Wednesday, October 21, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha JFS oo xarigga ka jaray mashaariic horumarineed oo laga hirgeliyey Dhuusamareeb

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
2 months ago
in Wararka
0
Madaxweynaha JFS oo xarigga ka jaray mashaariic horumarineed oo laga hirgeliyey Dhuusamareeb
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo uu weheliyo Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug, Mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa si rasmi ah xarigga uga jaray wajiga koowaad ee mashruuca dhismaha laamiga magaalada Dhuusamareeb iyo Taallada Cagaaran ee magaalada.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ku bogaadiyay hoggaanka Dowlad Goboleedka Galmudug sida hufan ee ay u maareeyeen hirgelinta mashruuca, isla markaana u xaqiijiyeen in mashruucu u qabsoomo sidii loo qorsheeyay, iyadoo si gaar ah loo ilaalinayo tayada iyo heerarka farsamo ee dhismaha.

Related posts

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xusay in mashaariicdan ay astaan u yihiin horumarka kaabayaasha dhaqaalaha iyo bilicda magaalada Dhuusamareeb, isla markaana ay wax weyn ka tari doonaan isku socodka bulshada iyo koboca dhaqaale ee deegaanka, isaga oo uga mahadceliyay Bangiga Adduunka iyo Wasaaradda Howlaha Guud ee Xukuumadda Soomaaliya ee ka qayb qaatay qorsheynta, maalgelinta iyo hirgelinta mashaariicdan.

Ugu dambayn, Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ku ammaanay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug, Mudane Axmed Cabdi Kaariye dhaxalka dowladeed ee waaraya iyo taariikhda muhiim ah ee uga tagayo deegaanka, isaga oo bulshada Galmudug ugu baaqay in ay ilaashadaan mashaariicda iyo horumarka la xaqiijiyay, ayna sii ambaqaadaan dadaallada lagu horumarinayo deegaanka.

default

 

Previous Post

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo kulan sagootin ah la yeeshay Safiirka Itoobiya.

Next Post

Soomaaliya oo ka qayb gashay xuska maalinta Ururka Hay’adaha Hantidhowrka Wadamada Carabta

Next Post
Soomaaliya oo ka qayb gashay xuska maalinta Ururka Hay’adaha Hantidhowrka Wadamada Carabta

Soomaaliya oo ka qayb gashay xuska maalinta Ururka Hay'adaha Hantidhowrka Wadamada Carabta

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, kaddib markii uu helay 79 cod. Sidoo...

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In