Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Taliiska Ciidanka Xoogga Dalka kulamo kula qaatay Xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga, kulamadaas oo ku saabsanaa xoojinta amniga iyo xoreynta dalka.
Taliyaha Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sarreeye Gaas Ibraahim Sheikh Muxudiin iyo Saraakiisha hoggaaminaya qeybaha kala duwan ee Talisyada Ciidamada ayaa la wadaagay Madaxweynaha Jamhuuriyadda warbixinno ku saabsan howlgalada dalka looga sifeynayo argagixisada.