagixisadu ayaa xor ka ah maanta. Sharafta iyo karaamada ay umadda Soomaaliyeed leedahay cidda soo celin karta waa idinka iyo kuwa idinla mid ah ee ka qalin jabiya xeeryahan”.

Cutubyada ciidamadan ayaa Madaxweynaha u soo bandhigay dhoolla-tus ay ku muujinayaan tayadooda iyo tababarrada ay qaateen, Saraakiisha iyo Saraakiil Xigeennada Cutubyadan ayaa Madaxweynaha uga mahadceliyay mudnaanta uu siiyey nolashooda iyo tababarrada ay qaateen, waxayna muujiyeen sida ay uga go’an tahay in ay safka hore ka galaan howlgallada xoreynta dalka.

Ugu dambeyn, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa uga mahad-celiyey dowladda Turkiga doorka ay ka qaadanayaan dib u dhiska Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed.

Previous Post

Soomaaliya iyo Turkiga oo kala saxiixday heshiis muhiim ah

Next Post

Qoysas barakacayaal ah oo lagu wareejiyay guryo loo dhisay

Next Post
Qoysas barakacayaal ah oo lagu wareejiyay guryo loo dhisay

Qoysas barakacayaal ah oo lagu wareejiyay guryo loo dhisay

Duqa Muqdisho oo xarigga ka jaray Waddada Sheekh Cali Suufi

Duqa Muqdisho oo xarigga ka jaray Waddada Sheekh Cali Suufi

April 1, 2026
0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Mudane Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa si rasmi ah xarigga uga jaray Waddada Sheekh...

Guddoomiyaha G/Shacabka BJFS oo la kulmay Saraakiishii isku furay Muqdisho iyo Baydhabo

Guddoomiyaha G/Shacabka BJFS oo la kulmay Saraakiishii isku furay Muqdisho iyo Baydhabo

April 1, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa kulan muhiim ah xarunta Madaxtooyada...

NISA oo gacanta ku dhigtay xubno u hoggaansamay baadda Khawaarijta

Ciidanka Hay’adda NISA oo howlgalo qorsheysan ka fuliyay Shabeellooyinka

March 31, 2026
0

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa fuliyay howlgallo qorsheysan oo lagu burburiyay xarumo ay...

Xukka Qaranka Soomaaliya oo guul muhiih ah gaaray

Xukka Qaranka Soomaaliya oo guul muhiih ah gaaray

March 31, 2026
0

Xulka Qaranka Soomaaliya ee kubadda cagta ayaa gaaray guul taariikhi ah kaddib ciyaar adag oo ay la yeesheen dhiggooda Mauritius,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In