Monday, October 19, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Warfaafinta oo tababar u furay xubno ka kala socday shirkadaaha Filmada iyo Warbaahinta kale

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
2 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Warfaafinta oo tababar u furay xubno ka kala socday shirkadaaha Filmada iyo  Warbaahinta kale
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Tababarkan oo socon doona muddo 5 maalmood ah ayna soo qaban qaabisay Wakaaladda Filmada ee Wasaaradda Warfaafinta ayaa waxaa furitaankiisa ka qeybgalay Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Daa’uud Aweys Jaamac, Ku-simaha agaasimaha guud ahna agaasimaha maamulka iyo Maaliyadda Cabdinaasir Xasan Xuseen, Prof Cabdullaahi Sheikh Cali Qaloocow Wasiir ku-xigeenkii hore ee Maaliyadda iyo qaar kamid ah agaasimeyaasha waaxyaha ee Wasaaradda.

Inta uu socdo waxaa lagu baran doonaa casharo laxiriira habka sameynta iyo soo saarista Filmada bulshada loo gudbinayo, waxaana bixinayaa khabiir sare Cabdulqaadir Axmed Buufalo oo hore uga tirsanaan jiray maamulkii Wakaaladda Filmada Soomaaliyeed xiligii dowladii dhexe ee Soomaaliya.

Related posts

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026

Ku-simaha agaasimaha guud Cabdinaasir Xasan Xuseen ayaa kula dardaarmay ka qeybgalayaasha tababarka in ay ka faa’iideystaan, isagoo xusey tababar nuucaan ah ay dunida qiimo weyn ah ku fadhiyaan.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Daa’uud Aweys Jaamac oo si rasmi ah u furay tababarkan wuxuu si weyn uga hadlay muhiimada ay leeyihiin Filmada gaagaaban ee bulshada loo gudbinayo, kuwaasi oo xambaarsan fariimo wacyigelineed oo nuuc kasta leh, wuxuuna bogaadiyay dadaalka uu bixinayo Cabdulqaadir Buufalo oo ah khabiir in muddo ah ku noolaa dalka Koonfur Afrika.

Madaxda Wasaaradda Warfaafinta ayaa dadaal ugu jira sidii Wakaaladda Filmada oo kamid ah qeybaha Warbaahinta ee Wasaaradda maqaambkeedi dib loogu soo celin lahaa.

 









Previous Post

Madaxweynaha JFS oo warbixino ku saabsan howlgallada ka dhageystay Talisyada Ciidamada

Next Post

Senator Cabdixakiin Macalin : Heshiisyada caalamiga ah waxaa awood u leh inay gasho dowladda dhexe, wax door ah kuma lahan dowlad goboleedyadu

Next Post
Senator Cabdixakiin Macalin : Heshiisyada caalamiga ah waxaa awood u leh inay gasho dowladda dhexe, wax door ah kuma lahan dowlad goboleedyadu

Senator Cabdixakiin Macalin : Heshiisyada caalamiga ah waxaa awood u leh inay gasho dowladda dhexe, wax door ah kuma lahan dowlad goboleedyadu

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, kaddib markii uu helay 79 cod. Sidoo...

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In