Sunday, September 27, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha Jubbaland oo daah furay nashqadaynta Kismaayada cusub ee mustaqbalka

Fardowso Xasan by Fardowso Xasan
3 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha Jubbaland oo daah furay nashqadaynta Kismaayada cusub ee mustaqbalka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Dowladda Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, ayaa maanta magaalada Kismaayo ka daah-furay nashqadaynta guud ee magaalada Kismaayo oo muddo badan hirgalinteeda laga shaqeynayey.

Munaasabaddan waxaa Madaxweynaha kala qeyb galay Madaxweyne Ku-xigeenka labaad ee Dowladda Mudane Cabdiqaadir Xaaji Maxamuud, xubno katirsan golayaasha kala duwan ee Dowladda, mas’uuliyiinta Hay’adda dhulka Jubbaland, Saraakiisha Ciidamada, Odayaasha dhaqanka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ah.

Related posts

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

September 27, 2026
𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

September 27, 2026

Munaasabadan waxaa lagu sharraxay qaabka iyo nidaamka ay noqonayso Kismaayada cusub ee la rajeynayo in wixii hadda ka dambeeyo la hirgalinaayo taas oo u diyaarsan in ay ku noolaadaan dad gaaraya ilaa 5 Milyan iyo bar qof.

Madaxweynaha Dowladda Jubbaland,ayaa tilmaamay ahmiyada ay leedahay hirgalinta Kismaayada cusub oo wax badan ka badalan tii hore, isagoo Hay’adaha kala duwan ee ku shaqada leh arrimaha dhulka Jubbaland faray in sida ugu dhaqsiyaha badan ay shacabka uga dhimmaan qiimaha lagu sharciyeeyo dhulka. Sidoo kale wuxuu faray in ay muhiim tahay in dadka qurbaha ku maqan ee reer Jubbaland loo diyaariyo nidaam u sahlaya iibsashada dhulka, iyaga oo aan wado dheer oo dhib badan aan u marin.

Madaxweynaha, oo ka hadlayo Kismaayada cusub Ayaa yiri ” Ahmiyad gaar ah ayay Dowladdu u leedahay Kismaayada cusub,Waana in loo dhameeystiro adeegyadii ay u baahneeyd Magaalo si looga gudbo caqabadaha isku raranka ah ee ka jira magaalada Kismaayo”.

Ciidamada qeybahooda kale duwan ayuu uga digay Madaxweynaha Jubbaland ku milanka kiisaska dhulalka waxa uunna sheegay Madaxweynaha in talaabo waafaqsan sharciga la marsiin doono Ciidamada had iyo jeer ku dhaxjira arrimaha dhulalka.

Garsoorka iyo Maxkamadaha ayuu Madaxweynahu faray in aysan gali karin dacwadaha dhul aan soo marin hay’adaha ku shaqada leh.

Dhanka kale Madaxweynaha Dowladda Jubbaland, ayaa ka hadlay xaaladda uu dalka ku jiro iyo dagaalka ka dhanka ah argagixisada ee uu hormuudka ka yahay Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya mudane Xassan Sheekh Maxamuud, wuxuuna ka digay in la Siyaasadeeyo dagaalka lagu xoraynayo dalka.

Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam ayaa shacabka Jubbaland iyo guud ahaan siyaasiyiintaba ugu baaqay in ay door muuqda ka qaataan dagaalka ka dhanka ah argagixisada, garab-istaagna loo muujiyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee hoggaaminaya howlgalka lagu ciribtirayo argagixisada.










 

Previous Post

Khasaare weyn oo ka soo gaaray Khawaarijta daggaalkii saakay degmada Awdhegle ee Gobalka Shabeellaha hoose

Next Post

Ciidamada xoogga dalka oo la wareegay deegaanno horleh oo hoostaga Degmada Runnirgood

Next Post
Ciidanka gaarka ah ee DANAB  oo Howlgalo ka sameeyey qeybo kamid ah Gobollada Jubbooyinka “SAWIRRO”

Ciidamada xoogga dalka oo la wareegay deegaanno horleh oo hoostaga Degmada Runnirgood

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

September 27, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), oo kaashanaysa Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ee Jubbaland, ayaa diyaarisay 10 matoor oo...

𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

September 27, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xarunta dhexe ee Hay’adda ku qaabilay Guddoomiyaha Hay’adda...

JSP oo Dugsiga Sare ee Mudug ka wada ololaha doorashada

JSP oo Dugsiga Sare ee Mudug ka wada ololaha doorashada

September 27, 2026
0

Xubno ka tirsan Ururka Caddaaladda iyo Wadajirka ee JSP ayaa ololaha doorashada ka sameeyay xarunta Dugsiga Sare ee Mudug, iyagoo...

Xukunka Askari dilay Muwaadin Soomaaliyeed

Xukunka Askari dilay Muwaadin Soomaaliyeed

September 27, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Dable Xoogga Cabdi Aadan Ibraahim oo lagu naaneyso “Soddon” , ayaa lagu eedeeyey Dilka Marxuum Yuusuf Axmed Cabdi oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In